SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUR-HAKABA

Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro oo wareysi aasaasi ah Buurhakaba kula yeeshay Mayow Teesiyow

Waxaa inoo suurto-gashay inaan Magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay ku wareysanno Mayow Cabdi Maxamed oo loo yaqaan (Mayow Teysiyoow) oo dhawaan ka soo tagay degmada Xudur, kaddib markii ay isku dhaceen xubnaha kale ee wasiirrada ah oo ku sugan Magaalada Xudur. Wuxuuna wareysigaasi u dhacay sidan:

Su’aal: Maxaad u joogtaa magaalada Buur-hakaba?

Jawaab: Waxaan u joogaa magaalada Buur-hakaba, marka ugu horreysa waa magaaladaydii, marka labaad waxaan u imid sidii loo dhameyn lahaa ama heshiisiin loo dhex dhigi lahaa xubnaha iska soo horjeeda ee dowladda, waxaana arrintaan wada Wasiiradda Qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.

Su’aal: Halkee marayaan howlahaasi?

Jawaab: Meel wanaagsan ayay noo marayaan, waxaana socda xiriirro la doonayo in lagu soo afjaro khilaafaadka u dhexeeya xubnaha siyaasiyiinta ah ee beelaha Digil iyo Mirifle, shaqsiyan waxaan doonayaa in xabbad aan wax lagu raadin oo ay arrintu noqoto is faham iyo wada hadal.

Su’aal: Wax xiriir ah ma wada yeelateen adiga iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade?

Jawaab: Illaa iyo haatan wax xiriira oo toos ah ma wada yeelan, laakiin dhanka Isgaarsiinta ayaan ku wada xiriirnay waxaana ka wada hadalnay sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka u dhexeeya beelaha Digil iyo Mirifle.

Su’aal: Muqdisho, wada hadal ma u tagtay?

Jawaab: Haa… Muqdisho wada hadal waan u tagay habeen ayaanan baryay Hotel Saxafi, waxaanan kula kulmay Fowziyo Maxamed Sheekh, waxaanan ka wada hadalnay sidii loo soo gabagabeyn lahaa is af-garan waaga u dhexeeya Siyaasiyiinta beelaha digil iyo Mirifle.

Su’aal: Ma ka baxday inaad weerar kale ku qaaddo magaalada Baydhabo oo haatan uu gacanta ku hayo Maxamed Ibraahim Xaabsade?

Jawaab: Waxaan haatan go’aansaday in wax kasta lagu dhammeeyo dib u heshiisiin, taas ayaana dan u ah Beelaha Digil iyo Mirifle oo dhibaato kala kulmay dagaallada soo laalaabtay.

Su’aal: Goorma ayaad si fool-ka fool ah u wada kulmaysaan Maxamed Ibraahim Xaabsade?

Jawaab: Inkastoo aan si rasmi ah u wada kulmin Xaabsade, haddana si aad ah ayaan u daneynayaa inaan wada hadal yeellanno, waxayna wada hadalladaas noqonayaan sidii shacabka Digil iyo Mirifle looga saari lahaa dhibaatada.

Su’aal: Maxay tahay sababta aad uga soo goosatay Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud)?

Jawaab: Shaar-guduud waxaan nahay qaraabo wax xumaan ah oo naga dhexeeyana ma jirto, waxaana u soo jeedinayaa in wixii khilaafaad ah lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Su’aal: Wax xiriir ah malla sameysay wasiirrada ku sugan Degmada Xudur?

Jawaab: Illaa iyo hadda wax xiriir ah lama sameyn; waxaanse jecelahay inaan wada hadal yeellanno si loo soo gabagabeeyo khilaafaadka u dhexeeya siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle isla markaana aan xabbad wax lagu xallin.

Su’aal: Maxay tahay fikraddaada ku aaddan dowladda Federaalka ah?

Jawaab: Shacabka Soomaaliyeed aad bay u doonayaan inay helaan dowlad, si aad ahna way u soo dhaweeyeen wixii ka soo baxay Nairobi, hase ahaatee niyad jab ayay shacabka la kulmeen markii ay dowladdu u qaybsantay laba qaybood, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu ay noqdeen, halka Guddoomiyaha Barlamaankana uu noqday dhinac kale, waxaan ku talin lahaa in dowladdu midowdo si ay u soo laabato Qarannimadii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed.

Su’aal: Maxay tahay fikradda aad ka qabto dowladda Itoobiya?

Jawaab: Su’aashaas dhowr jeer ayaa la i weyidiiyay, haatan waan ka gaabsanayaa oo marka ay habboonaato ayaan ka jawaabayaa.

Su’aal: Mar kale ma doonaysaa inaad Muqdisho gaartid?

Jawaab: Haa… waan jecelahay, waayo waxaan doonayaa inaan soo ogaado halka ay marayaan dhex-dhexaadintii ay waddo wasiiradda Arrimaha Qoyska ee dowladda Federaalka Fowziyo Maxamed Sheekh.

Waxaa wareystay:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20,  2005

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD