Soomaalida ku jirta
xerada Nikafali ee Ugandha oo markii ugu horaysay
UN-ku Qaadayo.
Diiwaan galintii
ugu horaysay muddo dhowr iyo Toban sano ah ayaa loo
bilaabay Qaxootiga Soomaaliyed ee ku jira Xerada
Nikavali oo qiyaas ahaan magaalada Kampala u jirta
280 KM.
Hay’adda Qaxootiga ugu qaabilsan Qaramada Midoobay
ee UNHCR ayaa qaadaysa lix boqol oo qoys oo ka mid
ah qaxootiga ku jiray xeradaas,waxaana lagu wadaa in
wadanka maraykanka la geeyo dabayaqaada sanadkan
sida uu iigu waramay mid ka mid ah howlawadeena
Jaaliyada Soomaaliyeed oo xiriir leh Agaasimaha
xerada iyo QM.
Soomaalida waxaa xerada kula jira 25 kun oo TUTSI ah
oo ka yimid Ruwanda iyo Burundi dagaaladii ka
dhacayay,mid ka ah Somalida ku jira xerada oo aan
kula kulmay magaalada ayaa ii sheegay in uu ku
sugnaa muddo toban sano ah,waxyaabaha ugu wayn ee ay
la ildaran yihiin dadka waxaa ka mid ah ayuu yiri
maleeriyada oo dhalata biyaha xerada oo aan ahayn
kuwo nadiif ah.
Inta badan looma ogola Saxaafada,sababo la xiriira
in aan la faafin xaalada ay ku nool yihiin
dadkaas,inta badan waxyaabaha loogu tala galo
qaxootiga waxaa caadiyan la keenaa suuqyada
magaalada,waxaana lakal siistaa lacago yar,taas ugu
wacan in dad badan aysan helin waxii ay xaqqa u
lahaayeen ee aduunku ugu deeqay.
Ku simaha Gudoomiyaha Jaaliyada soomaaliyeed ee ku
nool Kampala ayaa ii sheegay mar aan kula kulmay
xafiiskiisa in ay jiraan boqolaal kale oo dad ah oo
aan nasiib u yeelanin in lagu daro diiwaan galinta
dadka loo qaadayo Maraykanka,laakiin ay ka dalbadeen
wadamada kanada iyo jarmalka in ay qaadaan Somaalida
ku harsan wali xerada uuna socdo dadaalkaas hadii la
ogolaadana la filayo in la qaado horaanta sanadka
cusub ee 2006.
Qaramada Midoobay ayaa wada dadaalo ay Soomaalida
qaxotiga ah uga qaadayso meelo badan oo ka mid ah
xeryaha ay ku jiraan kuna yaala qaarada Afrika sida
lagu daabacay jariida dowlad ee New Vision kana soo
baxda dalka Ugandha.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk | Uganda
Email:
canabmumtaz@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | July
19, 2005
Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
Geedi iyo Waftigii Uu
Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran
yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG
ayaa...
Guji...
|