Kaalinta Dhalinyarada
Dunida Sedaxad.
marka laga hadlayo
nolol iyo arimaha la xariira waxaan marnaba laga
tagi Karin kaalinta dhalinyaradu ku leyihiin ama
saamaynta ay ku yeelan karaan nolasha dabiiciga ah waayo
waxaa la aaminsanyahay in dhalintu ay tahay kuwa
hormuudka u ah deegaan kasta oo ay nololi ka jirto
waana kuwa loo soo qaato tilmaaha uu leeyahay wadan
kasta oo horumar sameyay, laakiin arintaasi waxaan
fahamsanayn in badan oo ka mid ah dhalinta maanta
jirta doorka ay ku leeyihiin iyo kaalinta ay ka
gaysan karaan noloshooda iyo midda deegaankooda
waxaadna moodaa in hagaajinta mustaqbalkooda ay
tahay mid u taala duul ama dad kale taasina wa fikir
ama malo ka fog caqliga nadiifka ee bini aadamka.
hadaba hadii aan
ka hadalno aduunyada horumartay waa kuwa si wayn
ugu tashada barbaartoodu hadba sida ay u soo
saanqaadaan iyo fikirka ay aaminsanyihiin ayagoo mar
walbana xooga saara sidii ay uga dhisi lahaayeen
ubadkooda fikirka aasasiga ah ee nalosha taasina
waxay keenntaa in ay soo baxaan dad ku tashada sidii
ay u maareyn lahaayeen noloshooda mustaqbalka fog.
hadaba hadii aan is
barbar dhigno labadaas waxaa cad in ay tani tahay
mid ay mugdi ku jirto nolosha dhalinyarada ee dunida
sedexaad dhibaatooyinkaasi inta badan waxay
haystaan wadamada loogu magac daray dunida sedaxaad
kuwaas intooda badan ku yaala qaarada Africa
inkastoo ay ku jiraan wadamo ku yaala qaaradaha ee
Asia iyo latin America dhamaantood wadamadaasi
waxay u baahan yihiin xiligaan kaalinta dhalintooda
kaga aadan wax ka tarka dalalkooda, laakiin waxaa
xusid mudan in ay tahay midda ugu dhibaatada badan
qaarada looyaqaano qaaradii madoobayd ( the dark
continent).
laakiin su’aashu
waxay tahay waa maxay waxa keenay dib u dhaca intaas
la eg ee haysata dunida soo koreysa? taas waxaa
sabab u ah wadamada horumaray oo mar walba daba
taagan sidii ay wadamadaasi ugu jiri lahaayeen
xaaladaha horumar la’aanta, dhibaatada iyo gaajada
iyo in aysan marnaba ka faa’iidaysan kheyraadka iyo
macdanta dhulalkooda ku jirta sidii ay arintaasi ku
suura gali lahaydna waxaa loo adeegsaday weerar
xeeladaysan dagaal dhinaca masakaxda (mind
fighting) taasna micneheedu waxa ay tahay in dunida
sdexaad mar walba ku tiirsanaato kaalmo dhinaca
dibadda ah.
hadii aan si fiican
u taabano nuucyada dagaalka fikirka ah ee wadamadaas
lagu hayo waxay isugu jiraan kuwa dhinaca eray
bixinta iyo kuwa ficil ah oo si dhab ah loo
hirgaliyey hadii aan ku hor marno dagaalka dhinaca
eray bixinta waa dagaal ku dhisan erayadaasi kuwa
niyad jabis ah looguna tala galay marka uu maqlo mid
ka mid dadka ku nool wadamaasi in uu ka quusto
heerka sare ee nolosha bini aadamka uuna aamino in
qaybtii ugu muhiimsanayd horey loo bixiyey isla
markaasna ay ku soo dhacdo sidii uu mar un uga bixi
lahaa ama ugu tahriibi lahaa wadankiisa asagoo
maanka haya in uu aado wadan ka mid ah wadamada
dagaalka kula jira maskadiisa dibna uusan u soo
fiirin wadankiisa.
waxaa ka mida eray
bixinta wadamadaasi soo saareen in loogu yeero:
dunida sedexaad ( the third world) wadamada soo
koraya (developing countries) arintaasina waxay
keentay in dadkii ka kala yaacaann wadamadooda
waxaa kale oo jira qaybta kale ee si ficilka ah
loogu guulaystay oo ah in la isticmaalay falsafad
aad u sareysa waxaa ka mid ah :
1. brain-drain eragaani
waa laba eray oo laysku keenay brain oo ah maskax
iyo drain oo ah qalajin marka laysku darona waxay
noqonaysaa maskax qalajin fikirka ka dambeeya
eragaani ay tahay in laga dhexsaaro wadamadaasi
dadka aqoonta leh markaasna uu wadanku noqdo mid ka
maran dadkii cilmiga lahaa waxaana loo fuliyaa in
mushaaraad aad u sareeya lagu qaato dhaqaatiirta,
engineer-da sharciyaqaanada iyo dadka kale ee ehelka
u ah cilmiga waxaana la ogaaday sanadkii 1985-tii
inay ka tageen qaaradda Africa 60-kun oo aqoonyahano
aqoonyahanadaas badidood waxay ahaayeen saynisyahano,
macaalimiinta jaamacadaha iyo engineero waxayna
aadeen wadamada yurub iyo ameerica waxayna
faaruqiyeen qaarada dagaalada sokeeye ku habsadeen
ee Africa wixii intaas ka dambeeyey lama hayo tiro
koob sax oo laga hayo aqoonyahanada ka tagay
wadamada Africa.
2. brain-wash
sidoo kale eragaani waa laba eray oo layku geeyey
brain sidaan horey u soo sheeganay waa maskax wash
waa dhaqid ama nadiifin oo marka laysku geeyo
noqonaysa maskax ka badalid wax dhabta oo ku qarsoon
waxaana lo adeegsadaa in qofka aad ka dhaadhiciso
mabda’aaga isla markaana aad ka badasho waxa uu
aaminsanyahay waxaana si wayn u adeegsada eraygaan
saxaafadda reer galbeedka ayagoo shay walba ka
badala wajiga dhabta oo uu leeyahay hadii aan
tusaale u sooqaadano xiligii laysu diyaarinayey
weerarkii lagu qaaday dalka ciraaqwaxaa si wayn loo
buunbuuniyey in dalka ciraaq uu haystay hub nuclear
ah sida uu sheegay Tony Blair Ra’salwasaaraha
Ingiriiska in ciraaq ay ku adeegsan karto hubkeeda
muddo ka yar 45-daqiiqo isla markaasna ka
dhaadhacsiiyey baarlamaanka wadankaasi in ay
saxiixaan in dagaalka xiligaas saxaafadda reer
galbeedku waxay isticmaaleen buun buunin tii ugu
sareysay ee abid soo martay dunida.
3. brain
child-killed eragaan micnihiisu waa in qofka hal
abuurka laga dilo si uusan banaanka u keenin waxa
niyadiisa ku jira ama uusan u adeegsanin cilmiga uu
yaqaano waxaana tusaale loo soo qaadan karaa in inta
badan lagu mashquuliyo qaaradda Africa gaajo aan
dhamaad lahayn iyo jabhado xukundoon ah oo la siiyo
hub iyo taageero maaliyadeed oo ay ka helaan
wadamada yurub iyo ameerica, iyo in dadku ay noqdaan
ku had iyo jeer ka fakara sidii ay uga lug bixi
lahaayeen dagaalada iyo dhibaatooyinka jabhadaha
hubaysan, waxaa kaloo laga dhaadhiciyey dadka ku
nool dunida sedaxaad inaysan awood u lahayn in
horumarka gacantooda ku gaaraan iyo hindisi Karin
tusaalooyin dhinaca wanaagsan ah iyo in ay ku
xirnaadaan mar walba kaalmo dhinaca dibadda ah
taasina waxay keentay in qofkastaahi meel iska
fariisto wuxuuna ku sifoobay qof hal abuurkiisa laga
dilay halkaasna waxaa ku guulaysay eraga kor kuxusan
ee brain child-killed.
waxaan ka soo
sheekaynay dhamaan dhibaatooyinka haysata dhalinyada
dunida soo kareysa waxaan ka soo hadlanay
waxyaabihii sababay waxaan soo qaadanay qaybo ka mid
ah nuucyada dagaalka dhica maskaxda ah ee lagu hayo
dhalinteena iyo qaababka loola dagaalamay, waxaan
wax ka soo sheeganay waxyaabaha salka u ah
dhibaatada raagtay ee haysata dhalinta dunida
sedexaad hadaba waxaan xusnay wax kastoo dhacayba in
ay sal u yihiin dadaal la’aanta dhalinta qaaradda
dagaalku ladagay ee Africa iyo meelaha ay ka jiraan
dhibaatooyinka caynkaas oo kale ah.
hadaba waxaa la
gudboon in dhalinta in ay gartaan kaalinta kaga
aadan horumarka wadankooda, difaaca qadiyaddooda iyo
aaya ka talinta mustaqbalkooda iyo dadkooda ayna
gartaan hagar daamada ay ku hayaan dhalinta
jiilkooda oo kale ah ee u dhalashay wadamada reer
galbeedka iyo ameerika waana in ay isku taagaan
sidii ay uga gud bilaahaayeen gacan hoorsiga iyo
hal abuurka ayaga lagu maja xaabinayo isla
markaana ay isku howlaan sidii ay wax ula qabsan
lahaayeen dadyowga dunida ayagoo adeegsana maaska
iyo aqoon ku salaysan qadiyad loo abtiriyey iyo
fikir ku dhisan horumarka gayigooda waxaan hubaa
ama hubaal ah hadii intaas la helo ay meesha ka
baxayso erayada aan kor kus oo sheeganay ee ahaa
wadamada soo koreysa iyo dunida sedexaad.
AYAAMAHA PRESS
W/D: Naafac Maxamed
Cumar (Joqoraafi)
naafac1000@hotmail.com