Baahida Afrika: Deeqda reer galbeedka
mise ganacsi xor ah?
Hordhac:
Sanad walba waxaa wadamada afrika intooda badan la siiyaa
lacago kaalmo ah oo aad iyo aad u tiro badan. Lacagtaasi
waxaa ay ka timaadaa wadamada wershedaha leh oo ay ugu
horeeyaan wadamada reer galbeedka. Wadamada Afrika qaarkood
waxaaba ay ku nool yihiin deeqdaas lacageed ee loo soo diro
sanad walba, maadaama aaney ku fleyn waxyaalaha ay iyagu soo
saarsadaan.Haddaba dood badan ayaa waxaa ay ka jirtaa gudaha
wadamada deeqda bixiya iyo kuwa qaataba. Taas oo ku saabsan
faaìidada ay keeni karto deeqdaasi. Sidaas darteed waxaa aan
qormadan kaga faaloon doonaa umuurahaas ku saabsan deeqda la
siiyo wadamada afrikaanka ah. Arimaha aan si gaar ah u
taaban doono waxaa ka mid ah: Waa maxay sababta ay kaalmadu
u keeni La`dahay horumar dhaqaale? Yey faaìido u tahay
kaalmadaasi? Afrikase waxa ay u baahan tahay ma kaalma
dhaqaale baa mise waa ganacsi xor oo cadaaladi ku dhisan
tahay?
Yaa ka faaìideysta deeqda reer galbeedku bixyaan?
Baaritaano la sameeyey oo badani waxaa ay soo saareen in
deeqda ama kaalmada afrika loo diraa aaney gaarin halkii
loogu talo galay. Deeqdaasi waxaa ay ku baaba`daa meel u
dhexaysa wadamadii bixiyey iyo dadkii loogu talo galay iney
ka faaìideystaan. Inta badana kaalmadaasi ma soo dhaafto
gacanta dowlada wadankaas maamusha. Taasi wax lala yaabo ma
aha maxaa yeelay si ay deeqdaasi u gaarto halkii loogu talo
galay waa in la helaa hay àad madax banaan, sida kuwa
cadaalada, bangiyada, waxbarashada iyo kuwo kale oo badan.
Hadaba maadaama aaney afrika inteeda badan aaney ka jirin
hay àad noocaan ah oo madax banaan, waxaa ay kaalmadu si
toos ah ugu dhacdaa gacanta dowlada. Dowladuna ay markaasi u
adeegsato hadba sida iyadu ay doonto.
Horumarka dhaqaale ee wadan waxaa aasaas u ah, fikradaha
ganacsi iyo horumarineed ee ka yimaada dadka u dhashay
wadankaas. Tusaale ahaan dadka leh shirkadaha yar yar ee
ganacsi, kuwa wax barashada, kuwa sameeya ururada aan
dowliga aheyn iwm. Haddii xoogagaasi ay si dabiici ah isaga
maqan yihiin ama la caburiyo sida ay sameeyaan wadamo badan
oo afrikaan ahi, wax horumar ah oo la taaban karo wadanku ma
gaarayo. Hay àadka ku wajahan horumarka beeraha, caafimaadka,
waxbarshada, iskaashatada waa kuwa ku haboon in la gacan
qabto xag dhaqaale iyo taloba. Kol haddii ay hay àadkani
horumar sameeyaan waxaa ay dhaqdhaqaaq ku abuurayaan
dhaqaalaha guud ee wadanka. Maxaa yeelay dad badan ayaa
shaqo ka helaya, kuwaas oo alaabo cusub iibsan doona. W axaa
kaloo dhaceysa iney dadkii la shaqaleeyey ay cashuur
bixiyaan. Cashuurtaas oo iyana hadii si wacan loo maamulo
wax ka qaban karta arimaha waxbarashada , caafimaad iwm.
Kolkii arinka dhinac kale laga eego afrika ma aha qaarad
faqri ah oo mar walba kaalmo u baahan. Waxaa la wada ogsoon
yahay in afrika uu ilaahay ku mineystay kheyraadka dabiiciga
ah ee dunida ugu badan. Sida kooberka, Zink iyo macdanaad
kala duwan. Balse waa qaarad ay ku habsatey dhibaatooyin
laga dhaxlay maamul xubo iyo musuqmaasuq baahay. Waxaa kaloo
iyana aan meesha ka maqnayn munaafaqnimada ay sameeyaan
wadamada deeqda bixiyaa. Maxaa yeelay wey ogyihiin in
kaalmada ay bixiyaan aaney gaarin halkii loogu talo galay.
Aad bey ula socdaan in aaney keeneynin wax horumar dhaqaale
ah. Aad bey u ogyihiin in kaalmadaasi ay gacanta u gasho dad
aad u tiro yar. Hadana waxaa ay sii wadaan iney malyuumaad
dollar ay sanad walba afrika siiyaan. Haddaba si afrika ay
horumar dhaqaale u sameyso ugana maaranto kaalmooyinkaas
waxaa loo baahan yahay laba arimood. Tan hore waxaa laga
doonayaa iney dadka reer afrika ku dhaqaaqaan tan kalena
waxaa laga doonayaa wadamada deeqda bixiya.
Arinka afrika laga doonayo
Dowladaha afrika iyaga oo kaashanaayo aqoon yahanadooda waa
iney wax ka bedelaan qaabka dhaqaalaha afrikaanku ku dhisan
yahay. Dhaqaalaha afrika waxaa uu salka ku hayaa ka
ganacsiga alaabta qeeriin ( Raw Materials). Qiimaha alaabta
qeeriina waayadan dame waxaa ay ahayd mid mar walba hoos u
dhaceysey, kolka laga reebo saliida. Taas waxaa ka soo
horjeeda dhaqaalaha reer galbeedka oo ku dhisan waxyaalo
kala duwan haba u badnaadeene waxyaalaha wershedaha kasoo
baxo.
Ka gancsiga alaabta qeeriin dhibaatoyin fara badan ayuu
leeyahay, waxaana ka mid ah:
- Low income eslasticity: Taas oo macneheedu yahay, kolkii
shicibka dhaqaalahoodu fiicnaado waxaa ay kordhinayaan
gadashada alaabta kale sida baabuurta, komputerada iwm,
balse lagama yaabo iney kordhiyaan gadashada kaffega, mooska
iyo waxyaalaha kale ee afrika laga soo saaro. Sidaas darteed
si kasta oo dhaqaalaha dadyowga aduunku u kordho ma keeneyso
in alaabta qeeriin ee afrika la in badan laga iibsado
- Iyadoo aan la bed-bedli karin alaabta qeerin. Kafeegu mar
walba waa uun kafeegii. Wax isbedel weyna laguma sameyn karo.
Halka wershedaha baabuurta iyo computeradu ay mar walba wax
ka bedeli karaan alaabtooda si ay macaamiil cusub u helaan.
- Iyadoo maanta la gaarey heer lagaba maarmi karo alaabta
qeeriin ee afrika intooda badan. Wadamada horey u maray
waxaa ay ku guuleysteen in la helo wax badela alaabtaas
qeeriin. Sidaas darteed kol aan fogeyn waxaaba dhaceysa in
laga maarmo gaebi ahaanba.
-Alaabaha wersheduhu badankoodu waxaa ay keenaan waxa loo
yaqaan “Spin-offs” taas oo ah in kolkii ay shirkadi shey
sameyneyso ay shirkad kale ka faaìido. Tusaale ahaan kolkii
gaari la sameynayo waa in lagu dhejiyaa raadiye iyo
sameecado iwm. Raadiyaha waxaa takhasus u leh shirkad kale
oo laga dalbayaa, shirkadaas oo iyana dad howl gelineysa si
raadiyihii loo diyaariyo. Taasoo dar dar gelineysa xawligii
dhaqaalaha. Alaabta qeeriinse ma laha astaanta noocaas ah.
Moosku waa uun mooskii wax kasta oo la sameeyo.
Hadadaba si looga baxo, ku xiraanshaha ka ganacsiga alaabta
qeeriin waa in dowladaha iyo aqoonyahanda afrikaanku u
weeciyaan dhaqaalaha dhinaca wershedaha yar-yar. Weli afrika
awood uma laha iney soo saarto waxyaalaha reer galbeedku soo
saaraan, balse waa lagama maarmaan in kolka hore lagu
bilaabo, warshedaha iyo ganacsiga yar-yar.
Arinka deeq bixiyayaasha laga rabo
Waxaan qaybtaan ku bilaabayaa oraahdii uu madaxweynaha
Uganda Yoweri Museveni ku yiri madaxweynaha mareykanka
Goerge W Bush sanadkii 2003-da kol ay wada kulmeen.
Museveni waxaa uu yiri” Anigu ma doonaayo kaalmo, balse
waxaan doonayaa ineynu ganacsi isla sameeyno. Maxaa yeelay
kaalmo bulsho ma bedeli karto” Ereyadii oo ingiriis ahna waa
sidan:
“I don't want aid; I want trade. Aid cannot transform
society."
Haddaba wadamada horey u maray hadii ay afrika caawinayaan
waa iney ka caawinaan xagga ganacsiga. Waana iney bilaabaan
iney ka dhabeeyaan waxa ay ugu yeeraan gamacsiga xorta ah.
Maanta ma jiro wax la yiraahdo ganacsi xor ah kolkii wax
laga iibsanaayo wadamada afrika balse waa mid ay ku xiran
yihiin shuruudo aad iyo aad u badan. Tusaale ahaan
waxyaalaha ay ku fiican yihiin wadamada afrikaanka ah oo ay
ugu horeeyaan waxyaalaha beeraha ka soo baxa, waxaa aad ugu
adag beeraleyda afrikaanka ah iney si xor ah ugu iibgeeyaan
dunida. Wadamada yurub iyo mareykankuba waxaa ay u
ogolaadeen wadamada afrika in cadad yar oo dalag beereed ah
ay sanad walba keenan suuqyada aduunka. Sidaas waxaa ay u
sameynayaan iney difaacaan beeraleydooda oo aan run ahaantii
la tartami Karin kuwa afrikaanka iyo guud ahaan wadamada soo
koraayo.
Haddii xayiraadaas ay qaadaan isla markaasna ay wadamada
afrika ka kaalmeeyaan dhinaca wershedaha iyo waxbarashada
waxaan qabaa in wax iska bedeli lahaayeen dhaqaalaha afrika.
Uuna noqon lahaa mid la tartami kara meelo badan oo aduunka
ah.
Guntii iyo gabagabadii haddii kaalmada afrika la siiyaa ay
sidaan ahaato, oo aan qaabkeeda wax laga bedelin waxba u
kordhin meyso dadka afrika ku dhaqan ee tabaaleysan. Waxayse
kaalmadu ku tegeysaa, qoladii kolkii horeba masuulka ka
ahayd in dhaqaaluhu sidaan u xumaadao, kuwaas oo ah
xukuumadaha ka taliya wadamada afrika intooda badan.
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed Xuseen
University of Gävle- Sweden
habdirisak@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July
17, 2005
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
Geedi iyo Waftigii Uu
Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran
yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG
ayaa...
Guji...
|