USA: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo
ogolaaday in Keyse Jaamac Loo Celiyo Puntland


Keyse Jaamac
|
Madaxweynaha DGPL, Gen.
Cadde Muuse ayaa ogolaaday in Keyse Jaamac oo ah Soomaali ku
muddo ku xirnaa Minnesota dib loogu celiyo
gobolada Puntland.
Sida ay werisey idaacada
NPR, madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa qoraal soo
gaarsiiyey Maraykanka uu ku ogolaanayo in Keyse Jaamac loo
celiyo dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.
Keyse waxaa bishii April ee
sannadkan laga tarxiilay magaalada Minneapolis ee gobolka
Minnesota, waxaa waqtigaas loo duuleyey Kenya kaddibna
diyaarad loo sii saaray Boosaaso, laakiin markii uu Boosaaso
ka degey ayaa loo diidey in uu halkaas ka dego, sidaasna dib
loogu soo celiyey Maraykanka.
Keyse Jaamac waa 26-jir
Soomaali ah, waxana uu dalka Maraykanka yimid saannadkii
1996. Waxaa la xiray
sannadkii 1999, dacwadiisuna waxay gaartey maxkamada ugu saraysa
Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court.
Faafin: SomaliTalk.com | July
13, 2005
Ninkii Soomaaliyeed ee
Maraykanka Laga Tarxiilay oo Dib Loogu Soo Celiyey Minnesota
Kaddib markiii Loo Diidey in uu Ka Dego Boosaaso
Minnesota
Somali being deported today
"Straying from his family and his Muslim faith,
which prohibits alcohol, Jama's teen years were a
blur of drinking and fighting that resulted in an
arrest for a drunken knife fight in Waseca in 1999."
Startribune... |
Minnesota April 24: Sida ay
werisey warbaahinta magaalada Minneapolis, waxaa dib
Soomaaliya looga soo celiyey Keyse Jamac oo markii hore laga
tarxiilay Minnesota, waxaana wararku sheegeen in uu maanta
ku xirnaa xabsiga Ramsey County oo ku yaal St. Paul ee
gobolka Minnesota halkaas oo dib loogu soo celiyey.
Waxaa warku intaas ku daray
in Keyse loo duuleyey Kenya kaddibna diyaarad loo sii saaray
Boosaaso, laakiin markii uu Boosaaso ka degey in loo diidey
in uu halkaas ka dego, sidaasna dib loogu soo celiyey
Maraykanka.
Keyse Jaamac waa 26-jir
Soomaali ah, waxana uu dalka Maraykanka yimid saannadkii
1996, dacwadiisuna waxay gaartey maxkamada ugu saraysa
Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court.
Keyse waxa uu dugsi sare ka
dhigtay Minneapolis. Waxaa la xiray sannadkii 1999.
Faafin: SomaliTalk.com |
April 24, 2005
Keyse Jamac oo ay Dhici
karto in Dib looga Tarxiilayo Maraykanka
Sida ay qoreen warbaahinta
magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis/St.Paul, haddii
arintu ay u dhacdo sida ay hadda ku socoto, waxay u badan
tahay in Keyse Jaamac oo muddo dheer dacwadiisu ka socotey
Maraykanak in dib loogu tarxiilo Soomaaliya, lagana dejiyo
magaalada Boosaaso, waa sida ay qortay shabakada. Waxaana
dhici karta in maanta la qadi doono.
Keyse Jaamac waa 26-jir
Soomaali ah, waxana uu dalka Maraykanka yimid saannadkii
1996, dacwadiisuna waxay gaartey maxkamada ugu saraysa
Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court.
Keyse waxa uu dugsi sare ka
dhigtay Minneapolis. Waxaa la xiray sannadkii 1999.
Faafin: SomaliTalk.com |
April 21, 2005
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
|