Canbaarayn kuwii geystay falka fulaynimada leh ee loo geystay marxuum Abdulqadir Yahye.
Center For Somali Solutions & Unity (CEFSSU)
Minneapolis, MN 55403
Tel-612-871-6411
Warsaxaafadeed
Ururka Xalka iyo Midnimada Soomaaliyeed waxuu canbaarayn dusha kaga
tuurayaa kuwii geystay falka fulaynimada leh ee loo geystay , u olooleeyihii
Nabada iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed , marxuum Abdulqadir Yahye.
Waxaan dhamaan umada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay cambaareeyaan falkaas
waxashnimada leh oo lagula kacay Marxuumka.. waxaan ku baaqaynaa in si
fiican loo baaro, lana soo joojiya cadaalada lana soo helo kuwii geystay
falkaan.
Abdulqadir, waxuu ahaa nin jecel inuu umada Soomaaliyeed ka caawiyo inay ka
badbaado dhibaatadan ku habsatay, oo ku dadaalayay sidii nabad waarta
loogu soo dabaali lahaa dhulkiisi hooyo.
Waxaanu leenahay nabad diidyada iyo kuwa qaska, iyo dulanka wado ha ogaadeen
inay taariikhda Soomaaliyeed ka geli doonaan baal madow, halgankii uu
marxuunka bilaabayna inuu uusan halkaas ku dhamaan , oo umada Soomaaliyeed,
sii wadi doonto halganka eey ugu jirto in nabad iyo xasilooni lagu soo
dabaalo Dalka hooyo.
Ugu dambeyntii, waxaa ururka Xalka iyo Midnimada Soomaaliyeed soo jeedinayaa
in umada Soomaaliyeed usoo jeesato sidii nabada loogu soo dabaali lahaa, oo
leyskaga qaban lahaa kuwa caadaystay inay bartilmaameed ka dhigtaan aqoon
yahanada iyo halyeyada Soomaaliyeed, eek u howlan nabadeynta iyo dib u
heshiisiinta , ma foga waqtiga la qaban doono Gacan ku dhiiglayaasha,
geystay falkaas, fulanimada leh.
Mr Mahdi A Xeyle
Gudoomiyah Ururka, Center For Somali Solutions & Unity
somalisolutions@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July
12, 2005
C/casiis xildhibaan
“Waxaa naxdin nagu noqotay dilkii
marxuum C/qaadir Yaxye Sh. Cali Cibaar oo dabley
hubeysani ku toogteen gurigiisa...
Guji... July 12
C/Qaadir Yaxya Cali
oo Lagu Diley Muqdisho
Niman hubaysan ayaa xalay waxay toogasho ku dileen
C/Qaadir Yaxya oo ahaa...
Guji... July 11
Bayaanka gabagabada
kulan cilmiyeedkii koowaad ee laascaanood
waa wajib in la joojiyo dagaalada dhiiga aan xaqa
ahayn lagu daadinayo..
Guji... July 12
Mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada ee la
soo bandhigay.
iyo Duuliyayaal kale oo
Itoobiya ka goostay..
Guji.. July 12
Waraysi: Taliyaha
Ciidanka Booliska Soomaaliya, Gen. Cali Madoobe
Taliyaha oo ka ambabaxayey Kismaayo asagoo kusii
jeeda gobolada ay kamid yihiin Gedo ayaa....
Guji.... July 11
Baaq kasoo Baxay
Xarrunta Suldaan Hurre
Guluf Colaadeed Laguma Khayro..
Guji... July 11
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
|