SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

12 July. 2005 

  • Mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada ee la soo bandhigay.
  • Duuliyayaal kale oo Itoobiya ka goostay.
  • Hub Itoobiya laga keenay oo Jawhar soo gaadhay.
  • Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga.

======================

Labada xisbi ee mucaaradka itoobiya ugu weyn ee lagu kala magacaabo CUD iyo UEDF ayaa tallaabo xilksanimo darro ah ku tilmaamay natiijadii kala dhantaalayd ee xafiiska doorashooyinka Itoobiya uu ku dhawaaqay dhawr maalmood ka hor, taasoo ahayd in 307 kursi ilaa iyo hadda natiijadooda la hayo.

Xisbiga UEDF ayaa sheegay inuuna aqbalaynin natiijada kala dhiman ee la soo bandhigay, wuxuuna tilmaamay in xisbiyada oo dhan ay ku heshiiyeen in la soo bandhigo natiijada kama denbaysta ah marka laga soo faraxasho baadhista lagu hayo musuqmaasuqii ay mucaaradku ka ashkatoodeen. Xisbiga UEDF wuxuu natiijadan kala dhantaalan ee lagu dhawaaqay ku tilmaamay mid aan wax macna ah ku fadhiyin.

Afhayeen u hadlay xisbiga UEDF ayaa sheegay in xisbigiisu uuna marna aqbali doonin natiijadan uu xafiiska doorashooyinku ku dhawaaqay, wuxuuna sheegay in xisbigiisu uu sugi doono natiijada kama denbaysta ah ee loo baahan yahay in la soo bandhigo marka go’aan laga gaadho eedaha musuqmaasuqa ah ee la soo jeediyay oo dhan.

Xisbiga CUD ayaa isaguna ka biya-diiday natiijada dhawaan lagu dhawaaqay, wuxuuna ku tilmaamay mid aan qiimo lahayn. Xisbiga CUD ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in marka hore go’aan laga soo saaro dacwadaha musuqmaasuqa ku saaban, ka dibna natiijo dhammays tiran lagu dhawaaqo.

Dhinaca kale ;Midowga Yurub ayaa xukuumadda Itoobiya ugu baaqay inay ixtiraamto heshiiyadii ay xisbiyada la gashay, isla markaana ayna meel uga dhicin qorshayaasha la xidhiidha go’aan ka gaadhista dacwadaha doorashooyinka ku saabsan. Midowga Yurub wuxuu arrintan ku baaqay, ka dib markii safiirka Midowga Yurub uu xukuumadda Itoobiya la kulmay dab-yaaqadii toddobaadkii hore, si uu ugala xaajoodo dhacdooyinkii ka denbeeyay doorashadii la qabtay 15-kii May.

Midowga Yurub wuxuu xukuumadda Itoobiya ka dalbay in la qaado tallaabooyinka loo baahan yahay oo dhan, si loo suurageliyo go’aan ka gaadhista dacwadaha doorashooyinka, wuxuu sidoo kale ka dalbay in la sugo nabadgelyada dadka markhaatiyaasha ah ee caddaynta dacwadahaas loo adeegsanayo.

Duuliyayaal kale oo Itoobiya ka goostay.

Seddex duuliye oo ka tirsanaa ciidammada cirka ee Itoobiya ayaa toddobaadkii hore goostay, waxayna seddexdan duuliye ee hadda goostay ka dhigayaan duuliyayaasha muddo bil ah Itoobiya ka goostay 13 duuliye.

Duuliyayaashani waxay ka tirsanaayeen guutada gaadiidka ee ciidanka cirka, waxayna kala yihiin:

1. Lt. Ephrem Kebede
2. Lt. Sintayehu Beyene
3. Lt. Fitsum Getachew

Seddexdan duuliye wali lama sheegin meesha ay u goosteen, hase yeeshee waxaa la sheegay inay ka tirsanaayeen qaybtii ay ka goosteen 8 duuliye ee tababarka u joogay dalka Belarus, kuwaasoo magangelyo siyaasadeed codsaday, iyagoo ka gilgilanaya xasuuqii ay xukuumadda Zenawi u gaysatay dadwayne bannaanbax ku samaynayay magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay ku dishay ugu yaraan 40 qof.

Seddexdan duuliye intii ayna goosanin ka hor waxaa laga mamnuucay inay diyaarad duuliyaan. Waxaana la sheegay in sirdoonka Itoobiya ay baadhis ku sameeyeen guryaha nimankan intii duullimaadka laga joojiyay.

Hub Itoobiya laga keenay oo Jawhar soo gaadhay.

Wararka ka imanaya magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gobolka Hiiraan ay ka gudbeen gawaadhi xamuul ah oo wadday rasaas iyo hub kala duwan oo ka yimid dhinaca gumaysiga Itoobiya. Hubkaas ayaa lagu soo warramayaa inuu gaadhay magaalada Jawhar, oo xarun u ah qaybo ka mid ah dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

Hubkan ayaa la sheegayaa in xukuumadda Itoobiya ay siisay dawlada ku meelgaadhka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Jawhar.

Dhinaca kale warar laga helayo dhinaca deegaanka Feerfeer ayaa sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ahi ay ku soo jeedaan dhinaca magaalada Jawhar, si ay gacan uga gaystaan sladhig ciidan oo halkaas laga samayn doono.

Xukuumadda Itoobiya ayaa ku caan-baxday hub isugu dhiibidda kooxaha iskaga soo horjeeda siyaasada Soomaaliya, iyadoo dhinacyada iska soo horjeeda mid walba dhinciisa ula xidhiidha, isla markaana hub iyo saanad kalaba siisa kooxaha gacan saarka la leh.

Dhinaca kale ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan xadka u dhaxeeya gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya iyo Ogaadeenya.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaanada Cabudwaaq iyo Balanbale, waxay ciidamo Itoobiyaan ahi soo buuxiyeen qeybo ka tirsan xuduud beenaadka u dhexeeya gobolka Galgaduud iyo Ogaadeenya.

Wararkii ugu danbeeyey ee halkaasi naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ahi ay iminka soo buuxiyeen deegaanka Axmed Gurey, oo la sheegay inay dhooban yihiin iyagoo wata qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay taangiyadu ka mid yihiin.

Ciidamadan ayaa sidoo kale horay u buuxiyay deegaanka Cilanle iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamadan ayaa horaantii todobaadkii hore waxa ay sidoo kale tageen deegaanada Xeraale iyo Balanbale, halkaasoo ay dadku su’aalo ku waydiiyeen.

Radio Xoriyo

12 July. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2005


"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD