SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANO

Bayaanka gabagabada kulan cilmiyeedkii koowaad ee laas caanood 

Culimadii ka qayb qaadatay nadwadii koowaad ee cilmiga ahayd ee ka socotay magala laascaanood 5-12/7/2005 markii ay si fiican u falanqeeyeen xaaladda ummadda soomaaliyeed iyo dhibaatooyinaka haysta qiimeeyeenna waxa culimada kaga aadan waxay soo saareen bayaankan: 

1.     waa wajib in la joojiyo dagaalada dhiiga aan xaqa ahayn lagu daadinayo ee macna la’aanta ah dadka soomaaliyeedna waa inay ka faa’iideystaan khibradda ay u yeesheen faa’iida la’aanta dagaa;lka ahliga ah .

2.     si looga baaqsado in dhiigga muslimiintu si sharci darro ah ku daato waa in si nabad galyo iyo wada hadal ah lagu  xalliyaa ciidamada isku horfadhiya aagga  adhi caddeeye.

3.     siyaasiyiinta soomaaliyeed waa inay dhawraan danta guud oo ay tix galiyaan baahida bulshadu u qabto qarinnimo iyo dawlad waana inay isu tanaasulaan khilaafka u dhexeeyana wada hadal ku dhammeystaan.

4.      dhirta iyo daaqu waa hanti bulshadu wadaadgto qofna uma bannaana sharci ahaan inuu ku axd gudbo waana in la joojiyaa xaalufinta iyo nabaad guurinya lagu hayo deegaanka maamulada jira iyo madax dhaqameedyaduna waa inay tallaabooyin adag ka qaataan dhibaatadan saamaysay deegaanka.

5.     ku dhaqanka shareecada ilaahay si gaar ah iyo si guudba waa waajiba aakharo la is weydiinayo ka tagidda ku dhaqanka shreecda iyodajinta xeerar ama qawaaniin ka hor imanayana waa gaalnimo diinta lagaga baxayo masiibiiyinka manta muslimiinta hayustana waxaa u sabab ah ka tagitaankaas , sidaas darteed bulshada maxad iyo raciyadba waa inay isu kaashadaan sidii loo dhaqan galin lahaa shareecada loogana dhigi lahaa qaanuunka iyo dastuurka umaddu ku dhaqmayso.

6.     qabyaaladdu waa cudur dilaa ah oo burburiyay qarannimadii iyo jiritaankii ummadda soomaaliyeed oo cadawgeedi u gacan galiyay sidas darteed waxaa waajib ah in umaddu si guud uga  tawbad keento danbigaas ilaahayna uga noqoto waana in la soo nooleeyaa waalaalnimadii iyo ehelnimadii ka dhaxaysay dadka soomaaliyeed .

7.     qaadku waa musiibo baa’bisay dhaqaalaihii umadda oo bi’isay dhaqankii toosnaa ee bulshada oo dhaawacday caafimaadkii iyo caqligii sababna u noqotay in badan daadinta dhiig xaaraan sidaas darteed shaki kuma jiro inuu xaaraan yahay cunistiisa ka ganacsigiisa iyo beerashadiisuba sidaas darteed dadku waa inay ka tawbad keenaan isticmaalka maandooriyahaas.

8.      sixun u isticmaalka talefishinada fiidiyawyada iyo aaladda internetku waxay bulshada ku soo kordhisay dhaqamo xun xun o ka hor imanaya nshaxa toosan sidaas darteed waa in la isu kaashadaa la dagaalanka fawaaxishta iyo anshaxa xumada maamul iyo dadweyneba waana in la taageeraa hay’adaha al amr bil macruuf wannahyi canil munkar meeshii ayna ka jirinna waa in lga hir galiyaa si loo dhawro dhaqanka toosan ee bulshada .

9.     dadweynaha soomaaliyeed ee u qaxay dalalka gaalada  

saxiixayaasha: 

  • 1.     sh.c/qaadir nuur faarax

  • 2.     dr.axmad xaaji c/raxmaan

  • 3.     sh.c/naasir xaaji axmad

  • 4.     sh.jaamac c/salaam

  • 5.     sh.maxamad shukri xasan

  • 6.     sh.mukhtaar axmad xaaji faarax

  • 7.     sh.fu’ad maxamuud x.nuur

  • 8.     sh.xasan maxamad ibraahin

  • 9.     sh/c/khaaliq jaamac ismaaciil

  • 10.    sh.maxamuud salaad warsame

  • 11.    maxamad yuusuf warsame

  • 12.    maxamuud maxamad maxamuud

Kala xiriir: Xafiiska: dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2005


"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD