Muqdishaa nabadana hayga hadho
Ilaahbaa
mahad leh nabigeenii suubanaana NNKH, tan
iyo wixii ka danbeeyay 26/1/1991 maalintaas
oo ahayd maalintuu uu Jaale Maxamed Siyaad
Barre kabaxay magaalada muqdisho waxaa
shacabka soomaliyeed u oomanaayeen dawlad
soo celisa nidaamkii iyo kala danbayntii
silooga baxo isbarbaryaacii dhibaatada
badnaa.Waxaa lasoo yagleelay dhawr dawladood
oo dhamaantood lagu soo dhisay wadanka
dibadiisa waxaa u horaysay dawladii Cali
Mahdi ee lagu dhisay jabuuti waxaa ku xigtay
sida aan u malaynayo dawladii Gen:Caydiid
waxaa iyana ku sii xigtay dawladii Dr. C/qaasim
Salaad Xasan, dhamaan dawladahaasi waxaa
saldhig u ahayd magaalada muqdisho oo
xiligaa aanay ka jirin nidaam iyo kala
danbayni, dhamaan dawladahaasi waxay ku
dhamaadeen fashil iyagoo xitaa aan soo
dhaafin iskaa meel kale qaybo kamida
magaalada muqdisho.
Dhamaan
dawladahaas waxaa fashiliyay H/kooxeedyo aan
u danaynayn shacabkooda kana jecel
miirashada dhiiga dadka iyo sida isbaarada
loo dhigto dadkana looga qaado baada/leejada.
October 2002 ayay gogol fidisay dawlada
kenya taas lagu martiqaaday dhamaan wixii
hub sita amaba sheegta H/kooxeed intaasi
kadib waxaa lasexeexay xabad joojintii
Eldoret, shirkaasi wuxuu soo maray wejiyo
badan taas oom ugu danbayntii lagu samaayey
Gole baarlamaan oo ka kooban 275 xubnood
tiradaas oo ahayd tiradii ugu badnayd ee
barlamaan oo wadan afrikada bari ihi yeesho,
waxaa ku sii xigtay oo ladoortay madaxweyne
oo loo doortay Col: C/laahi Yuusuf Axmed oo
xiligaas ahaa madaxweynihii DGPL isagoo
helay codad laba jeer iyo badh kabadn intii
uu helay musharaxii la tar tamayay ee
Ambassador: C/laahi Axmed Cadow oo si
geesinimo leh u hadlay markii laga
guulaystay doorashada dhiiri galiyayna
marlii laga adkaaday taas oo aynu odhan
karno waa muwaadin nadiifa. Intaasi kadib
waxaa madaxweynuhu doortay R/wasaare
waxaana loo magacaabay Prof: Cali Maxamed
Geedi isla inyar kadib wuxuu soo dhisay
golihiisii wasiirada waana la ogaa in
barlamaanku cod aqlabiyada ku riday isla mar
kale ayuu madaxweynuhu soo doortay R/wasaaraha
isla markaana ay ansixiyeen baarlamaanku.
Intaasi
kadib waxay dawladu fadhiid ku ahayd kenya
waxa 17/32005 lasoo hor dhigay golaha
baarlamaanka mooshin, mooshinkaas oo ahaa in
laga doodo ciidamada la keenayo Somalia wax
ay noqonayaan waxaana baarlamaanku gacan
isula tegay labo labo kadib markii la
ansixiyay inaan ciidamo safka horaa la
keenin dalka walow la sheegayay inaanay si
cadaalada wax u dhicin hadana waxay noqotay
maalin madow oo usoo hooyatay shacabka
soomaaliyeed maadaama oo dadkii ay wax ku
aaminteen ay iyagoo wadan qalaad jooga gacan
isula tageen. Wixii ka danbeeyay xiligaa
waxay dawladu u kala jabtay labo qaybood ,
qayb uu hor muud yahay madaxweyne C/laahi
iyo qayb uu gadhwadeen u yahay Sh. Xasan
walow la odhan karo xaga dawlada waxaa u
badan xubnaha raacasan madaxweynaha.
H/kooxeedyada
Muqdisho waxay is tuseen inay muqdisho
nabadeeyaan si dawaldu ay qasab fadhiisin
uga dhigato islamarkaasna ay ku fushadaan
danohooda siyaasadeed sidii ku dhacday
dawladihii hore. Waxaan filayaa in lasiiyay
mudo sadex bilooda laakiin aanay wax
natiijaa ama horu mara aanay ka gaadhin
ileen awalba waxay ka ahayd Qaran diidnimee
walow la odhan karo waa la helaga dhex heli
karaa xubno daacada.
Shariifku
wuxuu mar walba taageero lagarab taagnaa
xubnaha muqdisho tagay halaka ay madaxweyne
Yey iyo Prof: Geedi walaac ka muujiyeen
nabadayntooda iyagoo ku tilmaamay inaanay
dhab ka ahayn ee ay katahay ina dibin
daabyeeyaan Dawlada maadaama aanay raali ka
ahayn in marnaba la helo qaran soomaliyeed
taas oo ah mid ay kaqabaan xasaasiyad.
Waxay
xereeyeen ciidamo marka la eego qiyaastooda
aan 30% ahayn maleeshiyaadka ku sugan
Muqdisho kaaga sii darane xitaa layskuma
dhafin maleeshiyaadkii ,H/kooxeed walba
ciidankiisii buu geed hoostii geystay ileen
waa dad aan iska aamin qabine oo awalba ku
heshiiyay inay dawlada hilfaha u laabaane.
Waxaa ku xigtay ololihii isbaaro qaadida oo
aynu oganahy marka mid laqaadaba in mid kale
la dhigo iyadoo weliba Hogaamiyayaasha aan
qaar raali ka ahayn in la qaado isabaarad
maadaama uu ku tiirsanyahay dhaqaalohoodu
waxaa hada lasoo dhigay in kabadn 20
isbaaro inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho
marka laysku soo wada duubo waxaa muqdisho
weli yaala inkabadan 40 isbaaro iyadoo dadku
ay maanta ka dharagsanyihiin in isabaarada
Xamar lagu qaadi karo hab maamul iyo mid
qaran ee aan lagu qaadi karin hab qabiil iyo
wax u dhow toona.
Markii loo
maara waayay isbaaradii Xamar waxaa qaar
kamida H/kooxeedyadu ku hanjabeen in ay
weerari doonaan Jowhar hadii uu madaxweynuhu
khasab ku iman waayo Muqdisho martina ku
ahaan waayo hotel kamida hotelada ay geeyaan
dadka martida u ah sida Sifr iyo Sharifka.
Sida la sheegay hada waxaa talo ku cadahay
shariifka oo balan walba oo ay H/kooxeedyadu
ka qaadeen oofin waayay wuxuuna hada
shariifku qaadayaa Jarbaan ka lushaa khatara
Talaa iga Jaah wareersan, xagu gabi xagu
gabi waxaanse shariifka odhan lahaa tiisaa
daryeelaa tu kalena ku daree Muqdisho
lagaama soo dooran ee waxaa laga soo doortay
Baydhabo Janaay waynuna ognahay colaadaha
maanta ku gedaaman ee katali taa.
Ugu
danbayntii xubnaha Muqdisho mid baan
leeyahay Madaxweynaha iyo xubnihiisana mid
baan leeyahay umada soomaliyeedna midbaan
leeyahay, Xubanaha muqdisho midbaan leeyohoo
waxaan leeyahay balan walba oo aad qaadaan
oofin wayde isbaardii qaadi wayde Muqdisho
nabadayn wayde dawladiina diide shacabkiina
dhinucuu idiin raaco yuu garan la,yahay ee
hubka iska dhiga isbaarooyinkana iska qaada
inta aan awood qaran laydinkaga qaadin
madaxweynihiina iyo R/wasaarihiinana adeeca
shacbkiina khiyaamada kadaaya. Madaxweynaha
midbaan leeyahay waxaan leeyahay madaxweyne
qaran baa ku doortay ee yeelo dulqaad badan
kuna shaqee rabitaanka shacbkaaga iyo dadkii
aad masuuliyada u qaaday.
Shacbka
soomaliyeed waxaan leeyahay waxaan u
malaynayaa ilaahay soomaaliya uma qorin
dawlad la,aan ee suga xiligaa aad ku ciil
bixi lahaydeen gacantiina iyo xiligii Qoriga
latuuri lahaa ee Qalinku shaqayn lahaa
kalana garta Qaran diidka iyo Qaran doonka.
Alaa mahad
leh
Mahdi taako
mahditaako@hotmail.com