SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

C/casiis xildhibaan “Waxaa naxdin nagu noqotay dilkii naxariisdarrada ahaa ee lala beegsaday naxariistii Janno AllAh Ha siiyee marxuum C/qaadir Yaxye Sh. Cali Cibaar

Xoghayaha Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa war uu ka soo saaray dilkii loo geystay agaasimihii hay’adda CRD C/qaadir Yaxye ku sheegay in geeridaasi ay aheyd mid naxdin leh.

“Waxaa naxdin nagu noqotay dilkii naxariisdarrada ahaa ee lala beegsaday naxariistii Janno AllAHA siiyee marxuum C/qaadir Yaxye Sh. Cali Cibaar oo dabley hubeysani ku toogteen gurigiisa oo ku yaala Muqdisho, waxaan hubnaa in dadka Soomaaliyeed ay waayeen xubin muhiim ah oo waqti badan ku lumiyey nabadeynta Soomaaliya si ay dadkiisa uga baxaan silica iyo darxumada ay horseedka ugu noqdeen kuwa mas'uulka ka ah dilalka aan loo meel dayin ee lala beegsaday shacbiga Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri qoraal uu ku saxiixnaa C/casiis Xildhibaan oo ah xoghayaha dhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed, wuxuuna qoraalkiisa ku soo jeediyey Xildhibaan in daba-gal & raad raac lagu sameeyo dhagar-qabayaashii geystay dilka Marxuumka, lana hor keeno maxkamad.

“Dilal-ka abaabulan ee lala beegsanayo saraakiisha & aqoonyahanada Soomaaliyeed waxaa fulinaya kuwa mas'uulka ka ah sii socoshada dhibaatada aan xuduudaha laheyn ee Soomaaliya, sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed kula dardaarmeynaa haddii aysan ka hor tegin falalka ay dhici doonto in meeshaba laga waayo kuwa ka damqada falalka naxariisdarrada ah ee weli ka sii soconaya magalaada Muqdisho” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan

“Waxaan shacbiga Soomaaliyeed weydiineynaa halka ay doonayaan in ay ku furaan hayaanka ay ku jiraan, mar haddii ay maalin walba waayayaan xubno qaali ah sida saraakiishii iyo aqoonyahannadii lagu dilay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, sow nasiibdarro ma aha in wax la iska sii weysiin waayo, sharcigana la hor keeni waayo kuwii ka dambeeyay dilalkii loo geystay mas'uuliyiintan ay ka mid ahaayeen Jen. Max’ed Cabdi, S/Guuto Yuusuf Max’ed Sarinle, M. Warsame Cilmi (Majaweyne), C/qaadir Yaxye & kuwa kale oo fara badan” ayuu yiri Xildhibaan oo muujiyey sida uu uga xun yahay dareenka shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho oo u muuqda in ay iska indha-saabeen sidii ay xumaha isaga suulin lahaayeen.

Xoghayaha Guud
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2005


Ma suurtagalbaa mise dhici doontaa in Hogaamiye-kooxeedyada Xamar ay Isbaarada qaadaan: W/D: Ing. Nabadoon

Xamar inta isbaaro dhex taal waxay noqdeen afartan iyo seddex (43 isbaaro) oo gaadiidka iyo dadkaba lacag..Guji


MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA
fahad yaasiin
Muqidisho waa halkii aan ku barbaaray ee aan wali jeclahay Laakiin!... Guji..
Feb 7, 2003

C/Qaadir Yaxya Cali oo Lagu Diley Muqdisho
Niman hubaysan ayaa xalay waxay toogasho ku dileen C/Qaadir Yaxya oo ahaa... Guji... July 11

Baaq kasoo Baxay Xarrunta Suldaan Hurre
Guluf Colaadeed Laguma Khayro.. Guji... July 11

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Waraysi: Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Gen. Cali Madoobe
Taliyaha oo ka ambabaxayey Kismaayo asagoo kusii jeeda gobolada ay kamid yihiin Gedo ayaa.... Guji....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD