Waraysi: Taliyaha Ciidanka
Booliska Soomaaliya, Gen. Cali Madoobe
cabdi
qadar nuur maxamed filipiin
cabdiqadar84@hotmail.com
Kismaayo, Soomaaliya
Waraysi dhinacyo badan
taabanayo oo ay maanta shabakada warbaahinta SomaliTalk la
yeelatay taliyaha ciidanka boliska somaliyeed jeneral cali
madoobe ayadoo uu waraysigan kaga hadalayo socdaalkisii uu
ku yimid gobolkan jubbada hoose iyo ilaa iyo haatan waxa u
qabsoomay ayadoo la filayo in uu jeneralku uu u anba baxi
gobolo kala oo dalka sida gobolka Gedo, jubbada dhexe, waxa
uuna waraysigii u dhacay sidatan .

Gen. Cali Madoobe & C/Qadar Nuur
SomaliTalk: Mudane
ku soo dhawoow shabakada warbaahinta ee SomaliTalk
Cali madoobe: Waan
dhawahay adeer waadna mahadstahay
SomaliTalk: Ugu
horayn jenerale waxaad u timid gobolkan in aad daraasaad ku
samaynayso islamarkaana aad diiwaan galinayso ciidankii
booliska Soomaliyeed marka waxaad inooga warbixisaa waxa kuu
suuroobay daraasaadkii aad ka waday gobolkan gaar ahaan
magaalada kismaayo .
Cali madoobe: Runtii
Ilaahay ayaa mahad iska leh, howshii aan halkaan u inimidna
wax badan ayaa nooga hagaagay, waxaan ugu mahad celinaynaa
maamulka gobolkan oo runtii gacan weyn ka gayestay gaar
ahaan wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada FRKM
ah ee soomaliyeed mudane Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale"
iyo dadka deegaanka sidii fiicnayd ee ay inoola shaqeeyeen
howshii aan u nimidna si qurux badan ayayna runtii inoogu
dhamaatay.
SomaliTalk :Jenerale
waxaad socdaalo ku tagtay meelo badan ama xeryo badan oo
muhiim u ah ciidankii booliska soomaliyeed marka laga reebo
in aad soo indho indhayseen maxaa qorshe ah oo aad ugu tala
gasheen in aad ka qabataan .
Cali madoobe: Waxaan
usoo indho indhaynaynay waxa ay ahayed sidii waxa looga
qaban lahaa ayadoo ay isku kaashanayaan maamulka degmada ka
jira iyo cidii kale oo gacan naga siinkarta ama muxuu ahaa
wax ka qaban karta oo aan la kaashan karno waana rajaynaynaa
in dhawaan wax nagala qabto sida wasiirka dib u dhiska iyo
dib u dajinta uu inaga balan qaaday iyo mas'uuliyiin kale oo
ka tirsan deegaankan anaguna aan u hawl galno sida ugu
dhaqsiiyaha badan .
SomaliTalk: Mudane
jeneraale socdaalkaaga aad maanta kaga anba baxayso
magaalada kismayao teer iyo xageebu soconayaa oo idiin
qorshaysan .
Cali
madoobe: Saan marar badanba ku celceliyay anagu waxa uu
socdaalkeenu ahaa in aan daraasad iyo dib u howl galin ku
samayno ciidanka booliska soomaliyeed ee ku kala firirsan
daafaha soomaaliya gobolada qaarkood baana maraynaa hada
wixii ka danbeeyana socodkii baa inoo bilowday waxaana
maraynaa degmooyin ka tirsan Jubbada hoose, jubbada dhexe,
Gedo ilaa iyo haday ii suurowdo waxaan rabaa in aan gaaro
gobolo kale oo fara badan .
SomaliTalk: Mudane
maku jirtaan qorshahaaga in aad ku hakato gobolka jaarka la
ah gobolka aad ka anba baxayso ee Jubbada dhexe.
Cali madoobe: Haa
adeer haa hadii ay ii suurowdo uu ilahay idmo saan kugu
sheegayba waxaan soo mari doonaa oo aan socdaalo indho
indhayn ah ku tagi doonaa gobolada aan kuu soo sheegay
intooda uu waqtigu ii saabxo.
SomaliTalk : Watahay,
kadib marka aad jenerale soo gabagabayso socdaaladaadan aad
ku marayso gobolada dalka qaarkood muxuu yahay qorshaha
booliska ee ay dowlada ugu tala gashay in ay ka fuliso
deegaanadaas .
Cali madoobe:
Qorshaha dowladu waa mid iska cad waa midka aan hada ka
shanqarinayay waa in ciidanka booliska soomaaliyeed dib loo
howl galiyo, waa in loo helo qorshahii uu ku howl gali lahaa
sida ugu haboon dee ayadiina daraasad lagu sameeyo
qorshahii lagu howl galin lahana la diyaariyo ayadaana hada
mashquul kunahay sidii loo diyaarin lahaa ama gobolada waan
wada tageynaa ama kuwa aan tagnay baan waxaan ka
dhiganaynaa noocii ama sidii looga howl gali lahaa ayaan u
diyaarinayaa haduu ilahay yiraahdo .
SomaliTalk :Jenerale
waxaad ogtahay oo aad la socotaa in uu burbur waqti dheer
ah uu ku dhacay dhamaan ciidankii iyo waxyahii kala duwanaa
ee dowlada gaar ahaan kuwii booliska ayadoo ay jirto in ay
qaarkood ku naafobeen dagaaladii qaarkoodana ay ku dhinteen
qaar kala ayku bara kaceen marka intee la egtahay tirade aad
isleedahay way howl gali karaanba iminka oo booliskii hore
ee soomaaliya ah .
Cali madoobe:
Walaahi su'aasha aad sheegayso ama arinta aad sheegayso waa
wax jira waliba qaarbaa hadeer howl gab gaaray intaa markaan
ka tango da' ahaan waxana su'aashaas ka jawaabi karaa marka
aan daraasada dhamaysano tirooyinka hada howl gali kara iyo
inta diyaarsan la ogaado ayaan ka jawaabi karaa su'aashaas
lakiin hada ma aan garan karo maxaa yeelay dalkiina ma
aynaan wada tagin intii aan tagnayna kama qaadan karo
qiyaasta dhabta ah .
SomaliTalk: Mudane
socdaalka aad maanta kaga anba baxayso magaalada kismayao
waxaa kugu weheyliya qaar ka mid ah xildhibaanada dowlada
FRMG marka ma wada socon doontaan inta aad soo gabagabaynayo
howlahaagan daraasaadka ah mise ayagu meel kale ay ku sii
jeedaan .
Cali mdoobe: Maya
adeer ragan xildhibaanada ah ee aan maanta israacayno waa
kuwo aan isku lugdarsanay oo kaliya ee ayagu socdaalo kale
ayay ku aadayaan gobolo kale ee dalka anigana socdaalkaygu
waa gooni .
SomaliTalk: Waatahay
kaasi waxa uu ahaa taliyaha cidanka booliska soomaaliyeed
jeneraal cali maxamed xasan looyaan cali madoobe oo u
waramayay shabkada warbaahinta ee SomaliTalk .
SomaliTalk: Waad
mahadsanthay mudane
Cali madoobe:
Adinka ayaa mudan
cabdi
qadar nuur maxamed filipiin
cabdiqadar84@hotmail.com
Kismaayo, Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com | July
12, 2005
C/Qaadir Yaxya Cali
oo Lagu Diley Muqdisho
Niman hubaysan ayaa xalay waxay toogasho ku dileen
C/Qaadir Yaxya oo ahaa...
Guji... July 11
Baaq kasoo Baxay
Xarrunta Suldaan Hurre
Guluf Colaadeed Laguma Khayro..
Guji... July 11
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
|