Guluf Colaadeed Laguma
Khayro:
In Xasaradda Soomaalida
ka Dhextaagan Colaad Lagu Dhamaystiraa waa Riyo
(SHHRF 0052/2005, 09 July
2005)
(Af-somali)
Waxaan aad uga
walaacsannahay xisadda colaadeed ee ka dhex aloosan
Golayaasha Dawladda Federaaliga ah iyo madaxdeeda sar-sare.
Ilaa intii la sameeyey Dawladda Federaaliga ah sannadkii la
soo dhaafay ee 2004, labo arrimood baa ugu weynaa waxa
caqabad ku noqday hawlgalkeedi: (i) Keenista ciidammo nabad
ilaalin dalka Soomaaliya, iyo (ii) Helid xarun ku meel gaar
ah inta caasimadda dalka laga sifayno maleeshiyooyinka iyo
dadka hubaysan een aa cidna ka amar qaadan.
Arrimahaasi waxay qaybiyeen
dawladda, baarlamaanka iyo madaxtooyada oo labo iyo ka
badanba u sii kala jajabay. Waxaan soo ifbaxay qaybasan
qabiil iyo arrimo fool xun ee aan ka wada dharagsannahay.
Waxaa ah wax laga xumaado
in labad dhinacba ay saxaafaddu u isticmaalaan si fool xun
ayagoo awrkooda ku kacsanaya. Maanta Soomaaliya kama soo
kaban karto dagaal sokeeye iyo colaad mar kale geyigeeda
laga huriyo.
Waxaan labada dhinacba u
soo jeedinaynaa:
- In khilaafaadka
Soomaalida u dhaxeeya lagu dhammeeyo qaab nabadeed
- In bulsho weynta
Soomaaliyeed kalsooni laga raadsado maadaama in koobani
soo sameeyeen labada gole ee dawladda, taasina ay keeni
karto kalsooni xumo.
- Muqdishu waa in laga
sifeeya maleeshiyooyinka intaan dhib loogu soo guurin
een laga hawlgelin. Inta ka horreysana waa in la helaa
meel macquul ee dawladu ku sii shaqayn karto.
- Marka la eego Axdiga
Dawladda Federaaliga, dib-u heshiisiintu waa inay
lahaataa mudnaanta koowaad, maadaama wax kastaa ay ayada
ku salaysnaayeen. Tusaaale, dib u heshiisiini waxay
keeni kartaa is-aammin, isu tanasulkuna waa
tiir-dhexaadka xalka sidii hubka looga dhigi lahaa
maleeshiyooyinka hubaysan.
- In la helo ciidamo
shisheeyee ee dhex-dhexaad ah nabaddana-ilaasha waa
sharuudda muhiim u ah in nabadda la unko. Maadaama aysan
jirin ciidan qaran, waa caddahay inaan laga maarmi harin
ciidan naabd-ilaaliya si ay u noqoto mid waarta.
Xarunta Sultan Hurre Human
Rights Focus (SHHRF) waxay kooxaha dawladda ka tirsan ee is-haya
ugu yeeraysaa inay wadaan wada hadalka iyadoo la raacayo
qaabka xallinta khilaafaadka ee ku tilmaaman Axdiga
Federaaliga ah ee Soomaaliya.
Sultan Hurre Human Rights
Focus (SHHRF)
webmaster@suldanhurre.org
Faafin: SomaliTalk.com | July
11, 2005
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
Geedi iyo Waftigii Uu
Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran
yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG
ayaa...
Guji...
|