- CabdulQaadir Yaxya Cali oo niman hubeysan
ay ku dileen gurigiisa ee magaalada Muqdisho
- UN CONDEMNS MURDER OF SOMALI ACTIVIST IN MOGADISHU
WAR SAXAAFADEED
Somali Concern Group
www.somaliconcern.org
11th July 2005
Somali Concern Group (SCG)
waxey aad uga xuntahay falkii foosha xumaa ee dilka
loogu geystay Marxuum Abdulkadir Yahye oo niman hubeysan
ay ku dileen gurigiisa ee magaalada Muqdisho. Waxaan
tacsi u direynaa ehelkii, saaxiibadii iyo dhamaan
ummadda soomaaliyeed anagoo canbaareyneyna falkan oo ka
soo horjeeda bani’aadanimada iyo islaanimadaba.
Abdulkadir Yahye ummadda
soomaaliyeed way tabi doontaa bacdamaa uu naftiisa ugu
huray arrimaha soomaaliya siiba dib u heshiisiinta iyo
wada xaajoodka ummadda, isagoo ahaa madaxa xarunta wada
tashiga iyo draasaadka ee Somaliya. Falkan waa fal
waxashnimo ah oo loo geystay dhammaanteen, dadkii ka
danbeeyeyna waa in laga qaadaa talaabada ku habboon.
Waan u tiiraanyooneynaa Marxuum Abdulkadir Yahye anagoo
u tacsiyeyneyna eheladdii , saaxiibaddii iyo dhamaan
ummadda soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
Waxaan ku boorineynaa
dhammaan ummadda soomaaliyeed inay canbaareeyaan falkan
foosha xun ee loo geystay Marxuumka iyo inaan si wada
jir ah u wada baadi goobno shaqsiyaadkii ku kacay falkan
si loo soo taago sharciga loogana hortago falalka noocan
oo kale ah inay dhacaan mustaqbalka.
Mr Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow)
Guddomiyaha ururka
Somali Concern Group
osmana@ealing.gov.uk
======
TACSI
Aniga oo maqaalkan qoraya ayaa Xamar la iga soo
wacay. Saaxiib aan jeclahay ayaa ila soo hadlay. Wuu isalaamay, waxaan
dareen-siiyey sidaan ugu farax-sanahay inuu ila soo hadlo. Kolkaasuu ii sheegay
war aanan ku farxin. Saakay waxaan kuu soo wacay inaan kuu sheego in xalay oo
Isniin ah gurgiisa lagu dilay C/Qaadir Yaxye ayuu yiri, waxaana soo weeraray
ciidan hubaysan oo waardiyihiisiina qab-qabtay, kadibna isagii dilay.
C/Qaadir Yaxye Allaha u naxariisto, wuxuu kamid
ahaa hawlwadeennadii xarunta cilmi baaritsa ee C.R.D. Nin ku mashquulsan sidii
Soomaalida xaalkan looga badali lahaa ayuu ahaa. marar badan ayaan iska
waraysanay xaaladda ka taagan dalka. Aqoonyahay caqli badan oo bashaash ah ayuu
ahaa. Waan ka xumahay inaanan mar danbe la sheekeysan-doonin. C/Qaadir Yaxye kol
danbe kama qayb-gali-doono miyaa simnaar looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya.
Waxay dadka xaalkiisa ku dhawaa sheegayaan inuu
u god-galay fikirkii uu ka’aaminsanaa xaalka Soomaalida, dilkiisu waa mid
Siyaasadeed, waa mid loo dilay mabda’ uu aaminsanaa, waa arin ay kawada
shaqeeyeen dad gudaha dalka jooga iyo gacmo shisheeye oo lug kudhex leh xaalka
Soomaaliya.
Fahad Yaasiin...
Maqaalkii Isniinta...
PRESS RELEASE
11th July 2005
Somali Concern Group (SCG)
would like to express our deep sorrow at the tragic
event that have taken place last night in Mogadishu and
would like to send our condolences to the family of
Abulkadir Yahye who passed away last night in the hands
of evil armed men in Mogadishu. We express our heartfelt
condolences to his family and friends and condemn in the
strongest terms such outrageous act against humanity.
Abdulkadir Yahye will be
missed by all of us who appreciate his professionalism
and the fact that he devoted his life to Somalia as he
was co-chairman of Centre for Research and Dialogue and
he went the extra mile to reach Somalis who desperately
need peace, stability, prosperity and above all a
freedom from militia groups. This was an attack of all
of us and who ever behind it should be held accountable
and punished. We are mourning for Abdulkadir Yahye and
our deepest condolences to the families, colleagues and
friends of Abdulkadir Yahye.
We urge that all Somalis
to stand up and condemn this barbaric act that happened
to Abdulkadir. We also ask Somalis to find whoever
behind this evil act and to bring a justice in order to
stop that such activities take place in Somali soil, so
that a feeling of justice is achieved.
Mr Abdirahman Omar Osman
Chairperson of Somali
Concern Group
Chairperson of Somali Concern Group (SCG)