BAAQ KU WAJAHAN NABADDA
SOOMAALIYA
Baaqan waxaa ku mideysan
ururada WABI SHABEELE “ SWEA” ee BBWO ( Muqdisho) ABWA (
Afgoye) OGAAL ( Jowhar) AYAANDHALAD ( Marka) ISRAAC (
Hiiraan)

Malaayiin Soomaali ah ayey
ku kalifeen in ay ka cararaan dagaalada sokeeye, qoysas
badan ayaa kala tagay oo ay dhibaato badan ka soo
gaartay oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Calaamka ayaa isku dayey
xalinta mushkiladaha soomaaliya ka jira, waxaan u
mahadcelineynaa dadaalkii beesha caalamka ay galiyeen
dib u heshiisiinta iyo dib u dhisida dowlada federaalka
kumeelgaarka.
Mudooyinkii ugu dambeeyey
ururka Wabi-Shabeelle ayaa ku howlanaa dadaalo nabad
looga dhalinayo soomaaliya ayagoo u maraya dariiqyo kala
duwan.
Baaqaan ay soo saareen
ururka Wabi shabeelle maanta oo 10ka Luulyo 2005 kuna
wajahan bulshada Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ku
meelgaarka iyo Beesha caalamka, ayagoo ka
faa’iideysanayo fursada xeritaanka aqoon isweydaarsi u
socday mudo toddobo cisho oo ay soo qabanqaabiyeen
hay’addaha COSPE/IIDA.
Ururka Haweenka
Ganacsatada Wabi Shabeelle ( SWEA) ayaa ku baaqaya:
- Dhammaan bulshada
Soomaaliyeed in ay ka wada qeyb qaataan xasilinta
iyo dib u dhiska dalkooda isla markaana taageeraan
doorka cad cad ee haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan
haweenka ganacsatada ah.
- In la qaado jid
gooyooyinka iyo xannibaadaha ka jira dalka, hooyo
kastana qoriga ay ka dhigto, wiilkeeda, ninkeeda iyo
walaalkeed, kuna dhiirigaliyaan nolol ka fiican oo
ku hogaaminkarto horumarinta dalka.
- In dowladda
federaalka iyo beesha caalamka ay gacan deg deg ka
geystaan adkeynta iyo taageerida hub ka dhigista iyo
dhaqancelinta malleeshiyaadka.
- In xukuumadda iyo
baarlammaanka ku meel gaarka ah ay dhinac iska
dhigaan khilaafaadkooda, xalliyaanna ismaandhaafka
ka dhextaagan, iyagoo hoos u eegaayo dhibaatada
dadkooda iyo dalkooda ka jirta.
- In guud ahaan
haweenka soomaaliyeed in ay midoobaan uguna deeqaan
maalkooda, maskaxdooda iyo muruqooda dib u dhiska
dalkooda.
- In bulshada
caalamka ay ka midoobaan arrimaha soomaaliya dhex
dhexaadna ka noqdaan, kana qeyb qaataan taageeridda
dib u dhiska dalka.
Waxaa lagala xiriiri
karaa:
Saida Sheikh Ahmed
saidavip1@yahoo.com