Digniin aad u kulul ee
ku socota Madaxweynaha iyo kuwa la jira iyo kooxaha ka
horjeeda soo jeeda Muqdisho ku sugan.
Ku. Labada garab
dowladda ee siyaasadda isku haya.
Ku. Dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay ku nool
yihiin.
Aad baan ula soconaa
dhaqdhaqaaqa aad gudaha waddanka ka wadaan, labadiina
garab ee siyaasadda isaga soo horjeeda, aad baana ula
yaaban nahay waxa shaqadiinu tahay iyo cidda aad
matalaysaan. Dowladuna in mudda ah bey dhisan tahay
welina lama arrag wax la taaban karo oo aad ummadda aad
mataleysaan u qabateen, ee aan ka aheyn marka laga
hadlaayo dhinaca madaxweynaha iyo reisulwasaarihiisa iyo
wasiiradiisa, in aad dhaqaalihii magaca ummadda aad ku
soo qaadateen in aad jeebka ku shubateen inte kale
safarro dibadda ah oo aannan wax danno ah ugu jirin
ummadda ku aadeen. Garabka kale ee Muqdishona ay
isbaarooyin la daba taagan yihiin ummadda xammar ku
dhaqan oo ay baad har iyo habeen la daba taagan yihiin.
Waxaana isweydiin mudan ma labadaasi garab baa ah kuwo
matelaya ummadda Soomaaliyeed, doonayana in ay
dhibaatada ka saaraan, mise waa qolooyin calooshood u
shaqeystayaal ah? Jawaabtu way iska caddahay, oo qof
walba oo waxgarad ah ayaa garan kara.
Rin ahaantii waxaan u
maleyneynay in aad ka gudubteen is koox
kooxeysanimadadii, is qabiileysigii iyo hogaamiye
kooxeednimadii niilugu yaqiinay oo aad maanta noqoteen
Kuwa u bislaaday u adeegidda ummadda Soomaaliyeed,
doonaya in aad hagaajisan khaladaadkii aad ka gasheen
waddanka iyo ummadda 15-kii sano ee tagay. Laakiin waxaa
halkaani inooga cad in aadan weli ka gudbin dhaqankii
hore ee la idinku yaqiinay ee ahaa is aruursi qabiil iyo
ku duulid qabiil kale.idinkoo fiirinaya oo keliya
danahiina khaaska ah, marna aadan u soo jeedin u
adeegidda danta guud ee umadda Soomaaliyeed.
Hadii uu mid kastaba
uruursado ciidan oo uu yiraahdo waan is difaacayaa, yaa
u maqan shacabka masaakiinta ah ee 15-ka sano dhibaatada
ku jiray, dhibaatadaasi oo ah tu ay badeen hagaamiya
kooxeedyada maanta wasiirada iyo madaxweyne isku
magacaaway welina ku shaqeeya magaca hogaamiye kooxeed.
Waxaa yaab leh aaway dowladii u dhalatay ummadda
soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay dhibaatada ka
saarto iyaga. Ma waxay ku dambeysay dowladaasi ragga ku
jiray in ay ku noqdaan shaqadoodii hore ee aheyd (hogaamiyekooxeenimo).
Waxaad maanta aragtaan in qole isku uruursatay xudur iyo
agagaarkeeda ee Itobiya hub ka soo qaadaneyso, ninka
madaxweynaha loo doortay iyo inuu isu keenno uammadda
kala jajabtay, oo aan weli ka weynaanin howshiisa
hogaamiye kooxeednimo qabiil ku shaqeyn wuxuu weli ku
jiraa in uu qabiilkiisa urursado si uu xoog ugu qabsado
Muqdisho, isagoo isticmaalaya ama ka faa´ iideysanaya
qaar ka mid ah Hawiyaha taas oo uu doonaya in uu
hawiyaha dhexdooda isku jebiyo kadibna uu sidaa iyaga oo
dhan ku xukumo.Iyo hogaamiye kooxeedyada muqdisho oo
dhibaatada 15-ka sano ku hayay shicibkooda oo ilaa iyo
maantana aan dooneynin in ay dhibaatadaasi ka qaadaan
ummadda xamar ku nool iyagoo isbaarooyin dhigtay
wadooyinka oo idil. Iyo iyagoo argagexis joogta ah ku
haya ummadda muqdisho ku nool oo aana dooneyn ama
marnaba laga sugeynin in ay mar uun dhibaatada ka
qaadaan dadkaasi. Marka waxaan dhamaan u sheegeynaa
hadii aanu nahay waxgaradka ku nool waddanka Sweden in
aan mar dambe aan indhaha ka daboolan doonin in
walaalaheyna soomaaliyeed ee sanadaha fara badan
dhibaatada lagu hayay ee markii la moodaayay in ay
dowlad u dhalatay haddana kuwa dowlad isku sheega ay u
noqdeen shaqadoodii hogaamiye kooxeednimo iyo iyagoo
urursanaya ciidamo si ay u xusuuqaan mar kale inta yar
uammada Soomaaliyeed ee ka hartay dagaaladii sokeeye ee
horay ee waddanka uga dhacay.
Hadii aannu nahay
waxgaradka ku nool waddanka Swedhan Waxaan uga digeynaa
labada garab ee siyaasadda isku haya in ay ka
waantoobaan dagaal sokeeye ee ummad fara badan ku
dhimato oo ay arimahooda ku dhameeyaan wada hadal iyo
degenanaan, kana badbaadiyaan Ummadda dhibaato kale ee
hor leh. Hadii ay ka waantoobi waayaan arrintaan
dagaalka ah (argagixisnimadaan) ay ummadda ku dul hayaan
har iyo habeen waxaan diyaar u nahay hadii aannu nahay
waxgaradka Soomaaliyeed ee Swidhan ku nool in aan
magacyadooda iyo sawirradooda ragaasi aan hoos ku soo
sheegi doono u gudbin donno madaxda sweden iyo Ururka
midowga Yurub ee aanu niraahno Ummaddani isku sheegeyso
madax ma aha rag madax ah ama dowlad ah ee waa kuwii
xasuuqay kumaankumka somaaliyeed, barakiciyayna
kumaankum ka kale ee ku nool aduunka, haddana fursad u
helay in ay ummadda ay dhibaatada ku hayeen in ay
hogaamiyaan, laakiin nasiib darro ay weli ku mashquulsan
yihiin kana weynaan la´yihiin cadiifadii qabiil iyo
hogaamiye kooxeednimo, sidaas darteed ayaan waxaan
ururka midowga yurub ka codsanaynaa in lagu soo qoro
liiska dadka la raadinaayo ee dembiyada ummadooda ka
galay lana soo taago maxkammadda Haag oo lagu qaado
dembiyadii ay ummadda ka galeen. Lagana mamnuuco in ay
dibadda waddanka uga soo baxaan. Dowladaha Soomaaliya
deriska la ahna hadii ay galaana in kuwasi la ganaaxo
tallaabo adagna laga qaado dowladahaasi.
Ummadda Soomaaliyeed
uma xayirnaaneyso qolooyinkaas dhiigyacabka ah ee aan
weli u bislaanin in ay dhibaatada ay iga laftooda badeen
ummadda soomaaliyeed ay ka saaraan. Waxaana dadka
waxgaradka ah ee ku nool dibbadda iyo guddaha dalka laga
doonayaa in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qadan
lahaayeen arrintaan, qof walboo soomaali ahna waa waajib
saaran siduu arrintaani wax uga qaban lahaa uguna
istaagi lahaa dadaalkeeda. Ma aha in aan ummadda
dhibaatada lagu hayo aan ku fiirinno qolooyinkaan
doonaya in ay ku kor dagaalamaan shicibka soomaaliyeed
korkiisa, dhameeyaanna inta hartay.
Waxaan ku
guubaabineyna qof waliboo wax garad ah damiir leh u
damqanaayo ummadaasi dhibaatada ku soo socoda in uu u
istaago arrintaani uu wax ka qabto inta goori goor tahay.
Si aan uga badbaadinno walaalaheyna soomaaliyeed ee ku
tabaaleysan Muqdisho oo ay doonayaan C/laahi Yuusuf,
Maxamed dheere, Geedi iyo kooxda kale ee ah Muse Suudi,
Maxamed Qanyare afrax, Cusmaan Cali Caato, Bootaan Ciise
Caalin, iyo Maxamed Jaamac Furux, Cabdiqeybdiid, Cumar
Maxamed Maxamuud (Filish).ay doonayaan in ay xasuuqaan
inta ka hartay shicibka degen Muqdisho.
Iyagoo dhamaan
labadaani garab caruurtooda iyo xaasaskoodana u dirsaday
kuna nool yihiin dibadda, doonayaana in ay baabi´ iyaan
hooyooyinkayna, abbayaasheyna, caruurteyna, iyo
walaalaheyna inta hartay eek u nool muqdisho, taasina
uma aanan dulqaadan doonno in ay mar kale dacdo. Ee
waxaan annaga nalaga doonayaa in aan wax ka qabanno
arrintani, iskuna doobnaano una istaagno sidaan uga
hortegi lahey dhibaataday labadaani garab la damacsan
yihiin ummadda. Waxaana shicibka
Soomaaliyeed iyo ururada u dhaqdhaqaada nabadda eek ku
nool gudaha iyo dibadda waddanka ka codsaneynaa in ay
dibadbax sameeyaan iyadoo taasi ku muujinaayo sidey uga
soo horjeedaan in korkooda markale lagu dagaallamo oo
sidaasi iyaga lagu xasuuqo.
Waxaa soo qoray
Waxgaradka soomaaliyeed eek u nool waddabka Swedhan
Qoraalkan kala xiriir:
aliosman16@hotmail.com