Booqashadii Waziirka Arimaha dibadda ee Somaliland
kutimid K/Africa.
Pretoria, South Africa, waziirka Arimaha dibada ee
Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Edna Adan Ismail ayaa
booqasho 3 maalmood ah kutimid wadanka K/Africa iyada oo
kasoodegtey Gegeda dayuradaha ee caalamiga ah ee
magaaloweynta Johaanesburg 6 bishan juley.
Marwo
Edna oo kaqeybgashey shir weyn oo laguqabtey maalintii
khamiista(7da July) magaaladda Johannesburg oo ey
kasooqeybgaleen madax sare oo katirsan ururka tallada
wadanka gacanta kuhaya ee ANCda, taas oo labadda dhinac
ee wadahadalku dhexmarey waa Somaliland iyo South Africa
ey si qotodheer ugawadahadleen siixoojinta
dimuqraadiyadda xoogan ee kajirta dalka Somaliland iyo
siixoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaaleed iyo
bulsheed ee udhaxeeya labada wadan ee Somaliland &
K/Africa.
Waziirka Arimaha dibadda ee Somaliland waxey booqatey
intii ey kusugneed South Africa xarunta Machadka
Doorashooyinka South Africa ee (EISA) halkaasi oo ey u
mahadcelisey mahcadkaasi oo kawada hawlaha
doorashooyinka ee wadankan, machadku wuxuu kale oo
tageerayaa doorashooyinka Parlamaanka ee Somaliland
kadhicidoonta bisha September sanadkan,. Waziir Edna
iyo xubno kamid ah Dowladda K/Africa ayaa soodhaweeyey
booqashadii ey dhowaanta booqdeen Somaliland, xubno
katirsan Midowga Africa (AU), oo xaqiiqo raadis ah oo uu
hogaaminayey gudoomiye kuxigeenka Mr. Patrick Mazimhaka,
waxey kudhiirigeliyeen israaca midowga Africa (AU) in ey
kor u qaadaan nabadraadinta meelaha ey amaandaraddu
kajirto ee Qaaradda Africa iyo in si cadaalad
kudheehantahey loogudogalo Ictiraafka Somaliland si ey
kudheehantahey cadaaladi.
Islamar ahaantaa Marwo Edna waxey u dirtey Mahad naq
kal iyo laab ah Madaxweynaha Koonfur Africa Thabo Mbeki
oo hada kusugan xarunta shirka G8ka ugasocda Scotland,
dadaalkisa nabad raadinta ee u kawado Suudaan iyo cariga
Geeska Africa, waziir Edna waxey kusheegtey fariintaasi
sida ey Somaliland ugago’antahey ey u jeceshahey in
waayo aragnimadeeda ey hubka ugadhigtey Mujaahidintii
R.Somaliland ee ey uqarameysey, waayo aragnimadan oo ey
waziirku sheegtey in ey ugutabarucayaan Africadda
dhibaatooyinku kahaloosanyihiin sida Koonfurta Sudan.
Madaxweyne Thabo Mbeki ee K/Africa waxa uu gudoomiye u
yahey Midowga Africa qeybteeda xalinta mushkiladaha
kataagan Sudan iyo geeska Africa,.
Marwo
Edna oo kucaanbaxdey codkarnimo, iyo dadaal ey ugujirto
raadinta Ictiraafka Somaliland ayaa waxaa maalinkii
khamiistii wareysi dheer layeeshey Tvga South Africa
qeybteed Africa (SABC Africa), halkaasi oo su’aalo badan
oo kusaabsan Somaliland iyo horumarkeeda laguweydiyey,
waxaa kamid ahaa su’aalahaasi ey weydiiyeen wariyaha
Tvgu “horumaradda ugudanbeeyey ee ey gaadhey
Somaliland”, waxey Edna kujawaabtey, “Somaliland waxey
gaadhey horumar weyn dhinacyadda nabada, nabada iyo
xasiloonida Somaliland kajirtaana waa arin ey kufaanaan
dhamaan muwaadiniinta R.Somaliland iyo cidkasta oo
daneyneysa Somaliland, wadankeyga waxa kajirta xiriiro
ganacsi uu ulaleeyahey wadamadda Jaarka ee Ethopia iyo
Yemen iyo wadamo kale oo Africa kuyaal ilaa South Africa
oo ey joogaan Somaliland maalgaliyaal udhashey South
Africa, wadankeygu wuxuu istaahilaa in lamaalgashado
marka aad ka eegtid dhinacyadda amaanka” ayey kusheegtey
wareysigaasi. Marwo Edna oo aan loogabaran in ey
intabadan kahadasho dhinacyadda horumarka dhaqaaleed ee
Somaliland gaadhey ayaa maalinkaasi waxey aad
ugudheeraatey in ey uguyeedho maalgaliyaasha shisheeye
in ey Somaliland tahey wadan aad uguhaboon in
lamalgashado, waxa halkaasi kale oo Tvga K/Africa ey
weydiiyeen su’aalo badan oo kusaabsan Somaliland, waxa
isla markaasi SABC Africa ey wareysatey oo kale
gudoomiyaha Machadka Arimaha Caalamiga ah ee
fadhigooduyahey K/Africa Mr. Moeletsi Mbeki..
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Zimbabwe, Mr. Morgan
Tsvangirai iyo xubno sharafeed kale oo katirsan wadamo
kuyaala Africa, waxey Marwo Edna iyo xubnaha kale ee
SABC Africa wareysatey kahadleen shirka wadamadda
kuhorumarey dhinaca warshadaha ugasocda Scotland (G8
Summit), halkaasi oo ey guud ahaan madaxda Africa
dalbanayaan in lagacaawiyo deynta laguleeyahey Africa
iyo in Africa lacaawiyo si ey uladagaalanto faqrinmadda.
Maalinkii Jimcaha waxey Marwo siisey wareysi dhinacyo
badan taabanaya Tvga BBCda oo kuwareystey iyadda oo
kusugan Pretoria, wareysigan oo dhinacyobadan leh waxa
kamid ahaa weeraradii bonbaane ee laguqaadey London 7da
bishan, halkaasi oo Marwo Edna ey u dirtey fariin
tiiraanyo leh oo ey ugatacsiyadeynayso eheladii iyo
qaraabadii kuwii kudhintey ama waxyeeladu kasoogaadhey
weeraradaasi, iyada oo Edna tilmaamtey in
“Argagaxisnimadu ey tahey xanuun kusoobiirey aduunka oo
u baahan in siwadajir ah looladagaalamo, Somalilandna ey
dagaalka argagixsiada halkeeda kagajirto”, ayey BBC da
usheegtey Marwo Edna.
Maalinkii Khamiista ee bishu aheyd 7 July waxaa kadhacey
wadanka Boqortooyadda Ingiriiska qaraxyo banbaane oo 4
meelood oo London ah kakaladhacey waxaa kudhintey
qaraxyadaasi dad kabadan 50 qof ilaa 700 boqol oo ruuxna
dhaawacyo isugujira qaar daran iyo qaar sahlan ayaa
soogaadhey, lamagaranayo qaraxyadan cida kadanbeysey,
laakiin isla markiiba si aan kafiirsasho laheyn ayaa
madaweynayaasha kushiraya Scotland shirka wadamadda
kuhorumarey warshadaha waxey kutilmaameen in uu yahey
Argagixiso, iyadda oo Ra’isal wazaare Tony Blair uu
kusoolaabtey London oo uu sheegey in lahorkeeni doono
cidii kadanbeysey qaraxyadaasi maxkamada iyo cadaaladda.
Waxaa soobaxaya warar in ey Mujaahidiin Alqaacida
lashaqeeya oo cusub ey sheegteen in ey kadanbeeyaan
weerarkan arinkan oo ey kadhiidhiyeen muslimiinta
kudhaqan ingiriiska. South Africa maalinkaasi waxaa
loogadareemey siweyn iyadda oo isla markiiba markii
idaacaddaha iyo Tvga lagabaahiyey qaraxyadaasi ey
dhamaan dadkii eheliyadda kajoogey Ingiriiska
kuwadayaaceen telephonadda waxaad kamaqleysey meelaha
lagadirsado telephoonadda fariin kaliya oo ah
“makabdbadeen qaraxa, manooshihiin”, dadka dirayey
telphonadda oo isugujirey Aisian, cadaan ingiriis
asalkoodu kasoojeedo, dalxiisayaal kayimid ingiriiska,
iyo Soomaali ehelkoodu kudhaqanyahey England, waxey
dhacdadani xasuusisey dadbadan dhacdadii aduunka
badashey ee September 11 ee 2001 kii kadhacdey U.S.A.
Marwo
Edna Aadan waxey kale oo shir layeelatey Maamulaha
Jaamacadda K/Africa (UNISA), Mr.Pityana, waziir Edna
waxey umahadcelisey UNISA mashruuceeda ey lawado
Jaamacaddaha kuyaal Somaliland iyo tababaradda ey
ufidinayaan kalkaaliyaasha Somaliland, iyo xiriiraadka
kadhexeya Jaamacada Somaliland iyo K/Africa..
Intii
ey kugudo jirtey booqashadda ey Edna kutimid K/Africa
waxey kale oo booqatey xarunta iskaashiga
baayacmushtarka aduunka ee kahortaga xanuunka dilaaga ah
ee HIV & AIDSka iyo talosiinta ganacsata aduunka in ey
caawiyaan in kor looqaadid lagusameeyo baadhista
xanuunkaasi.
Waxey
Waziir Edna xiriiro qiimobadan layeelatey xubno muhiim
ah oo katirsan dowladaha Africa iyo safiiro, waxaa
safiirada ey laxiriirtey Edna kamid ah Safiirka America
ufadhiya K/Africa Dr. Jandayi E. Frazer.
Waxaa
booqasho isdabajoog ah kuyimaada wadankan K/Africa
waziiro iyo siyaasiin kasocda Somaliland, laakiin
su’aasha ey isweydiinayaan indhoindheeyaasha siyaada
Somaliland waxey isweydiinayaan su’aalaha ey kamidyihiin
Waziiradda imanaya K/Africa ama qeybaha Siyaasiinta
Dowladda Somaliland oo markaste yimaada K/Africa oo
ubadan Waziiro, meeye ururadii bulshada iyo Djyadadii
wazaaraduhu, waxa kale oo ey isweydiinayaan maxaa
lataaban karo oo ey qabteen oo midhodhal ah waziiraddan
oo kan ugudanbeeyey uu noqonayo weftigii 15 naad oo
kasocda Somaliland oo yimaada K/Africa ilaa sanadkii
2000 kii, markaasii oo ey yimaadeen weftigii uguhoreeyey
oo uuhogaaminayey waziirkii hore arimaha dibadda Mr.
Fagadhe.
Waxa
su’aalahasi kamid ah calaamo su’aal saran safarkii uu
weftigii Madaxweyne Daahir riyaale uu hogaaminey oo ey
kuyimaadeen K/Africa bishii May ee sanadkan, safarkaas
oo ey soo ifbaxayaan shakiyo iyo dano gaar ah oo ey
wateen Madaxweynaha iyo waziiradii lasocdey sida ey
iicadeeyeen muwaadiniin udhashey Somaliland oo kunool
wadankan, waxa iyana ey iicadeyeen qeybo katirsan
Jaaliyadda R.Somaliland ee K/Africa in weftiyaddu markey
yimaadaan aaney wax xiriir ah layeelan jaaliyadda iyaga
oo intabadan iskaqariya in ey lakulmaan jaaliyadda,
waxaa tusaale fiican u ah waftigan ugudanbeeyey ee Marwo
Edna oo aan qofna lakulmin, maalinkii Jimcihii oo ey
aheyd in ey kulakulanto qeybo kamid ah Jaaliyadda guri
sharafka R.Somaliland ee Raslow Centre ee Pretoria, mey
iman habeenimadiina wey duushey iyadda oo aan qof
jaaliyada katirsana lakulumin.

Waziir Edna Aaden oo usharxeysa dad suxufiyiin iyo
ganacsato iyo safiiro iyo siyaasiin kaleba Qadiyadda
Somaliland, sawiradda waxaa qaadey Suxufi Saeed Fuuraa,
Pretoria
Waxaa diyaariyey Suxufi
Saeed Fuuraa oo degan Pretoria,.
Email:
shmadar@yahoo.com