Faallooyinka Caddadka 5aad
Ee Wargeyska Dalka
- Dadweynuhu Ma
Sii Xamili Karaan Inay Qabqablayaal Af Duub U Sii
Haystaan?
- Afrikaanku Way
Inoo Hiiliyeen ee Inaguna, Aynu Dalkeena U Hiilino
- Dareenka
Dawladda iyo Dibindaabyada Danaystayaasha
Wargeyska Dalka oo ah
todobaadle maalin kasta oo Sabti ah soo baxa, oo badiba
gaadha gobolada iyo degmooyinka Dalka Soomaaliya ayaa
caddadkiisii ugu dambeeyey oo ahaa tirsigii Shanaad,
saddex faallo ka qoray siyaasadda guud ee dalka iyo
arrimaha todobaadkii ugu dambeeyey ku soo kordhay
siyaasadda dalka. Waana sidan:
Dadweynuhu Ma Sii
Xamili Karaan Inay Qabqablayaal Af Duub U Sii Haystaan?
Iyadoo ay dawladda
Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku hawllan tahay sidii
ay waajibaadyadeeda qaran u gudan lahayd oo ay
tilaabooyin wax ku ool ah uga qaadi lahayd amni-darrada
iyo nidaam-darrada dalkeena ka taagan ayeey kooxo fara
ku tiris ah oo dulmi iyo qalalaase isu bahaystay oo
nabadda iyo deganaanshaha ku xajiimoodaa u soo ban-bexeen
sidii ay nabadda iyo horumarka ay dawladdu waddo u
carqaladayn lahaayeen. Masuuliyiin horay loogu
magacaabay inay madax ka noqdaan wasaarado muhiim ah oo
loogu talo galay inay siyaasadda dawladda ku hawl galaan
ayaa qas iyo dhibaato iyo inay dawladda curyaamiyaan u
tafa-xaytey. Taasi waxay ku tusaysaa inay raggaasi
doonayaan inay ummadda Soomaaliyeed dhibka daashaday ee
ay 15ka sano ku soo jirtey aysan ka bixin oo ay af duub
iyo lugooyo dadka iyo dalka u sii haystaan.
Shir ay dhowaan
yeesheen ayeey ka soo saareen in Muqdisho laga sameeyo
banaan bax lagu cambaaraynayo dawlado aynu saaxiibbo
nahay oo dhibaatada dadkeena maanta haysata wax ka
qabashadeeda u soo gurmaday.
Haddii ay ciidamo
nabad ilaalineed oo dalkeena soo gala diiddan yihiin,
waxay taasi la macno tahay inay diiddan yihiin nabad iyo
dawladnimo dhulkeena hooyo ee bur-buray ka hir gasha.
Waayo? haddii ay
Soomaaliyi tashan karto, oo wixii horay uga xumaaday wax
ka qabashadeeda u midoobi lahayd oo ay iyagu waxii lagu
bartay ka hanuuni lahaayeen, ciiddan shisheeye iyo
aalado kale oo loo baahan lahaa ma jireen. Waxay
qaran-dumisku doonayaan inay weli sii wadaan siyaasadaha
fashilka ah ee ay dalka 15ka sano ku caburinayeen, oo ay
fawdada iyo kala dambayn la’aanta geyigeena ka taagan,
si iyaga u gaar ah uga faa’iidaystaan oo ay maatada iyo
dadka jilicsan ee dawladnimada iyo amniga u baahan ku
sii cariigsadaan, sidoo kalena ay danoohooda gaar
ahaaneed ilaalinteeda jiritaanka dalkeena u baabi’iyaan.
Taasi ma aha mid
maanta u suuroobaysa. Waayo go’aamadoodii ka dib, wax
garad Soomaaliyeed oo ka daalay qabqablaynta fawdada iyo
hagardaamada xambaarsan ayaa Halkii ay ku shireen u daba
maray oo si geesinimo iyo waddaninimo ku dheehan tahay
u baahiyey inay raggaasi wadaan qalaalse iyo dumin
dawladeed oo aan wakhtigan xaadirka ah Soomaaliya looga
baahnayn.
Ragaasi ma aha niman
doonaya inay doonistooda si nabad ah ku meel mariyaan,
waxayse raadinayaan inay shacabka Soomaaliyeed ee amniga,
kala dambaynta iyo dawladnimada harraadka kulul u qaba
danahooda cirka ku laalaan, oo waxba, kama jiraan ka soo
qaadaan. Dhawrka nin ee nabadda ka fallaagoobey ma aha
wakiilo metela dad ka mid ah shacabka Soomaaliyeed,
waxayse yihiin shaqsiyaad ku bahaloobey bur-burkii
dalkeena ka dhacay oo haddii ay dawladdu awooddeeda
fulineed dalka ka hir geliso waayaya wixii ay u barteen
ee ay sharci darrada ku haysteen.
Dadweynaha Soomaaliyeed
ma haystaan Airport ay wixii ka soo degaba cashuur aan
sharci ahayn ka qaadaan!. Ma haystaan xaafado ay ku
amar-ku-taagleeyaan oo wixii ay doonaanba ka fuliyaan.
Shacabka la dulmay ee lagu xad gudbey ma laha maleeshiyo
ka amar qaadata oo ciddii ay neceb yihiinba dhegta
dhiigga u dari karta. Dadweynuhu waxyaabo dunida ka
caggan oo mamnuuc ah kama baayac mushtaraan.
Sifooyinkaas oo ay kuwa nabadda iyo dawladnimada
diiddani leeyihiin, assii aysan dadka caadiga ahi
lahayni waxay ummadda Soomaaliyeed ku dhaqaajiyeen inay
fahmaan inaysan iyaga iyo danaystayaashaasi isku dan iyo
isku ujeeddo ahayn.
Xaq bay wax garadka
reer Muqdisho u lahaayeen markii ay shirkii
qabqablayaasha ku tilamaameen mid aan dan qaran iyo dan
Soomaaliyeed ku jirin, balse ay ku tilmaameen inuu ahaa
mid nidaamka dawladnimo oo danta dadku ku jirto lagu
halgaadayey.
Haddii ay dadweynaha
Muqdisho, ka gilgisheen inaysan danaystayaal aan waxba
heshiis ku ahayni dantooda wadin, waxaynu dareemi karaa
in la gaarey xilligii ay dadkeena iyo dalkeenu ka gudbi
lahaayeen xaaladda adag ee ay muddada dheer ku soo
jireen ee ay dawlad la’aantu dhalisay.
Shacabku waa inaysan ka
daalin diidmada iyo ka hor imaanashaha ciddii danohooda
lid ku ah ee u hanqal taagaysa inay af duub u sii
haystaan.
Waxaad mooddaa in la
gaarey goortii ay dawladnimadii Soomaaliya iyo
nabaddiiba dhulkeena ku soo noqon lahaayeen, oo dadku
waxay u kala baxayaan nabad-diid iyo nabad-doon aan is
arki karin, oo aan isku ujeeddo iyo isku hadaf midna
ahayn.
Wax garadka
Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh ugaga hor yimid
fallaagada nabad-diidka ah, waxay waa’ cusub u fureen
danaha siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, waana in
lagu taageeraa dhaqdhaqaaqa nabadeed iyo midka dawlad
jacayl ee ay dareenkooda caafimaadka qaba ku muujiyeen.
Waxaa la hubaa inay dadweynahu ku baraarugsan yihiin
danta iyo ujeedada dhabta ah ee afarta qof ee marba qol
ku shiraya ee danta ummadda inay qaribaan weli hunguri
ka sii qaba.
Hunguri wedkii ma
arko, wax walbaana, mudday leeyihiin. Soomaaliyi maanta
waxay haysataa hogaamiyaal sare oo aan danta ummaddooda,
cidna uga waabaynayn oo inay dawladnimo iyo nabad
Soomaaliya ka hirgeliyaan ku dhaata, oo weli jidkii xaqa
ahaa ku taagan. Sidoo kalena madaxda Soomaaliyeed ee
maantu waa kuwo sirta iyo saaca nabad-diidka si quman u
fahamsan, oo khiyaamada danaystayaasha ganafka ku dhufan
kara. Shacbi weynaha Soomaaliyeed ha u fekeraan si heer
qaran ah. Ha ka munaaqishoodeen afarta nin ee nabadda
diiddani waxa ay Soomaali u soo wadaan. Feker xalaal ah
oo qaranimo ku qotoma ha kaga hor tagaan, kuwa
xasillooni iyo degenaasho dalkeena ka dhaca ku
xajiimoonaya.
Wargeyska Dalka
Warsidaha_dalka@yahoo.com
Afrikaanku Way Inoo
Hiiliyeen ee Inaguna, Aynu Dalkeena U Hiilino
Sharciga dalka u yaalla
iyo go’aamada ay Golayaasha dawladdu isla gaadheen
iyadoo la qadarinayo oo lagu socdo ayeey madaxda sare ee
dawladdu ku hawllan yihiin sidii nabad iyo deganaansho
dalkeena loogu soo dabbaali lahaa. Dad baa wadiiqooyinka
guusha iyo istiraatiijiyada dawladdu xal u helidda
dalkeena u xariiqday, u fasiraya si khalad ah oo aysan
cid ku fekeraysaa jirin. Dawladdu si ay u noqoto dawlad
adag oo awood u leh inay sharciga iyo kala dambaynta uu
dalku u baahan yahay gacan buuxda ku dhigto waxay daw u
leedahay inay dejiso qorshayaal ay ku fuliso wakhti ku
talo gal leh. Kaas oo haddii aysan awood u lahayn ay la
kaashan karto beesha caalamaka iyo wadamada Soomaaliya
saaxiibada la leh oo ay qaarkood haddaba dareenka
wanaagsan shirkii Midowga Afrika inooga muujiyeen.
Dawladda Federaalka KMG
ahi, iyadoo doonista ummadda Soomaaliyeed ka
ambaqaadaysa, isla markaana baahida nabad gelyo xumo ee
dalka iyo dadka ku gaamurtay ka shidaal qaadanaysa aysan
marnaba ka daalin sidii ay adduunka iyo Soomaaliduba
isaga kaashan lahaayeen xal u helidda Soomaaliya oo
furdaaminteeda in badan lagu wareeray.
Midowga Afrika oo ah
urur ay waddamada Afrikaanka ahi isku bahaystaan oo uu
fadhigoodii ugu dambeeyey ka dhacay magaalada Sirti ee
wadanka Liibiya oo uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya ka
qayb qaadanayey ayeey faallo iyo dood ka dib waddamada
Midowga Afrika isla qaateen in aan Soomaaliya xaaladda
ay ku jirto lagu sii eegan karin.
Waxay guddoomiyeen in
marka hore xayiraadda uu Golaha Ammaanku Xagga Hubka
Soomaaliya ka saaray laga qaado, si ay ciidamo Midowga
Afrika ka tirsani badbaadinta iyo sharci ku soo
dabbaalida Soomaaliya gacan uga siiyaan dawladda
Federaalka KMg ah si ay shacabkeeda si ay shacabkeeda
amni iyo kala dambayn ugu hor-seeddo.
Taas Waxagaradka
Soomaaliyeed waxay ku tilmaameen guul iyo lib Soomaaliya
oo dhan u soo hoyatey. Waxaynuna garan karaa inay
walaaleheena Afrikaanku inoo hiiliyeen oo inay dalkeena
u soo gurmadaan isku waafaqeen. Maxaa haddaba, dadka
Soomaaliyeed la gud-boon? Ummadda Soomaaliyeed meel ay
joogtaba waa inay sharafkooda iyo karaamadooda u
hiiliyaan oo noloshooda ka fekeraan, mustaqbalka
dhallaanka soo korayana si wadajir ah uga wada
shaqeeyaan. Xaqiiqdu waxay tahay inay shacbi weynaha
Soomaaliyeed rabitaan dawladnimo iyo nabadgelyo
waddankooda ka dhacda, oo ay dawladdoodu guulaysato
dhiigooda iyo naftoodaba u hurayaan. Waxaase jira kuwo
weli u sii hanqal taagaya inay dhibaatada dadka haysata
ku hor taagnaadaan, si aysan dadku dhibaatada dawlad
la’aaneed ee muddada haysatey uga bixin. Kuwani waa tiro
aad u yar oo haddii shacabku ku gadoodo cagta la marin
karo.
Dadweynuhu ha kaceen,
Ha fekereen, qaran-diidyada ha iska qabteen, Iyaguba
nolol uma ogolee, waa inay si qayaxan runta wejiga uga
saaraan oo u sheegaan xaqiiqda lama dhaafaanka ah oo ah
inaan dhibaatada laga baxayn Dawladda sida dhibka badan
u dhalatay taageero hiil iyo hoo’ba leh lala garab gelin.
Ummadda Soomaaliyeed
waa inay garab is taagaan madaxweynaha iyo Raysal
Wasaaraha shirkii labada sano iyo badhka socdey looga
dhex doortay inay leeyihiin sifayaal ay wax kaga qaban
karaan dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ku ragaadey.
Afrikaan iyo Carab
midna ina ixtiraami maayo haddii aynaan dalkeena wax
muuqda oo horumar nabadeed iyo dawladnimo ku qotoma ka
hir gelin. Waa inuusan wakhtiga inaga dhumin danayste ku
tumashada danta dadka ay ugu badiso. Fikirka qalloocan
ee uu dadka iyo dalka ku ciqaabayo ee danihiisa ku hilan,
waa inay shacabku ku diidaan. Waxaa hubaal ah, haddii
aynu dawladdeena la halgano oo guntiga dhiisha iskaga
dhigno sidii aynu magaceenii iyo sharafkeenii u soo
ceshan lahayn, inaan wakhti yar guullo wax ku ool ah oo
ay ubadkeenu u aayaan gaadhi karo. Danaystayaasha bur-burka
dalkeena ku mamayna iska qaban karo, oo aynu adduunyada
tusi karro Soomaali wada jirta oo geyi nabad iyo
barwaaqo ah ku nool oo uu calankoodii shanta gees lahaa
ka kor babanayo.
Wargeyska Dalka
Warsidaha_dalka@yahoo.com
Dareenka Dawladda iyo
Dibindaabyada Danaystayaasha
W.Q. Hon. Ibrahim
Mohamed Deeq
Wasiir Dawlaha Wasaaradda Warfaafinta
Adduunyada marka ay
dawladi waddan u dhalato caalamka kale wax kasta oo
waddankaas ku saabsan, ay ku caawinayaan, uga baahdaan,
ama xiriir kasta oo ay la yeelanayaan, waxay kala
xiriiraan xukuumadda markaa jirta oo ka kooban
madaxweynaha iyo golaha wasiirada. Waayo xukuumaddu waa
awoodda keliya ee sida rasmiga ah dalkeeda iyo dadkeeda
u metesha. Sida qodobka 39aad ee axdiga ku cad:
Madaxweynuhu waa astaanta midnimada qaranka, waa Madaxa
Dawladda. Waa Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida.
Sidoo kale, sida qodobka 48aad ee Axdigu qeexayo Raisul
wasaarahu wuxu sharciyan mas’uul ka yahay horumarinta,
isu duwidda, kormeeridda, iyo maamulka guud ee Dawladda.
Wuxu wasiirka koowad dejiyaa qorshaha arrin kasta,
dhinac maamul, dhan nabad gelyo iyo dib u heshiisiin iyo
waana hogaamiyaha xukuumadda oo aysan cid kale oo aan
golihiisa wasiirada ahayni la’aantiis shaqadiisa fulin
karin.
Aqalka Baarlamaanku
waa abuuraha ama dhaliyaha hogaamiyaaysha qaranka, waayo,
iyagoo ka war qaba awoodda uu madaxweynaha Jamhuuriyadda
Axdiga KMG ahi siinayo ayeey ikhtiyaar u leeyihiin
cidda ay u dooranayaan hogaamiyaha dalka ugu sareeya.
Sidoo kale Waxay ansixiyaan oo inay ummadda u adeegaan
cod ku ogolaadaan golaha wasiirada oo uu Ra’isal
wasaaruhu ugu sareeyo. Isla markaana ah awoodda fulinta.
Intaas oo aasaakii lagu shaqaynayey ah wax dhisa golaha
Barlamaanka. Wixii intaas ka dambeeya shaqada golaha
Baarlamanku waxay ku kooban tahay inay la xisaabtamaan
Ra’isal Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirada ee ay u
ogaalaadeen inay ummadda Soomaaliyeed metelaan oo u
shaqeeyaan.
Haddii ay sharciga ku
xad gudbaan iyo haddii ay shaqadooda ka soo bixi
waayaanba marnaba, sharcigu uma ogola inay shaqada
xukuumadda iyagu qabtaan oo abuuraan tafaraaruq iyo
nidaam xumo aan dalku xambaari karin. Waxayse hawshooda
qaran tahay inay xukuumadda digniino u jeediyaan, isla
markaana haddii ay xal ka gaadhi waayaan kalsoonidii ay
shalay siiyeen kala noqdaan. Taas oo ku iman karta
mashruuc dalka iyo ummadda loogu danaynayo oo aysan
awood balaadhsasho, iyo xad gudub wax lug ah ku lahayn.
Isla markaana doonista inta badan ee Xubnaha
Baarlamaanku isku raaceen.
Baarlamaaku waa
hooyadii dhashay dawladda Soomaaliyeed oo dhan, sidaa
darteed kuma habboona inuu habsami u socodka hawlaha
dawladda sallid ku noqdo oo uu mar kasta muran iyo dood
aan macno ku fadhiyin xukuumadda ku furo. Waxaase looga
fadhiyaa inuu u fekero hannaan ay qaranimo iyo
waddaniyadi ku dheehan tahay oo dadka la metelayo loogu
danaynayo.
Dawladda Federaalka KMG
ah ee hadda awoodda siyaasadeed ee dalka loo igmaday,
Soomaali oo dhani way ka dheregsan tahay dhibaatadii iyo
dadaalkii aan loo kala hadhin ee lagu soo dhisay. Dadka
Soomaaliyeedna beled iyo Baadiye hanaankii ay dawladda
Federaalku ka dhalatay way ka soo wada qayb qaateen.
Qolo kasta iyo jilib kasta waxaa madasha shirka u joogey
Ergo ay iyagu soo xusheen oo danohooda u ilaalisa.
Markii Golaha Shacabka la xulayey, Beel waliba ninkii ay
door bidaysey ayeey u wakiilatay inuu Baarlamaanka
Kursigii ay ku lahaayeen u fadhiisto. Sidaas oo ay
beesha Caalamka iyo ururada nabadda iyo horumarka ka
shaqeeyaaba goob joog ka ahaayeen ayeey dawladda
Federaalka KMG ahi ku dhalatay. Marka, ma jirto cid
maanta xaq laga hayo iyo cid xad gudub xagga awood
qaybsiga ah tabanaysa.
Haa, Shaqsiyaadka fara
ku tiriska ah ee dawladda ka falaagoobey waxay hamigooda
iyo dareenkooda, gaar ahaaneed iska weeydiinayaan
dheeftii ay dhagarta dadka ku qabeen xilligii aanay
Dalkeena Dawladda sharciga ahi ka jirin; oo maxay tahay?.
Dawladdan inoo dhalatay waxay u arkaan mid ay
hogaaminayaan madax daacad ka ah inay maanta Soomaali
dhibka ku gaamurey ka saaraan oo dawladnimo iyo amni
geyigeena ka hir geliyaan. Markaasay shaqsiyaadkii
dhibaatada dadkeena haysata dheefsan jirey muraayadda
gadaasheeda ka arkeen iyagoo awooddii ay ku shaqaysan
jireen farohooda ka sii baxayso, oo ay awooddii dalku
gacanta Dawladda ku sii ururayso. Shaki kuma jiro inay
dadkeenu kahanayaan marxaladda maanta aynu ku jirro.
Marka miyaa laga
yeelli karaa inaynu bur-burka waddankeena, danaha
ashqaastaas ku ilaalino. Waa maya. Runtu waxay tahay,
iyadoo la yaqaan baa duruufta ina haysata darteed,
masiirkii Soomaaliyeed inay ka arrimiyaan oo Wasiiro iyo
Xildhibaano noqdaan loo ogolaaday; wayse u cuntami
weydey oo inay qaranka Soomaaliyeed ee dib u dhashay
Isbaaro u dhigtaan bay ka door bidayaan wixii ay ummadda
Soomaliyeed u quurtay. Soomaalida uma muuqato wax intaas
ka badan oo ay u quudhi karaan. Weliba intaas maslaxad
iyo madax salaax bay dawladdu la garab taagan tahay.
Nasiib xumase inay dib u dhiska iyo nabadaynta dalkooda
ka qayb galaan lagu kari waa, oo waxay ku sifoobeen
abeesadii Farta loo taagey e Fanaxa ku booddey!.
Waxaa dhab ah inay ku
hungoobayaan damaca iyo daandaansiga ay shacbiga
Soomaaliyeed ku hagardaamaynayaan iyo dadaalka ay ku
raadinayaan dib u dhaca iyo horumar la’aanta bulshada.
Dadka Soomaaliyeed way yaqaaniin Fallaagada fara ku
tiriska ah ee Dawladdan xididdaysatay ee awooddeeda
dalka oo dhan ku fidisay ka daba qaylinayaa sumcad ahaan
kuwa ay yihiin. ahaan iyaga Qudhoodu inaysan waxba
heshiis ku ahayn oo carqalad iyo inay bulshada dhexdeeda
qalaalseeeyaan isku deyayaan la og, lagse yeeli maayo.
Midna, midka kale waxba
uma ogola, Indho Ma leh, Wax lagu dayo, Dhego Ma Leh,
Wax lagu Maqlo, Nabaddana dan kama laha. Waxay ku
marmarsoonayaan Dawladdu Xamar ha soo degto iyo haddallo
ujeedada ay ka leeyihiin illamaha yar-yar ee Muqdisho ku
dhaqani waxa ka dambeeya fahmi karaan. Haa, Dawladdu
iyadaa, kuwaas Muqdisho u dhaanta, oo waxay qorshaysatay
inay tagto iyadoo amniga dadweynaha kafaala qaadi karta.
Haddii ay Muqdisho magac iyo mansab la jecel yihiin,
maxay sida ay hadda tahay ugu dhaami waayeen, illayn
nabadgelyo la’aanta caasimadda Soomaaliya ka jirta
iyagaa sabab u ahe!. Xamar qiimo gaar ahaaneed ayeey
Soomaaliya u leedahay waayo waa muraayaddii Qaranka
Soomaaliyeed, inay goob ammaan ah oo lagu shaqayn karo
noqotaana, wuxuu qiima dheeraad ah ugu fadhiyaa dhamaan
shacbi weynaha Soomaaliyeed ee dawladnimo iyo amni ay ku
naaloodaan u baahan. Sidaa darteed, haddii ay jirto cid
magaalada Muqdisho cadow ku ahi, waxay kuwaasi
noqonayaan kuwa durba ka falaagoobey dawladda ay xubnaha
ka yihiin ee danaha gaar ahaaneed, fawdada dalkeena ka
taagan ku qaba.
Si kastaba ha ahaatee,
markii ay muddo dadweynaha reer Muqdisho ee nabad iyo
nidaam hir gala oo ay dawlad Soomaaliyeed gadh wadeen ka
tahay doonaya ay ku kicin waayeen arrimaha aynu ka soo
haddalay waxay haddana miciin bideen inay faafiyaan inay
dawladdu hub la soo degtey oo ciidan dhisayso. Waa yahay,
Haddii aysan dawladi Ciidamadii amniga iyo kuwii
qarankaba dhisin hawshaas ciddee yaa qabanaya. Ma iyagaa
daboolaya baahida, mise waxay doonayaan inay dawladdu
ahaato xukuumad ay ka xoog badan yihiin oo wixii ay
doonaanba ku samayn karaan. Dawlad aan lahayn awood
ciiddan oo ay fulinta shuruucda dalka u isticmaashaa,
soow ku dambayn mayso sidii kuwo hore loo soo dhisay oo
iyagoon ummaddii ay metelayeen waxba u qaban, karti xumo
iyo qorsho la’aan cidlada ugu bas beelay!.
Inay dawladdu
ciidamadii amniga iyo kuwii difaaca qaranka dhisto oo u
hesho hub ay si sharci ah danaha dalka ugu difaacaan,
waxay tahay tallaabo sharciga iyo xeerarka dalka u
yaalla ku qotoma oo aysan cidina geed ay ku gabato uga
dhigan karin. Sidaa darteed, wax garadka Soomaaliyeed
waxay dhiiri gelinayaan inay dawladdu dhismaha
cududdeeda Milateri ahmiyadda koowaad siiso, si ay u
yeelato awood ay qalalaasaha jira iyo midka inuu
yimaaddo laga yaababa gaashaanka ugu daruurto.
Dawladda Federaalka KMG
ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay mar kasta door weyn
siinaysaa oo ku shaqaynaysaa rabitaanka Shacbi Weynaha
Soomaaliyeed ee ay sida sharciga ah u metesho. Kumana
hawlana, mana geydo inay ummadeeda dibindaabyo iyo
dhibaato ku sii eegato. Sidaa awgeed Shacbi Weynaha
Soomaaliyeed meel ay joogaanba, waa inaysan u dheg
taagin baaqyada naf la caariga ah ee danaha qarsooni ku
dedadan yihiin ee jiritaanka ummadda Soomaaliyeed lagu
lagu qarbudayo.
Wargeyska Dalka
Warsidaha_dalka@yahoo.com
Aragatida qoraaladan waxaa leh wargeyska ku hadlaa afka
DFKMG