Wafti Sare Oo Uu
Hogaaminayo Prof. Cali Maxamed Geeddi Uuna Ka Mid
Yahay Maxamed Dheere Ayaa Galabta Ka Soo Degay
Garoonka Galkacyo.
Sabti 09 July 05
Galkacyo (Somalitalk)
Waxaa
Galabta Saacaddu Markay ahayd abaarihii 3-galabnimo
ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada
Galkacyo wafti ka tirsan DFKGS oo uu horkacayay
Ray’salwasaaraha DFKGS Mud. Prof. Cali Maxamed
Geeddi waxaana ka mid ah waftiga wehliyay
Rey’salwasaaraha’ Gudoomiyaha guddiga Siyaasadda
Gobolka Shabeelada Dhexe, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed
Dheere).
Wufudan ayaa waxaa
garoonka ku soo dhoweeyay masuuliyiinta Gobolka kuwa
dowladda, qaar ka tirsan DFKGS, iyo shacabka
Magaalada Galkacyo, waftigan ayaa inbadan waxaa
saaka lagu sugayay garoonka ayadoo ay shacabka iyo
maamulkuba ku kalaheen gagida diyaaradaha xili hore’
si ay u soo dhoweeyaan Rey’salwasaaraha iyo
waftigiisa.

Maxamed
Dheere |
Gudoomiyaha Gobolka
Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb ayaa
Daqiiqadihiiba garoonka dhexdiisa ay saxaafaddu wax
kaga waydiisay arinta socdaalkiisa ee uu ku yimi
magaalada galkacyo iyo mudada uu sii joogayo.
Maxamed Dheere ayaa
shaaca ka qaaday in socdaalkan uu yahay mid gaaban
kana mid-yahay socdaaladii ay Dowladdu ku tagaysay
Gobolada’ ayna la kulmi doonaan Madaxweynaha
Soomaaliya.
Maxamed Dheere
waxaa kale uu uu saxaafadda iyo shacbka reer
Galkacyo u sheegay in uu ku faraxsanyahay sida loogu
soo dhoweyay magaalada asagoo ku daray in Galkacyo
ay ugu danbaysay dagaaladii sokeeye kahor
imaatinkiisana ay waxweyn kabadalayso fikirkii uu
kaqabay Galkacyo.
Dhanka kale warar
aan laxaqiijin balse lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya
in socdaalkan Ray’salwasaaraha iyo waftigisa uu
horgalayo uu u yeeray Madaxweynaha DFKGS oo shalay
galabnimadii soogaaray Galkacyo haatanna jooga isla
Galkacyo.
Waftiga ayaa loo
diyaariyay hotelka Taar City oo ah hotelka Ugu weyn
ee kuyaala Galkacyo inta badanna ay ku soo dagaan
DFKGS, shalayna uu degay Madaxweynaha Soomaaliya iyo
waftigii lasocday.
Waa markii labaad
ee Rey’salwasaaraha Iyo Madaxweynaha DFKGS, ay
yimaahaan magaalada galkacyo.
Rey’salwasaaraha
DFKGS ayaa isla Galbtaba shir jaraa’id ku qabtay
hotelka uu ku suganyahay ee magaalada Galkacyo.
Shirkan jaraa’id ee
uu qabtay Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waraysiyo
kala duwan saxaafadda gudaha wax ka weydiisay
arimaha siyaasadeed ee dowladiisa.
Prof: Geeddi ayaa
ugu horayn wax laga weydiiyay arinta socdaalkiisa uu
ku yimid in uu ka warbixiyo, waxa uuna kaga
jawaabceliyay: In Galkacyo uu u yimid wada tashi uu
layeelanayo Madaxweynaha DFKGS, oo haatan jooga
hotelka Taar City Ee magaalada Galkacyo.
Waxaa kaloo
laweydiiyay halka ay marayaan howlihii dowladdiisa?
Waxa uu ku jawaabay in dhamaan arimihii dowladda
bartanka looga jiro isla markaana qorshuhu yahay mid
dowladdu hirgalinayso maamulladii degmooyinka iyo
kuwii goboladaba.
Isla su’aalaha
dhexdooda ayaa laweydiiyay arimaha laxiriira
ciidamada shisheeye ee dalka imaanaya? Waxa uuna
sheegay in Afrika iyo beesha caalamkuba ay raali
kayihiin in ciidamo nabad-ilaalin ah ay tagaan
gudaha Soomaaliya, shirkii ugu danbeeyay ee kadhaca
Sirta ayna isugu yimaadeen Madaxda Afrika isna
arintaasi lagu soo dhoweyay.
Su’aalan kale ee
laweydiinaya ayaa waxaa ka mid ahayd” kalsoonida uu
ku qabo dowladdiisa in ay hirgasho? Waxa uu ku
warceliyay in Dowladdiisa ay dhamaan shacabka
Soomaaliyeed taageereen, dowladduna haddii ay
haysato taageerada shacbkeeda ay howlo badan
qabankarto ayna qabandoonto.
Prof. Cali Maxamed
Geeddi ayaa waxaa kaloo uu warsaxaafadeedkiisa ku
sheegay in la samayndoono ciidamo xoogan oo dalku
yeesho’ kuwaasoo dhammaan beelaha iyo gobolada
Soomaaliya laga soo qori-doono waxa uuna intaa
raaciyay ciidan la’aann in aysan dowladdu aysan
shaqayn Karin.
Rey’salwaraaha
DFKGS Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa shaaca ka
qaaday ka dib marka uu u dhamaado wada tashiga uu la
yeelanayo Madaxweynaha in uu dib ugu laabandoono
magaalada Jowhar ee fariisinka u ah dowladda.
Warar kale ayaan ku
helaynaa in maalmaha fooda nagu soo haya la filayo
in magaalada Galkacyo uu imandoono Xusseen Maxamed
Caydiid Oo haatan la sheegay in uu ku suganyahay
magaalada Neyrobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana
soo shaac baxaya diyaargarow balaaran oo lagu
taageerayo imaatinkiisa in looga jiro magaalada
Galkacyo dhankasta oo ay tahayba.