Todobaadka dhaqanka iyo isbortiga Stockholm 2005
Dadweynaha Soomaliyeed ee degan Yurub iyo
agagaarkiis waxaa la ogeysiinayaa in la qaban doono
barnaamij sanadeedka la magac baxay todobaadka
dhaqanka iyo isbortiga Soomaliyeed ee Stockholm.
Barnaamijkaan oo intiisa badan ah cayaaro kubadda
cagta ayna ka soo qeyb galaan jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee Yurub degan ayaa galay sanadkiisii
7aad.
Guddiga qabanqaabada cayaaraha waxaa ay
ogeysiinayaan in barnaamijka bilaaban doono 22ka
july socon doona ilaa 6da agoosto. Wadamada
sanadkaan ka soo qeyb gali doona ayaa kala ah,
England,Holand,Finland,Norway,Denmark iyo Sweden oo
ah meesha marti gelisa mar walba barnaamijka.
Barnaamijka ayaa isugu jira cayaaro,seminaaro iyo
hido& dhaqan.

Cayaaraha:
Cayaaraha waxa ay kawada dhacayaan 22ka ilaa 5ta
agoosto garoonka Duvbo oo sanadihii ugu dambeeyey
lagu cayaarayey una dhow xaafadaha Soomaalida degan
tahy ee Stockholm.
Iskuaadka kooxaha
Group A Group B
Rågsved Somali
London Stars
F.C. London Stars Holland
Hilaac-Norway Benadir
FC
Denmark Norway
Finland
Neutral ungdom Göteborg
Maalinta Saacadda Kooxaha
22.07.05 17.00
Rågsved Vs Hilaac-Norway
23.07.05 17.00 F.C. London
Stars Vs Denmark
24.07.05 16.00 Somali London
Stars Vs Neutral ungdom Göteborg
24.07-06 18.00 Benadir FC
Vs Norway
25.07.05 16.00 Finland Vs
Demark
25.07.05 18.00
Hilaac-Norway Vs F.C. London Stars
26.07.06 16.00 Holland
Vs Norway
26.07.05 18.00 Neutral ungdo
Göteborg Vs Banaadir
27.07.05 16.00 Denmark
Vs Hilaac-Norway
27.07.05 18.00 Rågsved
Vs Finland
28.07.05 16.00
Norway Vs Neutral ungdom Göteborg
28.07.05 18.00 Somali London
Stars Vs Holland
29.07.05 16.00 F.C. London
Stars Vs Rågsved
29.07.05 18.00
Hilaac-Norway Vs Finland
30.07.05 16.00 Benadir FC Vs
Somali London Stars
30.07.05 18.00 Neutral ungdo
Göteborg Vs Holland
31.07.05 16.00 Finland Vs
F.C.London Stars
31.07.05 18.00 Denmark
Vs Rågsved
01.08.05 16.00
Holland Vs Benadir FC
01.08.05 18.00 Norway Vs
Somali London Stars
S e m i f i n a l
03.08.05 16.00 A 1
Vs B2
03.08.05 18.00 B1
Vs
A2
F i n a l
05.08.05 16.00 Kaalinta 1aad iyo kaalinta
2aad
Faahfaahin xagga cayaaraha kala xiriir guddiga
cayaaraha oo hoos ku qoran taleefankooda:
Seminaaro & hidaha iyo dhaqanka:
Seminaaro ayaa la qaban doonaa maalmaha kala ah 2da
agoosto iyo 4ta agoosto waqtigaan oo ah waqti
nasasho lagu jiro oo cayaar aan jirin ayaa loogu
talagalay dadweynaha aqoon kororsi ama aqoon
isweydaarasi, seminaarka ayaa ku saabsan xaaladda
Soomaalida Yurub, sidoo kale waxaa laga hadli doonaa
sida loo horumarin karo isbortiga Soomaaliyeed.
Seminaarka waxaa jeedinayo aqoonyahanno degan
wadanka Sweden iyo dabcan aqoonyahanno ka kala
imaanayo dibeddaha kuwaasoo isugu jira Soomaali iyo
ajnabi. Seminaarada waxa ay ka kala dhacayaan 2da
agoosto Tensta träff 16:00 – 20:00 iyo 4ta agoosto
Bo centrum Rinkeby 16:00 – 21:00.
Inta ay Seminaarada socdaan ayaa waxaa dhextaal u ah
seminaarka heeso ay inoo soo bandhigi doonaan
fanaaniin kala duwan, sidoo kale waxaa la soo
bandhigi doonaa ruwaayad ay soo bandhigi doonaan
reer Stockholm oo dadweynaha raali gelin dooonta.
Wixii faahfaahin xagga seminaarada iyo dhaqanka kala
xiriir Ismahan Abdullahi wakiilka dhaqanka iyo
seminarada.
Sidoo kale madaadalada garoonka cayaaraha ayaa weli
sidiisi ah, sida caadada u ah fanaaniinta Waaweyn
ayaa isku aadiya xiliga cayaaraha Stockholm iyagoo
ka faaideysanaya dadweynaha fara badan ee isaga
yimada Yurub iyagoo ka heesa garoomada cayaaraha si
tabaruc ah si barnaamijkooda habeenkii loogu
yimaada, fanaaniin farabadan ayaa la soo xiriiray
guddiga cayaaraha iyo dhaqanka si waqti looga siiyo
inta ay cayaaruhu socdaan.
Qaar ka mid ahna: Hassan Adan Samatar,Lafoole,Ali
Ukun iyo kuwa kaloo fara badan.
Wixii faahfaahin xagga seminaarada iyo dhaqanka kala
xiriir Ismahan Abdullahi wakiilka dhaqanka iyo
seminarada.
Marti sharaf:
Sida caadada u ah sanad walba ayaa la martiqaadaa
marti sharaf magac weyn ku leh cayaaraha
Soomaaliyeed balse sanadkaan ayaa ah sanadkii ugu
marti sharaf badnaa intii ay cayaarahaan socdeen,
anagoo aan wada sheegi karin dhamaantood ayaa waxaa
isku dayeynaa inaan soo koobno marti sharaftaas oo
kala ah.
-
1.
Nuur xuseen jeenyo
-
2.
Nuur Gaab
-
3.
Muqtar Cuti
-
4.
Seyg Ruushka
-
5.
Khaliif Riko
Iyo
cayaartooy fara badan oo horay u imaan jirtay
tartanka Stockholm iyo kuwa degan wadankaan Sweden
Wixii faahfaahin ah kala soo xirir guddiga
barnaamijkan oo kala ah:
-
1.
Mohamed Muse
-
2.
Abdiqani Calim
-
3.
abdullahi Dhabarey
-
4.
Yonis Galbeyte
-
5.
Abukar Cato
-
6.
Burhan Ha noolaato
-
7.
Hamdi Sh. Ahmed
-
8.
Cabdi casiis Saciid
Kala xiriir guddiga taleefanda kala ah: 004673
6474254 ama 004670 4531850
mohamed muse
jabroos@hotmail.com