SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANO

Kulan cilmiyeed  ballaadhan oo ka furmay  laas caanood 

Habeenimadii xalay 5/7/2005 waxaa ka furmay masjidka weyn ee al huda (laascaanood) kulan cilmiyeed balladhan oo ay ka soo qayb galeen dadwene fara badan oo reer laas caanood ah .

Xafladdii furitaanka kulankan ayaa waxaa ka hadlaycuqaal iyo isimo ay ka mid ahaayeen : garaad abshir saalax , caqil c/kariim axmad sulaymaan,caaqil xasan maxamad suleymaan,caaqil maxamad aadan cade,amiir jaamac maxamad mire, yuusuf jaamc calas. Waxaa kale oo  iyaguna madasha joogay isimo iyo cuqaal kale oo dhamaantoodba muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin kulan cilmiyeedkan iyo sida ay u so dhaweynayaan dadaalkan ay culimadu ku doonayso wacyi galinta bulshada reer sool.

Waxaa isguna xafladdi furitanka hadal ka jeediyay sh.c/naasir xaaji axmad oo ka hadlay ujeedooyinka kulan  cilmiyeedka oo sheegay inay ka mdi yihiin:

  • 1.    wacyi galinta bulshada

  • 2.    gudashada waajibka culimada ka saran fidinta iyo bayaaninta diinta ilaahay ee ay xanbaarsanyihiin.

  • 3.    xallinta dhibaatooyinka bulshada haysta iyo sixitaanka waxyaabaha  ka khaldan diin ahaan.

Wuxuuna sheekhu sheegay in kualn cilmiyeedna lagu falanqwayndoono mawaadiic ay ka mid yihiin:

  • 1.    shirkiga noocyadiisa iyo wasaa’ilkiisa

  • 2.    dhibaatooyinka qabyaaladda

  • 3.    dilka qofka muslimka ah

  • 4.    dhibaatooyinka qaadka

  • 5.    dhaqan galinta sharciga ilaahay

Kulan cilmiyeedka noocan ah oo ah kii ugu horreeyay ee laascaanood lagu qabto ayaa waxaa ka qayb qaadanaya culimo ay ka mkid yihiin:

  • 1.    sh.c/qaadir nuur faarax

  • 2.    dr.axmad xaaji c/raxmaan

  • 3.    sh.c/naasir xaaji axmad

  • 4.    sh. Jaamac c/salaam warsame

  • 5.    sh. Maxamad shukri xasan

  • 6.    sh. Muktaar axmad xaji faarax

  • 7.    sh.fu’aad maxamuud xaaji nuur

  • 8.    sh.xasan maxamad ibraahim

kulan cilmiyeedkan oo ka socon doona masjidka alhudaa muddo usbuuc ah ayaa dadweynaha reer laascaanood waxay kala socdaan idaacadda macgaalada oo si toos ah u tebinaysa iyo masaajidda al furqaan,al raxma,cammaar iyo taqwa oo laynaka taleefanka loogu xidhiidhiyay .

kulanm cilmiyeedkan waxaa garab socda seminar maanta u billawday ardayda iskuulada oo ka furmay masjidka cammaar iyo laba seminar oo gaar u ah dumarka oo isla maanta iyana ka furmay masaajidda alfurqaan iyo al raxma . 

xafiiska dacwada iyo tarbiyada

dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2005

Baafin: Dareewal Soomaaliyeed oo ay Ugu War Dambeysey Las Vegas..
Hooyo Caasha Sheekh Cabdi oo degan magaalada Atlanta Georgia, USA ayaa baafineysa wiilkeeda Guji


Ciyaaraha  Kubada Cagta iyo Kubada Koleyga ee ka Socda Minnesota
Kubada cagta oo ay ku tartamaayeen 16 kooxood ayaa hada waxaa ka.. Guji..

 


Kismaayo: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore
Wafdi ka socda DFKMG ah oo soo garay kismayo iyo Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8... ka akhri halkan...

Ciidamo Ka Socda Dunida Islaamka oo Nabad Ilaalin ah oo Loo Dirayo Soomaaliya
»Qodobo kasoo baxay kalfadhigi 32aad ee dalalka islaamka
»Hargeysa: Eng. Cismaan Hindi oo isu soo taagey doorshada..
Warka oo dhan ka akhri halkan.. Guji July 2


Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD