TALO WADAAG LA'AANTA C/LAAHI
YUUSUF IYO XAALADA SOOMAALIYA
Waxay ahayd 2002 dii
markii dowlada Kenya ay shir dib u heshiisiin ah ay
soomaaliya uga furtay Nairobi taasoo Kenya iyo caalamk
oo dhan ay rabeen inay soomaaliya dowlad loo dhiso is ay
mar labaad u noqoto dowlad shaqeys oo caalamka wax la
qaybsata.
Hadaba shirkaas dib u
heshiisiinta soomaaliya waxa gogol dhig u ahaa sidii
nabad galyo loogu soo dabaali lahaa dalka waqtigaa
xaalada soomaaliya waxay ku jirtey nabad galyo la'aan ku
baahdey dalka gaar ahaan moqdisho waxaana wakhtigaa
jirey hogaamiyayaal aan cidna ka amar qaadan hadaba
xaalada maanta ka jirta soomaaliya kama wanaagsana tii
2002 waxaynu odhan karnaa waxaa soo baxay wax yaabo ka
adag xaaladihii hore.
Shirkii dib u
heshiisiinta soomaaliya waxay ujeedadiisu ahayd in
soomaalidu yeelato mowqif qudha oo ay isu sameeyaan
tanaasulaad si loo abuuro dowlad ku midho dhal leh oo
lagu aflaxo taasoo hadii ay soomalidu yeeshaan isu
duubni iyo wada tashi wadaaga waxa cad in soomaaliya ay
yeelan karto dowlad.
Shirkaas dub
uheshiisiinta waxaa ka soo qeyb galay dadka loo yaqaano
hogaamiyo kooxeedyo kuwaa soo ah nimanka aadka loo
daneyneyey inay kasoo qayb galaan shirka nasiib wanaag
waxaa kasoo qeyb galay hogaamiyeyaal badan taasoo aynu
odhan karno wey ku mahadsanyihiin shirkaasna waxa
mowqifkoodii kasoo tanaasulay hogaamiyayaal badan oo
maanta ka mid ah dowlada ku meel gaadhka ah ee
soomaaliya.
hadaba waxa is
weydiin mudan c/laahi yuusuf inuu ka tanaasuley
mowqifkiisii hogaamiye kooxeednimo ee uu mar ahaa, c/laahi
yuusuf waxaa loo doortay madaxweyne si uu dalka uga baxo
dhibaatada haysata waxaana u codeeyey rag badan oo ay
iska soo horjeedeen waqtigii ay ahaayeen hogaamiyeyaal
aan cidna ka amar qaadan iyagoo dhawraya midnimada
soomaaliya.
Hadaba waxa cad in
madaxweyne c/laahi yuusuf weli aanu lahayn siyaasad
furfuran oo cidwalba ay isu fahmi karaan taasoo ah
maadaama uu yahay madaxwenihii soomaaliya inuu yeesho
dhibirsanaan iyo wada tashi wacan aqbalana fikradaha iyo
talada lala ag fadhiyo,sidoo kale qiimayn weyn siiyo
dareenka shacbiga soomaaliya.
Waxaynu ognahay in
markii ay dadka soomaalidu maqleen in dalka la keenayo
ciidamo shisheeye ah ay sameeyeen mudaharaadyo ay ku
diidan yihiin ciidamadaasi sidoo kale rag badan oo
kamida golaha wasiirada iyo xilkdhibaanaduba ay diideen
taasoo muujinaysa dareenka shacbiga mudan tahayna in la
tixgaliyo,arimahaas o dhanna c/laai yuusuf wuu iska
dhega tiray waxaanu kasoo qaaday waxba kama jiraan
isagoo u arka inay tiisu sax tahay waxaanu marar badan
ka sheegay warbaahinta isagoo muujinaya talo
maroorsigiisa uu ku caan baxay in khasab ay tahay in
dalka la keeno ciidamo Ethiopian ah,isagoo leh
ciidamadaasi waxay hubka ka dhigayaan maleeshiyooyinka,
waxa isweydiin mudan haddii xoog la adeegsanyo maxaa loo
qabtay shirka loogu magac daray dub uheshisiinta.
C/lahi yusuf waxa uu si
cad u weeraraa dadka ay fikradaha isu hayaan isagoo
adeegsada hadalo qalafsan waxaana taasi markhaati cad u
ah oo ugu dambaysay markii uu ku tilmaamay afhayeenka
baarlamaanka nin aan aqoon lahayn waxbana ka aqoon
sharciga samaynaya xulafaysi ku lid ah asaga taasi waxay
kuu muujinaysaa kala fogaanshaha uu abuurayo c/lahi
yuusuf sidaa awgeed waxaynu odhan karnaa xaalada kala
daadsanaanta dawlada ee maanta waxa ka masuul ah c/laahi
yuusuf oo laga waayey talo wadaag.
Waa wax lala yaabo in
la maqlo waxa la heshiisiinayaa madaxweynihii iyo
afhayeenkii baarlamaanka,waayo dadku waxay u haysteen in
heshiisiintii lagaga soo gudbay tii hogaamiye
kooxeedyada balse maanta ay samaysmeen laba hogaamiye
kooxeed oo awood badan leh.
Ugu dambayntii
haddii c/laahi yuusuf aanu lasamayn shacbiga iyo
dawladiisa talo wadaag iyo tanaasulaad lataaban karo in
ay dawladu burburi doonto soomaaliyana ubaylahnaanto
cadaw tiro badan.
May ahayn in madaxweyne
c/laahi yusuf ku kaco talo maroorsi hore wax loogu
waayey iyadoo soomaaliya ay ka jirto xaalad adag oo u
baahan wada tashi buuxa iyo isu dulqaadasho aan hore loo
arag iyadoo laga duulayo aragti qudha.
waxayna maanta taladu
saaran tahay 275 xildhibaan ee matalaaya shacbiga oo ay
tahay inay badbaadiyaan dawlada.