SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

05 July. 2005 

  • Askar gadoodsan oo jidad-gooyo ku sameeyay magaalada Addis Ababa. 

  •  Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya garabka Muqdisho oo cambaareeyay dowladaha Yeman,Itoobiya iyo Talyaaniga. 

  • Madaxda Afrika oo ku shiraya dalka Liibiya. 

  • Iyo Barnaamijkii Aragtida halgamaaga.

 ====================== 

In ka badan 100 askari oo Itoobiyaan ah ayaa iyagoo hubaysan axaddii jidad-gooyo ku sameeyay jidka wayn ee magaalada Addis Ababa ka soo gala dhinaca waqooyi, waxayna xidheen askartaasi gaadiidkii jidkaas mari lahaa oo dhan, iyagoo in ka badan lix saacadood si buuxda gacanta ugu hayay jidkaas. 

Askartan ayaa gadoodkan sameeyay, ka dib markii la siin waayay mushaarooyinkii ay xaqa u lahaayeen. Askartan oo tiradooda lagu qiyaasay 150 askari, ayaa kala gooyay magaalooyinka Addis Ababa iyo Gojjam, waxayna gaadiidka waddadaas mari lahaa oo dhan ku qasbeen inay ku noqdaan jihooyinkii ay ka yimaadeen. 

Jannaraal Alemu Ayle, oo ku hadlayay magaca wasaaradda gaashaandhigga ee gumaysiga Itoobiya, ayaa qiray gadoodka ay askartaasi sameeyeen. waxaa kaloo gadoodka askartan sugay wasiirka warfaafinta ee gumaysiga Itoobiya, hase yeeshee wuxuu diiday in gadoodkani wax lug ah ku leeyahay qalalaasaha doorashu ku-sheegtii ka dhashay ee ka taagan dalka Itoobiya. 

Warar aan ka helnay ilo xogogaal ayaa sheegaya in gadoodka askartani aanu ka madhnayn niyad jabka saameeyay askarta Itoobiya, oo meel ay joogaanba ka walwalaya in lagu amro inay dagaal hubaysan kala hortegaan kacdoonka dadwayne ee ka socda Itoobiya ee ka dhashay doorashooyinkii ay xukuumadda Meles Zenawi musumaasuqa ku samaysay.

 Si kastaba ha ahaatee, arinta Gadoodka Ciidamada ayaa cabsi gelisay shacabka caadiga ah oo weli la tiiraanyeysan qul-quladiihii ka dhacey doorasho ku sheegta Itoobiiya, taas oo dad badani u nafwaayeen kuwo badanina xabisga u galeen, iyada oo aan ilaa hada la xalin arintii doorashadaas

Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya garabka Muqdisho oo cambaareeyay dowladaha Yeman,Itoobiya iyo Talyaaniga.

Mas'uuliyiinta labadda Gole ee DFKMG Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho,ayaa eedaymo kulul usoo jeediyey dalalka Talyaaniga iyo Yaman,iyadoo awal horaba loo taag la,aa Itoobiya,waxayna mas,uuliyiintaasi ku sheegeen iney ka qayb qaadanayaan burburinta dalka Soomaaliya, iyo taageeridda hal garab oo kamid ah garabyada isku haya siyaasadda oo ay u arkaan in aanay dhex dhexaad ka ahayn arimaha Soomaaliya.

Wasiirka amniga qaranka Maxamed Qanyare Afrax  ayaa dowlada yeman ku eedeeyey inay bixisey rasaas halka dowlada Talyaanigana uu ku eedeeyay dhaqaale siinta hal garab oo kamid ah labada garan ee isku haya siyaasada Soomaaliya.

Dhinaca kale kal fadhigii ka dhacay xarunta baarlamaanka dowladda federaalka oo  ay u wada dhanaaneey xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray eedaymahaas ka dhanka ah dowladaha Itoobiya,Yeman iyo Talyaaniga.

Madaxda Afrika oo ku shiraya dalka Liibiya.

Madaxda dalalka Afrika ayaa kulan ku leh dalka Liibiya, halkaasoo la filayo inay ku dejiyaan qorshe faahfaahsan oo loo adeegsado wax ka-qabashada gaajada iyo saboolnimada daashatay qaaradda Afrika, kaasoo la hordhigo doono kulanka wadamada dhinaca warshadaha ka hormaray ee G8 ku yeelan doonaan carriga Igiriiska, gaar ahaan gobolka Skotland. 

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka qaaradda Afrika oo ku shirsan magaalada Sirti ee dalka Liibiya ayaa ka shaqaynaya qorshe dalalka horumaray lagaga dhaadhicinayo inay daymaha ka cafiyaan dalalka Afrikaanka ah. 

Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika, Nelson Mandella, oo ka qeybgalay isu soo bax weyn oo ka dhacay magaalada Johansburg ayaa sheegay in haddii ay hoggaamiyayaasha dalalka horumaray ku guul darraysataan wax ka qabashada dhibaatada saboolnimada Afrika ay arrintaasi ka dhigan tahay inay xadgudub bani’aadannimo galeen. 

Dhinaca kale madaxda guddiga horumarinta gobaleed ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo sanduuq maaliyadeed oo caalami ah oo loo adeegsado taakulaynta qaaradda Afrika. 

Dhismaha sanduuqan maaliyadeed wuxuu ka mid yahay labo hindise oo la hordhigi doono kulanka wadammada G8 oo toddobaadkan ku shiraya carriga Igiriiska.

 Radio Xoriyo

05 July. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2005 ###


Kismaayo: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore
Wafdi ka socda DFKMG ah oo soo garay kismayo iyo Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8... ka akhri halkan...

Ciidamo Ka Socda Dunida Islaamka oo Nabad Ilaalin ah oo Loo Dirayo Soomaaliya
»Qodobo kasoo baxay kalfadhigi 32aad ee dalalka islaamka
»Hargeysa: Eng. Cismaan Hindi oo isu soo taagey doorshada..
Warka oo dhan ka akhri halkan.. Guji July 2


Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD