SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AFRIKA

Midowga africa oo dalab rasmi ah ugudbiyay UN si cunaqabataynta hubka looga qaado dalka somalia.

Midowga Afrika ayaa waxaa uu maanta ka dalbaday UN inka in laga qaado somalia cunaqabataynta laga saaray dhanka hubka si ay wadamada africa ay uga qayb qaataan hubka dhigida maleeshiyooyinka hubaysan isla markaana ay , ugu diraan wadanka somalia ciidamo nabada ilaaliya , kana qayb qaata dhismaha ciidan midaysan oo somalia ay leedahay.

Waxaa ay ku cel celiyeen wasiirada arimaha dibada ee wadamada midowga Afrika in si dag daga looga qaado somalia cunaqabataynta dhanka hubka waxayna, iksu raaceen in ay garab taagan yihiin dowlada somalia isla markaana ay la shaqeeynayaan wadamada bariga afrika , ethopia . jibuuti , kenya , iyo yuganda , iyo sudan , iyo wadamada kaloo ku jira bahda (IGAD).

Reuters ayaa waxay kasoo warisay sarkaal sare oo ka tirsan midowga Afrika inuu yiri: waxaanu doonaynaa in laga qaado somalia cunaqabataynta hubka si dag dag ah , isla markaana waxaanu rabnaa in aanu tusna shacabka iyo xakuumada somalia oo hada dareemaysa in aanu ka gaabinay , inaanu doonayno ciidamo african ah in loo diro wadanka somalia. sarkaalka oo hadalkiisa wata ayaa yiri: ciidanka aanu dirayno waxay wataan hub iyo dabaabado nooc walba leh iyo gadiid fara badan mana suuroobayso in intaas oo ciidana iyo hubkoodu somalia galaan hadii aan la qaadin buu yiri go' cunaqabataynta somalia saaran 15 sano. waxaana uu yiri go'aankaani waa la qaatay haatana waxaa diyaara wadama fara badan oo ciidan somalia u diyaarshay oona ay ka mid yihiin YUGADHA , SOUTH AFRICA , ETHOPIA , NAJERIYA , SUDAN , iyo wadama kaloo badan oo africa ah. Hada waxaanu ugudbinay qoraal rasmi ah UN ka kofi anaana waa uu nala jooga isla markaana waxaanu ula hadalnay si gaara waxaana aanu qabnaa rajo wayn in dhawaan la qaadayo go'aankaas isaga ah , sidaana ugama harayno ee wadamada africa ninka ugu qaabilsan UN ka ayaa si rasmi ah ugu gudbin doono golaha amaanka. Reuters  waxay ku sheegtay sarkaalkaas inuu yahay raga qoraalkaa diyaarshay.

Dhanka kale ayaa somalia si wayn loogu soo qaaday shirkaan ka socda magaalada sirti ee dalka liibiya waxaana ay madaxda africa in badan oo kamida ay muujiyeen tageerada buuxda oo ay u hayaan somalia isla markaana waxay ku baaqeen in caalamka somalia wax la qabto, camar muusa oo ah sarkaalka jamacada carabta ugu sareeya ayaa isna khudbad uu ka jeediyay shirka sheegay in somalia ay tahay mid u qaybsan africa iyo carabta isla markaana ay dhankooda hada taageera buuxda diyaar gareeyeen kana qayb qaadan donaan dadaalka wayn oo dawladu wado.

isla dhanka kale cali jeedi oo wafdiga somalia hogaaminaya ayaa isna kulama gaara la yeeshay kofi anaan iyo wafdi ka socday yurub iyo madax kaloo africana waxaana lagu raja wayn yahay in go aanada maanta iyo biri soo bixi doona ay ka mid noqon doonta tageerada dowlada somalia.

waxaa noo diyaarshay.
sulaymaan cabdi.
sulaymaan@takemail.com

Waxaa soo tebiyey:
asad abdi gufure maxamed 
asadgufure@hotmail.com
Qaahira, Masar

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2005 ###


Kismaayo: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore
Wafdi ka socda DFKMG ah oo soo garay kismayo iyo Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8... ka akhri halkan...

Ciidamo Ka Socda Dunida Islaamka oo Nabad Ilaalin ah oo Loo Dirayo Soomaaliya
»Qodobo kasoo baxay kalfadhigi 32aad ee dalalka islaamka
»Hargeysa: Eng. Cismaan Hindi oo isu soo taagey doorshada..
Warka oo dhan ka akhri halkan.. Guji July 2


Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD