SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waftiga Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo Ku Sugan Liibiya

Sirte, Libya 4 july... Raisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi oo uu wehliyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa xalay xarunta uu Shirka Midfowga Afrika ka socdo kula kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta u qaabilsan Dalalka midowga Yurub EU Mr Luise Micheal iyo Agaasimahiisa Guud Mr. Stevano Manservice.

Raiisul Wasaaraha Federaalka KMG ee Soomaaliya iyo Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta waxay kulankaasi iskula soo qaadeen qoddobo muhiim ah oo ay ugu waaweynaayeen 1-sidii ay usoo dadajin laheyd ururka midowga Yurub Dhaqaalihii loo qoondeeyay qarashaka lagu soo rarayo Ciidamada ka socda Ururka IGAD ee ka iman doona Dalalka Sudan iyo Yugaanda.2-In Midowga Yururb ay bixiso Qarashka dib loogu dhisaayo Ciidanka Boliska Soomaaliyeed ee dhinacayada Mushaaraadka, Tababarida, Qalabeynta iwm 3-In dalalka Midowga Yurub ay Dowladda Soomaaliyeed gaar ahaan Hay'adaha Dowladda ay gacan ku siiyaan diyaarinta qorshaha dib loogu dhisaayo Dalka, gaar ahaan ka gacansiinta Qubaro aqoon u leh diyaarinta Qorshaha Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda, gaar ahaan Wasaarada Qorsheynta.

Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta u qaabilsan Midowga Yurub Mr.Luise Micheal wuxuu Ogolaaday Codsigaasi uu soo jeediyay Raiisul Wasaaraha, wuxuuna u sheegay in dhawaan loo soo magacaabi doono Wakiil Daleed oo isku dubarida Howlaha dalalka EUda ay ka qabanaayaan Soomaaliya.

Raiisul Wasaare Geedi ayaa lagu wadaa in uu maanta galinka dambe la kulmo Madaxweynaha Komishanka ururka Midowga Yurub Luise Poros

Isha: Xafiiska Ra'iisul wasaaraha DFKMG

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2005

###


Kismaayo: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore
Wafdi ka socda DFKMG ah oo soo garay kismayo iyo Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8... ka akhri halkan...

Ciidamo Ka Socda Dunida Islaamka oo Nabad Ilaalin ah oo Loo Dirayo Soomaaliya
»Qodobo kasoo baxay kalfadhigi 32aad ee dalalka islaamka
»Hargeysa: Eng. Cismaan Hindi oo isu soo taagey doorshada..
Warka oo dhan ka akhri halkan.. Guji July 2


Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD