SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

30 August. 2005 

  • Kulan Ogaadeenya ku dhex-maray Mas'uuliyiin sare oo JWXO ah iyo Odayaal nabadoono ah.
  • Dabaal deg lagu xusayey Sanadguuradii 21aad ee JWXO oo ka dhacey Magalada Toronto ee dalka Kanada. 

  • Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Jaaliyada Ogaadenya ee ku dhaqan wadanka Jarmalka. 

  •  Dawlada Norway oo qaadacday xaflad abaalgud lagu siinayo Meles Zenawi. 

  • Wasiirkii arrimaha dibada ee Eritereya oo geeriyooday. 

  • Iyo Barnaamij gaar ah oo Dabaqoodhiga ku saabsan.

======================

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warrama gobolka Jarar ee Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay inuu dhawaan kulan dhex-maray masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadenya (JWXO) iyo wakiillo ka socda odayaal Soomaalida Ogaadeenya ah oo in muddo ahba dhaqdhaqaaq nabadeed ka waday Ogaadeenya dhexdeeda.

Kulankani wuxuu ka denbeeyay xidhiidh dhex-marayay JWXO iyo odayaasha intii u dhaxaysay 16 -25 bishan Agoosto, waxaana kulankaas lagaga hadlay arrimo la xidhiidha sidii nabadgelyo looga curin lahaa dalka Ogaadeenya.

Odayaasha ayaa JWXO ka codsaday inay oggolaato wadahadallo nabadeed oo ay la gasho xukuumadda Itoobiya, arrintaasoo ay Jabhaddu kaga jawaabtay inay horayba u caddaysay mawqifkeeda ku aaddan wadahadallada nabadeed, isla markaana ay sheegtay inay diyaar u tahay in dhibaatada Ogaadeenya wadahadal lagu dhammeeyo haddii ay Itoobiya ogoolaato inay JWXO la gasho wadaxaajood lagu qabto meel nabadgelyadeedu sugan tahay, isla markaana uu garab seddexaad goobjoog ka noqdo. Odayaasha ayaa sidoo kale JWXO ka dalbay inay u qorto warqad ay ku caddaynayso inay aqbashay dadaalka nabadeed ee ay ku hawllan yihiin.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa kulankaas ka dib sheegtay in arrimihii laga wadahadlay oo dhami is-afgarad ku dhammaadeen.
 

Dabaal deg lagu xusayey Sanadguuradii 21aad ee JWXO oo ka dhacey Magalada Toronto ee dalka Kanada. 

Maalintii Sabtida ee bishan August 27, 2005 ayaa waxaa magaalada Torotno ka dhacay xaflad uu soo agaasimey Ururka dhalinyarada ee wadankaasi kanada.

 Dabaaldagaas oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada sida xubnaha Ururada ONLF, Maamulka jaaliyada, OHRC iyo shacabweynaha Ogadeeniya ee magaalooyinka Toronto, Kitchiner (KIJINER) iyo Ottawa ayaa wuxuu ahaa mid si heer sare ah loo soo abaabuley.

 Madaxdii xafladaas hadalada qiimaha leh ka soo jeedisay ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane Maxamed Mocalin oo si qoto dheer uga hadley xaalada Ogadeeniya iyo halganka JWXO horseedka u tahay. Mudane Maxamed Mocalin wuxuu dadweynihii goobtaas isagu yimid siiyey warbixintii ugu dambeysay ee Ogadeniya.

 Waxaa isaguna xafladaas ka hadley Xildhibaan Axmed Ugaas oo ka waramey taariikhdii ONLF iyo heererarkii ay soo martey, isaga oo dadweynaha xasuusiyey in waxa halganka JWXO heerkaas soo gaadhsiiyey  uu yahay taageerada shacabweynaha Ogadeeniya.

 Dadweynihii goobtaas isagu yimid oo iyaguna hadalo qiiro leh ka soo jeediyey madasha xaflada ayaad wajiyadooda ka akhrisaneysay sida ay ugu riyaaqsanyihiin ka soo qaybgalka xuska sanadguurada 21aad ee ONLF.

 Dhinaca kale, waxaa wacdaro  ka muujiyey xafladaas dhanlinta da'da yar oo dabaaldagaas soo agaasmey. 

Dabaaldagaas ka dhacey Magaalada Toronto wuxuu qayb ka yahay dabaaldegyo lagu xusayo sanadguurada 21aad ee JWXO oo ay Jaaliyadaha Ogadeeniya ee dabaduhu ku qabteen wadamada ay ku kala nool yihiin. 

Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Jaaliyada Ogaadenya ee ku dhaqan wadanka Jarmalka. 

Kulan balaadhan oo lagu dardar galinayo abaabulka iyo isku duubnida Jaaliyada Ogaadenya ee wadanka Jarmalka ayaa 27.08.2005 ka dhacay magaalada Offenbach ee wadanka Jarmalka. 

Kulankaas oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Jaaliyada Ogaadenya ee wadanka Jarmalka ayaa waxaa ka soo qayb galay wakiilka Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ee wadanka Jarmalka, masuuliyiin kale oo ka tirsan JWXO iyo xubnaha Jaaliyada Ogadenya ee wadankaasi Jarmalka. 

Ugu horeentii waxaa warbixin kooban oo ku saabsan wax,qabadka Jaaliyada halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadenya ee wadanka Jarmalka Mudane Cabdi C/hi Gamadiid.  Gudoomiyuhu waxuu kaloo ka warbixiyay sida ay jaaliyada Jarmalku iyagoo isku duuban hiil iyo hooba ula garabtaaganyihiin halganka Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadenya ku doonayso xoreeynta shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadenya.  

Sidoo kale waxaa warbixin balaadhan oo ku saabsan geedi socodka halganka ay hogaamiso Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadenya halkaasi ka soo jeediyay wakiilka JWXO ee wadanka Jarmalka mudane Cali Darwiish. Wakiilka ayaa ka warbixiyay guulihii ay ciidamada xoreeynta Ogaadenya gaadheen iyo dhaawacyadii ay ugeesteen ciidamada cadaadiska ku caan baxay ee gumaysiga Itoobiya.  

Wakiilku waxuu galoo ka warbixiyay sida ay lagamarmaanka u tahay in uu shacabka Ogaadenya meel uga soo wada jeedsado cadawga manaxaha ah ee gumaysiga Itoobiya. Mar uu ka hadlayay wakiilku dagaalada sokeeye ee ay ciidamada Itoobiya ka dhex shidaan shacabka Soomaalida ogaadenya ayuu ku talmaamay mid axmuqnima ah, danta ay ka leeyihiina ay tahay Qaybi oo xukun.  

Kulankaas waxaa kaloo warbixin qiima badan oo dadka dareekiisa jiitay ka soo jeediyay xubin hawlgal ugu maqnaa Ogaadeenya oo ka soo laabtay maalintii Jamcada ahayd ee 26.08.2005. Xubinkaas oo lagu magacaabo Maxamed-dheere ayaa ka war bixiyay dagaalada ay ciidamada xoreenta Ogaadeenya ku hayaan ciidamada Itoobiya, oo uu ku tilmaamay kuwo dareenka shacabka soo jiitay, isla markaasna lagu tilmaami karayo guushii halganka oo soo dhawaatay. Maxamed dheere waxuu kaloo ka warbixiyay xalada nololeed ee shacabka Ogaadenya ku noolyihiin, doorasha ku shegtii Itoobiya ay ogaadenya ka qabatay iyo xaalada abaareed ee xiligan Xagaaga ah taagan.  

Halgamuhu waxuu warbixintiisa ku sheegay in shacabka Ogaadenya hiil iyo hooba la garabtaagan yihiin Jabhada wadaniga xoreenta Ogaadenya si ay ugu guulaysato xoreynta shacabka Ogaadenya. 

Ugu danbeyntiina kasoo qaybgalayaashii shirka ayaa Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadenya ugu deeqay deeq dhaqaale oo aad u baalaadhan. Waxay kaloo wacad ku mareen in ay taagero buuxda oo Itoobiya ay dareemi doonto ay u fidinayaan halganka xaq ah ee Ogaadeenya. Wakhtigii gumeeysiga Itoobiya ee ciida ogaadenya maalmo yar baa ka hadhay guushana shacabka Ogadenyaa iska leh guul iyo gobonimo ayay ku soo gaba gabeeyeen xubnihii shirkaasi kasoo qab galay. 

Dawlada Norway oo qaadacday xaflad abaalgud lagu siinayo Meles Zenawi 

Dawlada Norway ayaa ku gacan saydhay martiqaad uga yimid Sharikada Yara oo dawlada ku martiqaaday munaasabad ay abaalgud ku guddoonsiinayso keligii taliye Meles Zenawi.

Dawlada Norway oo uu horkacayo ra’iisal wasaare Kjell Magne Bondevik ayaa diidday inay ka soo qayb gasho xaflad lagu qabanayo guriga riwaayadaha ee magaalada Oslo, taasoo ay Sharikada Yara abaalgudka bii’ada ku guddoonsiinayso keligii taliye Meles Zenawi. 

Meles Zenawi waa qofka Itoobiya loogu nacayb badan yahay, sidaasna waxaa yidhi masuul sare oo ka tirsan xarunta xuquuqda aadanaha ee dalka Norway. 

Madaxda ururrada samafalka ah ee dalka Norway ayaa sidoo kale garan la’ sababta ay Sharikada Yara abaalgudka u siisay keligii taliye Meles Zenawi iyadoo arrintaas kala tashanin dawlada Norway iyo dadka waaya-aragnimada u leh ururrada samafalka ah.  

Khubaro ururrada samafalka ah u shaqeeya oo u warramay wargayska ugu caansan dalka Norway ee Aftenposten ayaa sheegay in Meles Zenawi uu yahay keligii taliye awoodda ku amar-taagleeya. Waxay sidoo kale tilmaameen inuu ku duulay oo xoog ku qabsaday dhul ay Eritereya leedahay oo Qaramada Midoobey iyo Maxkamadda Adduunkuba ay ka dalbeen inuu ka kaco, balse aanuu ilaa iyo hadda ka kicin. 

Ra’iisal wasaaraha Norway iyo wasiirro dhawr ah oo lagu martiqaaday inay xafladdan, oo sabtida soo socota la qaban doono, ka soo qayb galaan ayaa wargayska Aftenposten u sugay inay martiqaadkaas diideen, isla markaana ayna jirin masuuliyiin dawlada ah oo xafladdaas ka qayb galaya. 

Maareeyaha arrimaha warbaahinta ee Sharikada Yara ayaa sugay in aad looga caga-jiiday martiqaadyadii ay meelaha kala duwan u direen, hase yeeshee wuu diiday inuu arrintaas si faahfaahsan uga hadlo. 

Dhinaca kale Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Norway ayaa diyaarisay bannaanbax wayn oo maalinta sabtida ah lagu qaban doono ka soo horjeedka xarunta la filayo in keligii taliye Meles Zenawi lagu guddoonsiiyo abaalgudkaas muranka dhaliyay. Jaaliyadda ayaa filaysa inay bannaabaxaas kala soo qayb galaan dadwayne badan oo ka yimid Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Jaaliyadaha Ogadeenya ee dalalka Iskaandineefiya. 

Wasiirkii arrimaha dibada ee Eritereya oo geeriyooday 

Wasiirkii arrimaha dibada ee dalka Eritereya Cali Siciid Cabdalla ayaa axaddii geeriyooday, ka dib markii uu wadnuhu joogsaday.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Erireriya  Cali Cabdu Axmed  ayaa sheegay in W/arimaha dibada ee Eriteriya wadnaha lagaga soo booday isagoo hurda kadibna uu geeriyooday,wuxuu kaloo intaa raaciyey wasiirka warfaafintu inuu wadanku kujirayo sadex maalmood oo tacsi ah laga bilaabo maalintii Shalay ahayd ee isniinta. 

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa, iyadoo geeridaas naxdinta leh ka xun, tacsi rasmi ah u dirtay dawlada iyo dadwaynaha Eritereya, iyadoo u muujisay sida ay Jabhadda iyo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenyaba uga xun yihiin geeridaas.

DHEGEYSI:::RAADIYO XORRIYO... GUJI 

Radio Xoriyo

30 August. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

 

Faafin: Aug 30, 2005

Reer Kenya oo Dalbaday in la soo daayo Bad-maaxiinta  lagu Afduubay Soomaaliya
Mombasa: Qaraabada dadka reer kenya ee afduubka loogu haysto aagga Xarardheere, Soomaaliya ayaa Guji... Aug 30

Ra'iisul wasaaraha Australia oo Ka Hor Yimid Soo Jeedintii Mamnuucida Khimaarka
John Howard ayaa ganafka ku dhuftay soo jeedintii in... Guji

Puntland oo ka Jawaabtey Hadalkii Cali Maxamed Geeddi ee Shirkadaha Shiidaalka
DGPL ayaa raali gelin degdeg ah ka dalbatay ra'iisul wasaaraha DFKMG in uu ka bixiyo hadalkii uu dhowaan ka... Guji....

Shariif Xasan Sh. Aden oo helay Fiisada dal ku Galka Mareykanka
»C/laahi Yuusuf oo beeniyey in loo diidey Fiisihii USA
»Jaamac Aadan Dheere oo lagu xiray Jawhar...
»Wakiilkii warfaafinta ee maamulka Max’ed Dheere  oo la xiray
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 29

Wasiirka Waxbarashada Australia oo Difaacey Khimarka Gabdhaha Muslimiinta
»Australia: Xildhibaano soo jeediyey in lamamnuuco Khimaarka
»Australia: Dadka soo gelaya diinta Islaamka oo aad u kordhay
»Kenya: Muran weyn oo ka taagan Dastuurka Cusub...
»Tirakoob: Muslimiinta Adduunka oo gaarey 1.6 billion....
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Aug 29

Heshiiska shirkada Australia iyo Puntland waa "Sharci darro, aan la aqabali karin"
Sidaa waxaa yiri Cali Maxamed Geedi, asagoo si kulul uga hor yimid in wax heshiis ah ay shirkado shisheeye la.. Guji...

»» Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis...

Ra'iisulwasaare Geeddi oo u Guuri doono Muqdisho Bisha Septembar
»Geeddi: Waxaan la kulmi doonaa Wasiirada mucaaradka
»Qahira: Xisbiga SYUP oo soo saaray warsaxaafadeed
Warka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Aug 28


Maxamed Qanyare Afrax Waa Masiibo Na Loo Soo Diray.. GUJI..

Sh. Aways: "arrimihii Argagixisada waxay noqdeen Arrimo ganacsi iyo mid siyaasadeed"
»Muqdisho: Kulankii Baarlamaanka FKMG oo markale baaqday
»Wasiir: Sucuudiga waxaan iska kaashaneynaa Argagxisada
»Saddex qof oo u dhimatay saddex kun oo shillin Somaali ah
»"Eng. Muunye waxa uu bedalay 5 markab Magacyadooda"
»Sanad guuradii 3aad: Mu’asasada Banaadir ee tacliinta sare
»Kismaayo: Saxaafada Jubada hoose kama tirsana tan Xamar
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 27

19-jir Soomaali ah oo Lagu Toogtey Minnesota
USA: Wiilka Soomaaliyeed waxaa la toogtey asagoo dhex fadhiya gaari taagan meel gaaska laga qaato oo... Guji... Aug 26

"Dalkaygu Waa Ubucda Argagaxisada" Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arimaha Dibada DFKMG
»Madaxweyne C/Laahi Yuusuf oo ku soo laabtay Jawhar...
»Haya'd ka dayrisay Xaalada Soomaaliya (Caafimaad, Ammaan
»Q/Midoobey oo Weli Wada Dhexdhexaadinta Soomaalida
»Wasiir Soomaaliyeed oo Soomaaliya ku eedeeyey Argagixiso
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 26

»Muqdisho: Wiilashii wiilal baas baa ka hadhe’eey! | Kayse
»Filimka, Feerar iyo Dagaal maku Jiraan | C/Waaxid
»NABADI WAA NOLOL | Faallo & Maanso | Nabaddoon
»“Suxufi qiiradeesan iyo qormooyin qeyrumasuulah”  | Farxaan-ceynte
»Kornayl Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Doontii Caddaalad Darrada
»Dhanbaal Khuseeya Waxgaradka Beesha Madaxweynaha | Bashir
»JSL : Saxalkii Baxyoo Samaatay !! | Ducaale
»Ciidanka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii la jebiyey | Q.3aad
»Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso | Maxamed Maxamuud
»Maxamed Qanyare Afrax Waa Masiibo Na Loo Soo Diray | Axmed
»Ma Ogtahay ::::: | Qormadii Zahra Abdi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD