-
Beesha
Mareexaan oo kalsoonidii kala
laabatay dowladda federaalka
-
Eedeyn
loo jeediyay C/llaahi Yuusuf, Cali
Max’ed Geedi iyo Xuseen Caydiid..
-
Kulan
ay isugu yimaadeen Xuseen Caydiid,
Qanyare, Muuse Suudi, Xaaf iyo
Ilqayte
-
Wargeys
Cusub oo Ciyaaraha oo Laga Furay
Hargeysa
Beesha
Mareexaan oo kalsoonidii kala
laabatay dowladda federaalka
“Duunyo dadbaa ilaaliya, doqonna
dadkiisaa ilaaliya”
- W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro | Muqdisho
Kulan ay Shalay
Magaalada Nairobi ku yeesheen
waxgarad, odoyaal, siyaasiyiin,
iyo slaadiin ayaa waxaa si aad ah looga
hadlay xariga siyaasiga lagu
magacaabo Jaamac Aadan Dheere oo
dhawaan xabsiga uu u taxaabay
gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Max’ed
Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) waxayna
sheegeen waxgaradkaasi in ay
kalsoonidii kala laabteen dowladda
federaalka iyo waliba aqoonsigii
dowladnimo kaddib markii
mas’uuliyiinta sare ee dowladda ay
wax ka qaban waayeen xariga loo
gaystay Jaamac Aadan Dheere.
Waxay sheegeen in
Dowladda Federaalka ay noqotay mid
dhibaateynaysa bulshada Soomaaliyeed
waxayna ka talaabsadeen waxyaabihii
lagu soo doortay in ay si caddaalad
ah ugu adeegaan bulshada
Soomaaliyeed, “Jowhar waxaa degan
dad qabiili ah iyagoo gacan ka
helaya xubno ka tirsan SRRC waxayna
isku bahaysteen jahwareerka ummadda
Soomaaliyeed” ayay qaar ka mid ah
xubnihii ka qaybgalay kulankaasi
sheegeen, waxayna intaasi sii
raaceen “Beesha Mudulood meel hadday
ku xoog badan tahay meel baa looga
xoog badan yahay” waxayna ka
dalbadeen waxgaradka beesha Mudulood
in si shuruud la’aan ah loo sii
daayo Jaamac Aadan Dheere, waayo
ayay yiraahdeen “Duunyo dadbaa
ilaaliya, doqonna dadkiisaa ilaaliya,
ee Max’ed Dheere waxa uu wax ku
dhibaateenayo waa magac beeleed”.
Ugaas Ma’xed Weli,
afhayeenka beesha Daarood, ayaa wuxuu
cambaareeyay xariga Jaamac Aadan
Dheere, waxa uuna ku tilmaamay mid
xaq daro ah “Soomaaliya waa qabaa’il
mana lahan illaa iyo hadda dowlad
dhexe oo mas’uul ka ah ummadda,
qabiilna qabiil mas’uul kama noqon
karo umana dowladeyn karo” ayuu yiri
Ugaas Max’ed Weli, waxa uuna ka
codsaday beesha Abgaal in ay gacan ka
gaystaan siideyn Jaamac Aadan Dheere.
Eedeyn
loo jeediyay C/llaahi Yuusuf, Cali
Max’ed Geedi iyo Xuseen Caydiid..
Shir jaraa’id oo ay
saakay xarunta gobolka Banaadir ku
qabteen Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye)
iyo C/llaahi Xasan Ganey (Firinbi)
oo sheegay in ay kala yihiin Duqa
Magaalada iyo gudoomiyaha gobolka
ayaa waxay eedeyn kulul ugu
jeediyeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed, Ra’isul wasaare Cali Max’ed
Geedi iyo wasiirka arrimaha gudaha
Xuseen Caydiid, waxayna sheegeen in
jahweerar ku rideen arrimihii
gobolka Banaadir kaddib markii
gudoomiyaasha 16-ka degmo ee gobolka
Banaadir ay kala aadaan subax walba
Hotel Ramadaan iyo xarunta gobolka
Banaadir taas oo ay sheegeen in ay
wiiqeyso arrimaha gobolka Banaadir.
“Waxaan u soo
jeedineynaa mas’uuliyiintaas in ay
dib ugu laabtaan shuruucdii lagu soo
dhistay Magaalada Nairobi ayay
yiraahdeen Shaweeye iyo Firinbi oo
sheegay in ay kalsoonida kala laaban
doonaan dowladda Federaalka, waxaa
kalloo ay sheegeen in aysan xaq u
lahayn in ay faragashadaan arrimaha
gobolka Banaadir waayo haddii la
doonayo in wax la dhiso waa in marka
hore ka soo bilaabaan gobolada dalka,
waxayna xubnahaasi shirkaa jaraa’id
shalay ku soo bandhigeen Dukumintii
ay saxiixeen mas’uuliyiita sare ee
dowladda oo ay ku leeyihiin
mas’uuliyiintii hore ee gobolka waa
inay sii wadaan maamulka gobolka
Banaadir.
Kulan
ay isugu yimaadeen Xuseen Caydiid,
Qanyare, Muuse Suudi, Xaaf iyo
Ilqayte
Kulan albaabadu u
xirnaayeen ayay maanta Hotel Saxafi
ku yeesheen Ra’isul wasaare ku
xigeenka Dowladda Federaalka Xuseen
Max’ed Caydiid, wasirika amniga
qaranka Max’ed Qanyre Afrax,
wasiirka ganacsiga Muuse Suudi
Yalaxow iyo ganacsatada kala ah
Xildhibaan Axmed Ducaale Geele (Xaaf)
iyo C/rashiid Shire (Ilqayte)
waxaana kulankaasi looga hadlay
sidii loo dhameystiri lahaa
barnaamijkii isbaaro qaadista ee
gobolka Banaadir, iyadoo
mas’uuliyiintaan qaarkood ay yihiin
kuwa ugu badan ee isbaarooyinkoodu
yaaliin Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Xuseen Caydiid oo isagu
doraad sheegay in aan la waqtigaan
la qaadi Karin isbaarooyinka yiila
Muqdisho ilaa la meeleeyo
dhalinyarada halkaasi ku sugan, hase
yeeshee kulankii maanta ayuu Xuseen
Caydiid ka sheegay in muddo afar
maalmood gudahood ah la qaadi doono
isbaarooyinka haray ee yaala
Magaalada Muqdisho, waxaa kalloo uu
sheegay in loo baahan yahay in
siyaasiyiinta Muqdisho ay ka
shaqeeyaan sidii nabad loogu soo
dabaali lahaa Muqdisho waxaa kalloo
uu sheegay Xuseen Caydiid in uu dhex
dhexaad ka yahay is haysiga u
dhexeeya xubnaha dowladda ee ku kala
sugan Muqdisho iyo Jowhar isagoo
sheegay in uu dadaal u gali doono
sidii la isugu soo dhaweyn lahaa
xubnaha dowladda ee khilaafku u
dhexeeyo.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Wargeys
Cusub oo Ciyaaraha oo Laga Furay
Hargeysa
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha
Md.Maxamuud Siciid Maxamed ayaa
shalay ka qayb galay xaflad loo
sameeyay wargaysa Cusub oo la
yidhaahdo Olympic kaas oo wax katari
doona Horamarinta ciyaaraha
Somaliland.
Xafladaa oo lagu qabtay Hutelka
Mansoor waxa kale oo kaqayb galay
xafladii furitaan ka wargaysakaasi
Gudoomiyaha xidhiidhka Kubada cagta
C/rashiid Caydiid Yaasiin ,Axmed
Sandoon Xasan kamid ah Mudanayaasha
qolaha deegaanka Hargeisa , Hassan
Waraaba Cadde iyoGudoomiyaha Ururka
HYDA Mr. Maxamed Culimo iyo
Agaasimaha Ururka Mr. Khaalid Adan
oo iyo marti sharaf kale.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha
oo halkaa hadal kajeediyay ayaa
dhalinyarada soo saaraysa wargayska
ku tilmaamay qaar mutadawiciin ah
waxaana uu uuga mahadnaqay dadaalka
ay ugaleen in ay aasaasaan war
gayska khaas u ah arimaha Ciyaaraha
maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .
Wasiirku waxa uu sheegay in
Wargayskaasi aanu dhex gali doonin
arimo la xidhiidha Siyaasada .mudane
Maxamuud siciid waxa uu maamulka
Wargeyskaasi ugu baaqay inay
ciyaaraha dalka aad wax uuga qoraan
, isgoo wasiirku daboolka ka qaaday
in wixii ay dhalinyarada soo
saaraysa wargayska ay diyaar utahay
wasaaradu inay wax kala qabato .
Tifaaftiraha wargaysakaasi Mr C/qaadir
Cilmi (shiine-yare ) oo halkaasi ka
hadlay ayaa sheegay markii ay arkeen
baahida balaadhan ee loo qabo in
dalku yeesho wargeys gorfeeya
arimaha Ciyaaraha ay go’aansadeen in
ay hirgliyaan wargeys Ciyaareed .
Mr: shiine
wuxuu xusay in wargeyskoodu uu Todaabkiiba hal
mar soo bixi doono oo uu gooni u
noqon doono ciyaaraha Caalamiga ah
iyo kuwa dalka ,wargeyskan oo isla
maalinta soo baxay ayaa dhalinyaradda
reer hargeysa ay aad u farxeen ,wargeyskan
waxa la gaadh siin doona Goboladda
Somaliland oo dhan
Shiine
Cilmi Kaahin
Shiinenet@yahoo.com
Hargeysa
Somaliland
Faafin: Aug 30, 2005
Reer Kenya oo Dalbaday in la soo daayo Bad-maaxiinta
lagu Afduubay Soomaaliya
Mombasa: Qaraabada
dadka reer kenya ee afduubka loogu haysto aagga Xarardheere,
Soomaaliya ayaa
Guji...
Aug 30
Ra'iisul wasaaraha
Australia oo Ka Hor Yimid Soo Jeedintii Mamnuucida Khimaarka
John Howard ayaa ganafka ku
dhuftay soo jeedintii in...
Guji
Puntland oo ka
Jawaabtey Hadalkii Cali Maxamed Geeddi ee Shirkadaha Shiidaalka
DGPL ayaa raali gelin degdeg ah ka
dalbatay ra'iisul wasaaraha DFKMG in uu ka bixiyo hadalkii uu dhowaan
ka...
Guji....
Shariif
Xasan Sh. Aden oo helay Fiisada dal ku Galka Mareykanka
»C/laahi
Yuusuf oo beeniyey in loo diidey Fiisihii USA
»Jaamac
Aadan Dheere oo lagu xiray Jawhar...
»Wakiilkii
warfaafinta ee maamulka Max’ed Dheere oo la xiray
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Aug 29
Wasiirka
Waxbarashada Australia oo Difaacey Khimarka Gabdhaha Muslimiinta
»Australia:
Xildhibaano soo jeediyey in lamamnuuco Khimaarka
»Australia:
Dadka soo gelaya diinta Islaamka oo aad u kordhay
»Kenya:
Muran weyn oo ka taagan Dastuurka Cusub...
»Tirakoob:
Muslimiinta Adduunka oo gaarey 1.6 billion....
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..
Aug 29
Heshiiska shirkada
Australia iyo Puntland waa "Sharci darro, aan la aqabali karin"
Sidaa waxaa yiri Cali Maxamed Geedi, asagoo si kulul
uga hor yimid in wax heshiis ah ay shirkado shisheeye la..
Guji...
»»
Xaflad Lagu
Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis...
Ra'iisulwasaare Geeddi oo u Guuri doono Muqdisho Bisha Septembar
»Geeddi:
Waxaan la kulmi doonaa Wasiirada mucaaradka
»Qahira:
Xisbiga SYUP oo soo saaray warsaxaafadeed
Warka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...
Aug 28
Sh. Aways: "arrimihii
Argagixisada waxay noqdeen Arrimo ganacsi iyo mid siyaasadeed"
»Muqdisho:
Kulankii Baarlamaanka FKMG oo markale baaqday
»Wasiir:
Sucuudiga waxaan iska kaashaneynaa Argagxisada
»Saddex
qof oo u dhimatay saddex kun oo shillin Somaali ah
»"Eng.
Muunye waxa uu bedalay 5 markab Magacyadooda"
»Sanad
guuradii 3aad: Mu’asasada Banaadir ee tacliinta sare
»Kismaayo:
Saxaafada Jubada hoose kama tirsana tan Xamar
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Aug 27
19-jir Soomaali ah oo Lagu Toogtey Minnesota
USA: Wiilka Soomaaliyeed waxaa la toogtey asagoo dhex
fadhiya gaari taagan meel gaaska laga qaato oo...
Guji...
Aug 26
"Dalkaygu
Waa Ubucda Argagaxisada" Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arimaha Dibada DFKMG
»Madaxweyne
C/Laahi Yuusuf oo ku soo laabtay Jawhar...
»Haya'd
ka dayrisay Xaalada Soomaaliya (Caafimaad, Ammaan
»Q/Midoobey
oo Weli Wada Dhexdhexaadinta Soomaalida
»Wasiir
Soomaaliyeed oo Soomaaliya ku eedeeyey Argagixiso
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Aug 26
»Muqdisho:
Wiilashii wiilal baas baa ka hadhe’eey! | Kayse
»Filimka,
Feerar iyo Dagaal maku Jiraan | C/Waaxid
»NABADI
WAA NOLOL | Faallo & Maanso | Nabaddoon
»“Suxufi
qiiradeesan iyo qormooyin qeyrumasuulah” |
Farxaan-ceynte
»Kornayl
Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Doontii Caddaalad Darrada
»Dhanbaal
Khuseeya Waxgaradka Beesha Madaxweynaha
| Bashir
»JSL
: Saxalkii Baxyoo Samaatay !! | Ducaale
»Ciidanka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii la jebiyey
| Q.3aad
»Ficilada
Jaahilnimada Soomaalida samayso |
Maxamed Maxamuud
»Maxamed
Qanyare Afrax Waa Masiibo Na Loo Soo Diray
| Axmed
»Ma
Ogtahay ::::: | Qormadii Zahra Abdi
|