Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor"
oo Lagu Qabtay Minneapolis.
WD: Maxamed Cali | Minneapolis, MN
|SomaliTalk.com | Aug 28, 2005
Qoraaga Bugga: Faarax Maxamuud Maxamed |
Buuga Xasuus Qor: Taariikhda Soomaaliya 1400-2000 |
(SomaliTalk.com,
Minneapolis, MN, USA): Waxaa galabnimadii Sabtida (Aug
27, 2005) magaalada Minneapolis lagu qabtay xaflad lagu soo
bandhigay buugga "Xasuus Qor" ee uu qoray Faarax Maxamuud
Maxamed. Buugga oo ku saabsan taariikhda Soomaaliya laga soo
bilaabo 1400 ilaa 2000.
Xaflada oo ay kasoo qayb galeen dadwene
Soomaaliyeed oo farabadan waxaa lagu
qabtay xarunta lagu magcaabo Confederation of Somali
Community of Minnesota oo ku taal xaafadda Cedar ee
Soomaalidu u badan yihiin ee Minneapolis.
Xaflada oo uu xiriiriye ka
ahaa Siciid Faahiye, waxaa ka hadlay qaban qaabiyaashii
xaflada iyo marti sharaf lagu casumay in ay madasha ka
hadlaan. Dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa Xasan Dhooye oo
buuga soo akhriyey, waxana uu buuga ku tilmaamay 'Daah fur
taariikhiid', isaga oo ammaan ka bixiyey sida uu buugu u
qoran yahay, sheegayna in uu buugu soo koobayo taariikhda
Soomaaliya muddo lix qarni ah, una qoran nidaam tixraac
ahaan loo adeegsan karo. Waxaa kale oo madasha ka hadlay
Maxamed Maxamuud Abgaalow oo yiri buugani waxa uu yeelan doonaa dad
badan oo akhrista marka la eego qaabka uu u qoran yahay oo
aad u wanaagsan. Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay Anwar
Maxamed oo ka hadlay suugaanta iyo wax qorista, waxana uu
xusay sida ay muhiim u tahay in tariikhda la qoro.
Laba qodob oo aad loogu nuux nuux saday
waxay ahaayeen: (1) Muhiimada ay leedahy in Af-Soomaali lagu qoro buugaagta,
si nuxurka iyo macnaha uu buugu xambarsan yahay loogaga dhergo afka hooyo.
Waxaana la xusay inay jiraan qorayaal badan oo Soomaaliyeed oo buugagta ku
qora Afaf kale sida Af-Ingiriisi, kuwaas oo ay dhici karto in sababta ay
afafka kale wax ugu qorayaan in ay tahay ayagoo u malayanaya in aan
Soomaalidu wax akhri sidaas daraadeedna ay dadyowga kale afkooda buugagta
ugu qoraan si looga iibsado, waxaase l axusay in hadda ay Soomaalidu noqdeen
kuwo wax ku akhriya afkooda. Isla mar ahaantaasna waxaa la xusay muhiimada
ay leedahay in ubadka yar yar la baro af Soomaaliga.. (2) Qodobka labaad
wuxuu ahaa sida muhiimka u tahay in laga feejignaado soo xigashada buugaagta
ay qoreen dad aan Soomaali ahayn oo dano gaar ah yeelan kara markii ay
Soomaalida wax ka qorayeen. Waxaa kale oo la xusay muhiimada ay leedahay in
la barto luqada Carabiga si ay u sahlanaato in wax laga soo xigan karo
qorayaashii Muslimiinta ahaa ee sida saraaxada leh wax uga qoray Soomaalida.
Nasiib
wanaag waxaa la xusay in beryahan dambe ay soo badanayaan buugaagta ku qoran
luqadda Soomaaliga. Dabcan buuga "Xasuus qor" waxa uu ku qoran yahay
Af-Soomaali marka laga reebo jeldigiisa kore oo sawirka ku musawiran
korkiisa ay ku qoran tahay "Timelines of Somali History", waxaase
taas qarinaya farta waaweyn ee u qoran sidan "Xasuus Qor".
Haddaba, intii aan madasha
lagu soo dhoweyn qoraaga buuga, waxaa warbixin kooban oo
taariikhda qoraaga ku saabsna soo jeediyey Seyid, waxana uu
yiri: qoraha buuga Xasuus Qor oo magaciisa la yiraahdo
Faarax Maxamuud Maxamed waxa uu ku dhashay degmada
Ceel-Afweyn oo katirsan Gobolka Sanaag, waxbarashadiisii hore
waxa uu ku soo qaatay magaalada Muqdisho, waxa uu
wax ka bartay Machadkii Horumarinta Maamulka ee SIDAM ee
magaalada Muqdisho. Waxa uu tacliintiiisa sare ku dhamaystay
wadanka Maraykanka, isaga oo shahaadada 'Master-ka' ka qaatay
Jaamacada George Mason University oo kutaal Virginia
sannadkii 1996.
Markaas ayaa madasha lagu
soo dhoweeyey qoraaga. Ugu horayna waxa uu Faarax Maxamud
Maxamed u mahad celiyey reer Minnesota soo dhoweyntii ay
gobolka kusoo dhoweeyeen iyo sida wanaagsan ee ay galabta
uga soo qayb galeen xaflada soo bandhigidda buuga uu qoray ee
"Xasuus Qor". Kaddib waxa uu xusay sababtii uu u doortay
masawirka buuga kaga sawiran jeldiga sare ee muujinaya
wiilka tabaalaysan in ay ahayd "si aynaan u ilaawin wixii
aynu isu geysaney".
Kaddib Faarax waxa uu guud
mar ku sameeyey buugga, waxana uu ka waramay sidii uu ku
qoray, iyo asagoo fikrad guud ka bixiyey buuga xambarsan
taariikhda Soomaaliya oo u qoran nimaan xiriirsan oo
taariikh kasta ay kugu si xireyso mid kale.
Qoraaga
buuga oo madasha ka hadlaya
Faarax waxa uu in yar
kaxusay taariikhda buuga ku qoran, tusaalayaashii uu
sooqaatay waxa kamid ah ahaa, Sheekh Xasan Barmase oo loogu
magac daray mid kamid ah dugsiyada Muqdisho. Waxaana buuga
ku qoran sidan: Maarso 1924: Sheekh Xasan Barsame oo
kamid ahaa hoggaamiyayashii dooxada Shabeelle ee gumeystihii
Talyaniga ka soo horjeedey ayaa shir isugu yeeray rag badan
oo wax garad ah, waxana uu kala hadlay jawaabtii uu ka celin
lahaa waraaq De Vecchi u soo diray - waraaqdaas oo uu ku
amrayey qabiiladii halkaasi deganaa inay hubka iska dhiibaan
isuna dhiibaan, daacadna u noqdaan maamulkiisa. Markii
shirkii la soo gabagabeeyey, Sheekh Xasan ayaa waraaqdii
jawaabta ahayd u qoray, waxana uu ku bilaabay sidan:
Bismillaahi Raxmani Raxiin - Waan helay waraaqdaadii, waana fahmey wixii ku qornaa, laakiin waxaan kuu sheegayaa in
aanan aqbali karin amarkaaga, dawladaadana aanan ka mid
noqon doonin. Dawladaadu waxay leedahay sharciyo u gaar ah -
anaguna waxan leenahay sharciyo noo gaar ah, mana dhici
karto in aanu aqbalo sharci aan kaayaga ahayn. Sharciyagu
waxa uu yahay mid ku salaysan sharciga Ilaahay iyo kan
rasuulka, lamana mid nihin dadka kale ee sharciyadiina
aqbalay, xataa dadkayaga ma jiraan wax Zaptie (ciidamadii
gumeysiga) is qoray. Hadaba haddii aad timaadid dhulkayaga
waan kula dagaalamaynyaa, waxaana kugula dagaalamaynaa wax
kasta oo suurto gal ah. Mida kale waxaan kuu sheegeynaa in
aan adduunkaan waxba ka harin, 58 sano oo keliya ayaa ka haray. Markaas waxaa noo fiican in aanu sharafta ku dhimano
anagoo dhulkayaga difaaceyna. (58-da sano marka uu leeyahay
sheekhu waxa uu xisaab sanayey taariikhda Hijriga oo ah iyo
shii waxa ay Soomaalidu u taqaan). April 1924 Sheekh Xasan
Barsame waxaa qabtay ciidankii De Vecchi. Waxaana la weriyey
in Sheekhu ku dhintay (ama lagu diley) xabsi Talyaanigu
lahaa oo magaalada Xamar ku yaalay.
Waxa kale oo uu qoraagu xusay taariikho
kale, balse akhristaha ayaan u daayey in uu buuga 'Xasuus Qor' ka raadiyo.
Kaddib waxaa loo gudbey
su'aalo ay dadweynihii xafladda ka soo qayb galay weydiiyeen
qoraaga iyo jawaabo uu ka bixiyey. Su'aashii dad badan ka
qoslisey waxay ahayd: "Faraxoow waxaa la sheegay inaad ku
dhalatay Degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, gobolkaasina
waa laba qaybood, marka adigu qaybtee tahay, ma Somaliland
mase Puntland?".... Waxana uu ku jawabey "anigu labada waan
ahay."
Ugu dambayntiina Faarax waxa
saxiixay buugagtii ay dadweynuhu iibsadeen.
Faarax
oo buugga 'Xasuus Qor' u saxiixaya C/Risaaq Lafoole iyo akhyaar kale
Sidaas ayey jawi wanaagsan
ugu dhammaatay xafladii ay reer Minnesota u dhigeen daah
furka buugga Xasuus Qor ee ku saabsan taariikhda Soomaaliya
1400-2000.
Dabcan Taariikhaha uu
buugani soo koobayo si aad uga bogatid waxaad dalban kartaa
bugga Xasuus qor, si aad u ogaatid meesha aad k adalban
kartid, waxaad Minneapolis kala xiriiri kartaa Seyid oo qabanqaabiyaashii soo bandhiga
buuga kamid ahaa waxaa lagala xiriiri karaa Email:
ajgashan@hotmail.com
ama la xiriir Siciid Faahiye: 612.338.5282.
Goobta
xaflada lagu qabaney waxaa buugaag badan kusoo bandhigay
shabakada Afgarad, waxaan buugagtaas laga heli karaa
afgarad.com
Joornaalada Soomaalidu qorto
oo goobta yaaleyna waxaa kamid ahaa: Nagaad Times (oo
lagu qoro Af-Soomaali & English) iyo African News Journal
(oo lagu qoro ENglish).
Qore: Maxamed Cali |
SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 28, 2005
Links:
http://www.xasuusqor.blogspot.com/
http://www.somaliatalk.com/2005/aug/xasuus.html
|