Barnaamijkii Radio Xoriyo
26 August. 2005
-
Midowga Yurub oo waxba
kama jiraan ka soo qaaday doorashadii Ogaadeenya.
-
Ciidammada Itoobiya
oo lagu eedeeyay dagaal beeleed ka dhacay xadka Ogadenya
iyo gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.
-
Madaxweynaha dalka
Yeman oo dalal carbeed ugu baaqay gacan siinta dawlada
Soomaaliya.
-
Wasiirrada
caafimaadka Afrika oo ku baaqay in qaaxada lala
dagaallamo.
-
Iyo Barnaamijkii
Aragtida Halgamaaga.
======================
Guddoomiyaha
kormeerayaasha Midowga Yurub u kormeerayay doorasho ku
sheegtii Itoobiya Ana Gomes ayaa si wayn u dhalecaysay
doorashadii itoobiya, waxayna sheegtay in qaabkii doorashada
loo agaasimay uu ahaa mid aan fiicnayn. Waxay kaloo
intaas ku dartay in la diiday in la baadho musuqmaasuqyo
cadcad oo doorashada lagu sameeyay oo xisbiyada mucaaradku
ay soo bandhigeen.
Kormeerayaasha Midowga Yurub waxay sheegeen in doorashadu
ayna buuxinin shuruudaha ugu hooseeya ee doorashooyinka u
yaalla, isla markaana ayna dhiirri gelin u noqon karin
dimuqraadiyad ka hirgesha dalka Itoobiya.
Guddoomiyaha kormeerayaasha Midowga Yurub Ana Gomes waxay si
gaar ah carrabka ugu dhufatay in doorasho ku sheegtii la
sheegay in laga hirgeliyay Ogaadeenya 21 Agoosto ayna ahayn
wax doorasho lagu sheegi karo. waxay sheegtay in
agaasinkeedu uu aad u liitay, khaladaad aad u badana ay ku
jireen, iyadoo waraaqaha doorashadana suuq madow lagu kala
iibsanayay.
Waxay
kaloo intaas ku dartay in dadku ayna ra'yigooda xor u ahayn,
isla markaana ayna xataa waraaqaha doorashada waxa ku qoran
akhriyi karin. Waxay sheegtay in waraaquhu ay afka amxaariga
ku qornaayeen, dadka soomaalida ahna ayna aqoon u lahayn
afkaas.
Arrintaas
ayaa waxay keentay in xukuumadda Itoobiya ay dhaleecayn u
soo jeediso kormeerayaasha Midowga Yurub.
Midowga Yurub ayaa isaguna dhinciisa difaacay guddoomiyaha
kooxda kormeerayaasha ah ee u ilaalaynayay doorashada
Itoobiya Ana Gomes oo warbaahinta xukuumiga ah ee Itoobiya
ku eedeeyeen inay xisbiyada mucaaradka u xagliso.
Bayaan uu Midowga Yurub soo
saaray ayuu sidoo kale ku difaacay xubin kale oo
kormeerayaashiisa ka tirsan, kaasoo isagana si gaar ah loo
dhalliilay.
Dhalliishan loo jeediyay
kormeerayaasha Midowga Yurub waxaa lagu soo qoray wargayska
afka xukuumadda ku hadla Ethiopian Herald iyo xarunta
warbaahineed ee xukuumaddu leedahay, kuwaasoo kormeerayaasha
Midowga Yurub ku eedeeyay inay xidhiidh dhaw la leeyihiin
madaxda xisbiyada mucaaradka ah.
Ana Gomes, oo ka tirsan
Baarlamaanka Yurub, ayaa si wayn u dhalliishay qaabkii
doorashadu u dhacday intii ay hawlaha doorashadu socdeen oo
dhan, halka xubinka kalana uu si wayn isugu dayay isu
keenidda madaxda xisbiyada mucaaradka ah iyo kuwa xisbiga
talada ku amar-ku-taagleeya ee EPRDF, si xal loogu helo
cabashooyinkii musuqmaasuqa ku saabsanaa ee mucaaradka ka
soo yeedhayay.
Midowga Yurub ayaa
bayaankiisan ku sheegay inuu aad ula yaabay eedaymaha lagu
soo qoray warbaahinta xukuumadda Itoobiya. Waxaa kaloo
bayaankan lagu sheegay in eedaymahaas ayna waxba ka jirin,
isla markaana ayna ahayn kuwa la aqbali karo.
Midowga Yurub oo hawlaha
kormeerka doorashada ka billaabay dalka Itoobiya bishii
Maarso, ayaa waxaa la filayaa inuu warbixin dhammaystiran ka
soo saaro doorashada Itoobiya bisha Sebtember.
Dhinaca kale kormeerayaal
caalami ah oo u warramay hay’adaha warbaahinta ayaa sheegay
in doorasho ku sheegtii Ogaadeenya laga hirgeliyay 21
Agoosto ay ahayd mid si wayn loo musuqmaasuqay, isla
markaana loogu talagalay inuu ku soo baxo oo kaliya xisbiga
bah-wadaagta la ah EPRDF.
Ciidammada Itoobiya oo lagu
eedeeyay dagaal beeleed ka dhacay xadka Ogadenya iyo gobolka
Hiiraan ee dalka Soomaaliya.
Dagaal beeleed ayaa
muddooyinkii denbe ka dhacayay xadka u dhexeeya Ogaadeenya
iyo gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya, kaasoo u dhexeeya
beelo deegaankaasi wada-dega. Dagaalkaas ayaa hadda si cad
loogu eedeeyay ciidammada gumaysiga Itoobiya ee deegaankaas
ku sugan.
Ciidammada Itoobiya waxay
matoorro beeraha lagu waraabin jiray ka qaadeen mid ka mid
ah beelaha deegaankaas wax ka dega, isla markaana ay
kaxaysteen dad deegaanka ka mid ah oo aan illaa iyo hadda la
garanaynin meel ay ku sugan yihiin.
Ciidammada Itoobiya ee
deegaankaas ka hawlgala ayaa si wayn faraha ugula jira
dagaal beeleedka deegaankaas ka socda, arrintaasoo la
sheegay inay sii hurinayso dagaalka beelaha iyo colaada u
dhexaysa.
Madaxweynaha dalka Yeman oo dalal
carbeed ugu baaqay gacan siinta dawlada Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Yeman Cali
Cabdalla Saalax ayaa la sheegayaa inuu wado olole ballaadhan
oo uu kaga dhaadhicinayo madax ka tirsan dalalka Carabta
inay garab istaagaan dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Saalax ayaa isku
dayaya sidii uu dowlado ka mid ah Carabta uga dhaadhicin
lahaa inay taageeraan dowlada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay
magaalada Jowhar, wuxuuna xidhiidho la sameeyay boqorrada
iyo madaxweynayaasha dalal laga carrabaabay Kuwait, Sacuudi
Careebiya, Suuriya iyo Masar, kuwaasoo uu ka codsaday inay
oggolaadaan booqasho uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf
dalalkooda ku tego.
Wararku waxay intaas ku
darayaan in dalalkaas intooda badani ay oggolaadeen codsiga
madaxweyne Cabdalla Saalax ee ku saabsan booqashada
madaxwaeyne C/llaahi Yuusuf.
Wasiirrada caafimaadka Afrika oo
ku baaqay in qaaxada lala dagaallamo.
Wasiirrada caafimaadka ee
dalalka Afrika ayaa kulan ku yeeshay dalka Musanbiig, si ay
uga doodaan cudurka qaaxad ee sida wayn ugu faafsan qaaradda
Afrika. Waxaa la filayaa in Ururka Caafimaadka Adduunka ee
WHO uu ku dhawaaqo hirgelinta hawlgal caafimaad oo degdeg ah
oo lagula tacaalo cudurka qaaxada.
Cudurka khatarta ah ee AIDS-ka
ayaa door wayn ka qaata sii faafidda cudurka qaaxada, oo
inta badan dadka ku dhaca marka ay ugu wax-soo-saar badan
yihiin, isla markaana maalin walba dila dad ay tiradoodu
dhan tahay 1500 oo qof oo ku dhaqan qaaradda Afrika.
Cudurka qaaxadu wuxuu ku sii
badanayaa dalalka qaaradda afrika ku yaalla iyo qaar ka mid
ah dalalka Yurubta Bari. Cudurka qaaxadu wuxuu Afrika ugu
batay iyadoo dadka xanbaarsan fayraska HIV-gu ay aad u
bateen iyo iyadoo waaxaha caafimaadku ayna si fiican u
shaqaynin.
Ururka Caafimaadka Adduunka ee
WHO ayaa doonaya inuu cudurka qaaxada ka dhigo arrimaha sida
aadka ah looga hadlo.
Radio
Xoriyo
26 August. 2005
C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha
7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Faafin: Aug 26, 2005
|