Aqoon-wadaagga
PEN:
Daryeelka
Afka hooyo iyo Dayactirka Hal-abuurka Qoran
Kulan-suugaaneed muhiim ah oo isugu dhafan aqoon-isweydaarsi
iyo suugaan-wadaag ayaa ka dhacay magaalada London
galabnimadii ilaa fiidkii Axadda 21 August 2005.
Kulan-weynahaas oo lagu qabtay gole lagu kulmo oo ku yaal
degaanka Euston, xuddunta magaalada London, waxaa soo qaban
qaabiyey Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Halabuurka
Af-Soomaaliga ku hadla, kana tirsan bahweynta caalamiga ah
ee PEN International. Kulankan waxaa ka soo qaybgalay
qorayaal, suxufiyiin, abwaanno suugaanley ah, fannaaniin,
aqoonyahanno, iyo dadweyne kale oo ah kuwa jecel
aqoon-kororsiga iyo halabuurka. Dadkaas badankoodu waxay ka
kala yimaadeen daafaha magaalada London, in kastoo ay ku
jireen aqoonyahanno reer Woqooyi Ameerika ah, sida Professor
Cabdi Ismaaciil Samatar, iyo qaar reer Sweden ah, sida
Maxamed Shiikh Xasan oo ka mid ahaa soo-bandhigayaashii
dood-cilmiyeedda.
Sidaan
xusnay, kulanku wuxuu isugu jirey laba qaybood oo is
buuxinaya labadubana hoos tagaan mowduuca guud ee
hal-ku-dhegga u ahaa kulan-weynaha, kaas oo ah “Daryeelka
Afka hooyo iyo Dayactirka Hal-abuurka Qoran”. Labada Qaybood
tan koowaad waxay ahayd aqoon-wadaag (panel discussion) ay
iba fureen saddexqoraa, ka dibna si xiisa leh uga qayb
qaateen dad badan oo rag iyo dumarba leh oo ka mid ah
goob-jooggii kulanka. Qaybta labaadna waxay ahayd
suugaan-wadaag, ama bandhig fan iyo suugaaneed oo ay
hoggaaminayeen fannaaniin waaweyn oo caan ah, kuwaas oo uu
hormuud u ahaa muusikyahanka weyn ee ka midka ah aabbayaasha
fanka casriga ah, Axmed Ismaaciil Xudeydi, oo kulanka soo
sharfay, iyo abwaanka ugu firfircoon mu’allifiinta reer
London, Cali Axmed Raabbi oo loo yaqaan Cali Seenyo, kana
mid ah hawl-wadeenka naadiga PEN. Waxaa iyana kulanka bilic
iyo xiisa-galin badan ku soo kordhisay hoobaladda caanka ah,
Faaduma Cali Cilmi oo ku magac dheer”Haldhaa”.
Kulanka
waxaa furay oo ugu horrayntiiba dadka ku soo dhaweeyey
Siciid Jaamac Xuseen, guddoomiye-ku-xigeenka Naadiga PEN oo
ah ururkii kulanka soo abaabulay, dadkana ku marti-qaaday.
Siciid Jaamac oo asagu mayalka u hayey hab-socodka
aqoon-wadaagga, wuxuu si kooban u iftiimiyey taxanaha
hawlgalka PEN ee ku aaddan “Daryeelka Afka hooyo iyo
Dayactirka Hal-abuurka Qoran”. Waa hawlgal soo taxnaa ilaa
iyo bilowgii sannadkan 2005, uuna qayb uun ka yahay
aqoon-wadaaggan dambe. Wuxuu kaloo Siciid carrabka ku
adkeeyey baahida loo qabo qoraal-galinta af-soomaaliga iyo
in loo hawl galo sidii carruurta qurbaha ku koraysa loogu
ababin lahaa afkii ay ka soo jeedeen.
Hab-socodka
kulanka iyo qaybaha uu ka koobnaan doono ayuu qeexay asagoo
si gaar ah u soo dhaweeyey, faallo koobanna ka bixiyey
saddexdii qoraa ee hawraarta u soo diyaariyey iba-furka
aqoon-wadaagga.
Soo-jeedintii ugu horreysey
wuxuu siciid ku soo dhaweeyey Maxamed Daahir Afrax,
Guddoomiyaha Naadiga PEN oo ugu horrayntii sii xoojiyey
soo-dhaweyntii ka-qaybgalayaasha, naaxnaaxin dheeraad ahna
ka bixiyey dhaqdhaqaaqa International PEN iyo Qorshaha
Somali PEN ee horumarinta hal-abuur ku qoran afka hooyo.
Wuxuu qeexay ujeeddoyinka iyo baahida keentay taxanaha
Aqoon-wadaagga PEN, wuxuuna ka warbixiyey magaalooyinkii
hore loogu qabtay isla sannadkaan, kuwaas oo ay ka mid
ahaayeen Muqdishu, Djibouti iyo Stockholm oo intaba ay ka
hawlgalaan laamaha kala duwan ee Naadiga PEN. Mar uu ka
hadlayey baahida khasabtay inuu PEN ololahaas u guntado
wuxuu iftiimin cad ka bixiyey sida uu afka Soomaaligu uga
mid yahay afafka dunida ee halista ugu jira dabargo’ iyo
saboolnimo halis ah. Wuxuu tix-raacay tira-koobyo ay soo
bandhigtay hay’adda UNESCO ee Qarammada Midoobay ololeheeda
ay kaga qayla-keentay halista ay ku jiraan in ka badan
saddex kun oo luqadood oo ka mid ah lixda kun ee af oo
maanta dunida ka jirta. Tira-koobka UNESCO wuxuu shaaca ka
qaaday bil kasta inay dhintaan laba af oo ka mid ah afafkii
jirey. Si uu af-Soomaaligu halistaas uga badbaado, Afrax
wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay gurmad saddex dhinac leh:
badbaadin, horumarin iyo abuuris dhaqan akhris iyo qoraal
hufan, dhaqan qaddariya buugga iyo qalinka.
Halkaas
ayuu soo-jeedintii labaad ka amba-qaaday Maxamed Shiikh
Xasan oo ah agaasimaha shirkadda Scansom ee saldhiggeedu
yahay dalka Sweden. Maxamed oo hormuud u ah buug-fidiyeenka
(publishers) Soomaalida qurbaha, qudhiisuna wax qora wax
badanna ururiyey, wuxuu ugu horrayntii ka war-bixiyey
waaya-aragnimadii uu ka soo maray dhawr iyo toban sano oo uu
u guntanaa ururinta, isku-dubbaridka, daabacaadda iyo
faafinta buugaagta ku qoran af-Soomaaliga, taas oo uu
sheegay inuu hayo in ka badan 100 buug, wax ay shirkaddiisu
daabacday iyo wax ay daabeceen dad kale iyo shirkado kale oo
yaryar oo teelteel ah. Maxamed wuxuu hoosta ka xarriiqay
dhibaatada ugu weyn ee hor taagan qorayaasha iyo
buug-fidiyeenkaba inay tahay dadkeenna oo aan caadaysan inay
buug iibsadaan, sida badanna isku daya inay bilaash ku
qaataan. Wuxuu sheegay xataa marka ay maktabaduhu u iibiyaan
inay waayaan cid ka soo doonata oo ka amaahata, ka dibna
aymaktabaduhu ka niya jabaan inaan iibshaan buugaag
af-Soomaali ku qoran.
Dhibaatooyinka garba-duubayaasha qorayaasha iyo kuwa wiiqaya
af-Soomaaliga waxaa asna si la taaban karo u sii kala
dhigdhigay soo-jeediyihii saddexaad oo ahaa Maxamed Baashe
X. Xasan. Asagoo ka hadlaya waaya-aragnimadii uu ka soo
arkay daabacaadda buug uu qoray oo lagu magacaabo “Hal ka
Haleel”, Maxamed Baashe wuxuu tilmaamay dhibaatooyinka
hortaagan buugaagta iyo aqoon-faafinta inay ka mid tahay
waxa uu ku magacaabay “qasaawa-seleka siyaasadeed” ama
kala-aamin-baxa iyo eegmada sumaysan ee wax kasta lagu
eegayo il siyaasad colaadeed. Buugga iyo qoraagiisaba waxaa
lagu takoorayaa ama sumcadda looga dilayaa siyaasad iyo
qabyaalad aanu shuqul ku lahayn, tiiyoo aan buuggiiba la
akhrin lana hubin waxa uu run ahaan xambaarsan yahay. “Wax
walba boog bugta oo siyaasadaysan baa laga uriyaa” ayuu ku
dhaliiltamay qoruhu.
Xagga
dhibaatooyinka haysta af-Soomaaliga, Baashe wuxuu hadalkiisa
ku furay
qoritaankii
far soomaalida iyo hirgelinteedu inay ahayd guusha ugu weyn
ee nus qarnigii u danbeeyey u soo hoyatey dadka af
soomaaliga ku hadla meel ay joonba. Wuxuuse
raaciyeyguushaasi inay maanta ku sugan tahay dayac iyo
jaha-wareer halis ah. Si wax loo badbaadiyo wuxuu soo
jeediyey talooyin ay ka mid yihiin:
1.
in la
raadiyo cid iyo meel lagaga hawl galo sii horumarinta iyo
kobcinta afka iyo farta soomaaliga iyo ka baaraan deg lagu
sameeyo qabya tirka meelaha daldalloolladu ka soo baxeen
xeerarkii guddidii afsoomaaligu dejiyeen. Tusaale ahaan waa
lama huraan in la abuuro guddi ehel u ah, aqoonna u leh
cilmiga afafka, kana soo kala jeedda gobollada iyo
degaannada afsomaaliga laga hadlo
2.
in la
dhiirri geliyo abuuritaanka iyo kobcinta madbacadaha, rugaha
kutubta ee maktabadaha iyo rugaha biic gelinta iyo iibinta
buugaagta
3.
in qalinka
iyo qoraalka lagu ekeeyo soohdinta xeerarka la isla oggol
yahay ee la isla qaatay, wixii cusubna la ururiyo oo lala
sugo inta loo helayo meel lagu kala shaandheeyo
4.
in la
dhiirri geliyo dhaqanka ereyga qoran oo la qaato, lana
quudho in la iibsado buugaagta aan badnayn ee ilaa iminka la
qoray ee suuqa ku baali garoobaya, taas oo dhiirri gelin u
ah qoraaga, faa’iidana u ah akhristayaasha, waayo laguma
khasaaro wax akhriska.
Fannaanka
ruug-caddaaga ah, Axmed Ismaaciil Xudeydi ayaa asna soo
jeediyey hadal kooban oo murti ah, wuxuuna si gaar ah
carrabka ugu adkeeyey in dadaal dheeraad ah la sameeyo si
carruurta qurbaha ku koraysa looga badbaadiyo inay ka
irdhoobaan afkii ay u dhasheen iyo dhaqankii ay ka soo
jeedeen.
Isla
qodobkaas waxaa hoosta ka xarriiqay ama aad ugu
nuuxnuuxsaday dad badan oo ka qayb qaatay dood-wadaagga.
Tusaale ahaan, Cawo cabdi oo ugu horraysey waxay si gaar ah
kulanka ugu baraarujisay baahida loo qabo in kulannada
noocaan ah si buuxda looga soo qayb galiyo carruurta iyo
hooyooyinka, waayo iyaga ayaa ah saldhigga daryeelka afka
hooyo. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka mid ahaa
marti-sharafta, eray xiisa leh oo uu soo jeediyey wuxuu si
gaar ah carrabka ugu adkeeyey baahida loo qabo dadka in la
baro inay iibsadaan buugaagta iyo aqoon-sidayaasha kale (sida
wargeysyada) sida ay u iibsadaan badeecado ka qiima hooseeya.
Asagoo la doodayey dad soo jeediyey in buugaagta dadka
lacagla’aan lagu siiyo wuxuu ku adkaystay dad kalena ku
raaceen inaan weligeed hore loo marayn haddii dadka la baro
in afka wax loogu guro.
Dood-wadaaggas maskax-diiriska lahaa ka dib, waxaa loo
gudbay qaybtii labaad ee fanka iyo suugaanta. Waxaa lagu
nastay si weynna loogu diirsaday heeso uu bilayey kabankii
caanka ahaa ee macallin xudeydi iyo maansooyin ay ku
dhafnaayeen murti iyo maad. Heesaha murtida leh iyo muusigga
ku laran waxaa hoggaaminayey macallin Xudeydi, waxaana
xiddig ka ahayd oo habeenkaas kulanka ka dhex nuuraysey
Hoobaladda weyn ee caanka ah Faadumo cali “Haldhaa”, sidaan
horeba u sheegnay.
Dhanka
maansada iyo maadaynta horyaalkoodu wuxuu ahaa Cali Seenyo
iyo Cabdullaahi Bootaan oo ka mid ah hormuudka
maansayahannada da’da yar ee sida weyn uga dhex caan-baxay
bulshaweynta Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska. Waxaa kaloo
si weyn loo jeclaystay maansooyin iyo murti ay soo jeediyeen
Khaliif Ashkir Diini, Rooble Maxamed “Quruurux” iyo Xuseen
Asad oo dood-wadaaggana qayb libaax ka qaatay.
Kulankani
wuxuu noqday mid ay si aad u weyn u jeclaysteen dadkii ka
qayb galay kuna taliyeen in la sii wado oo mustaqbalka la
badiyo kulannada noocaan ah. Dhanka kale, madaxda Naadiga
PEN waxay si weyn ugu mahad celiyeen guud ahaan ka-soo-qaybgalayaasha,
gaar ahaanna dadkii sida gaarka ah gacanta u siiyey, kuwaas
oo ay ugu horreeyeen Macallin Xudeydi iyo Faadumo Haldhaa oo
ku tabarrucay inay fankooda ku bilaan kulanka, iyagoo lacag
ay weydiistaan iska daaye xataa gaadiidkooda iyagu iska soo
bixiyey. Waxaa asna bogaadin weyn mutaystay abwaan Cali
Axmed “Cali-seenyo” oo asagu labadan fannaan kulanka
warkiisa gaarsiiyey kuna soo casumay. Sidoo kale Maxamed
Cali Diirshe oo golaha shirka diyaariyey iyo Maxamed Cabdi
“Joornaal” oo gacan weyn ka geystey xagga farsamada
marti-galinta.
Maxamed Baashe X.
Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2005
|