SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAAHIRA

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira 

SomaliTalk.com | Qaahira

Waxaa magaalada Qaahira ka dhacday, xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen Aqoon-yahanada, Ardayda, iyo qaybo ka mid ah jaalliyadda Soomaalida ee Masar ku nool iyo Marti sharaf kale oo fara badan.

Xafladaas ayaa waxaa looga doodayay buuga master ah. Oo uu qoray C/Nuur Faarax Cali (Taano) oo wax ku barta magaalda Qaahira. Wuxuu darajada Master-ka ka qaadanayey  Jaamacada AMERICAN OPEN UNIVERSITY, Laanteeda Qaahira, Kulliyada shareecada Islaamka, qaybta dhaqaalaha islaamka.


Qoraaga (C/Nuur Faarax Cali) o o soo gudbinaya Thesiska (buuga qalin jebinta)

 Waxaa qiimaynta buuga iyo doodda  ka qayb qaatay sadex Profisor oo macallimiin ka ah jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, kuwaasoo kala ahaa:

Prof. Diyaab Saliim Maxamed oo ah madaxa qaybta Usuulul Fiqiga ee Kuliyadda Shareecada iyo qaanuunka, oo asagu ahaa Mushrifkii Risaalada

Prof. Maxamed C/Sataar Al-jibaali oo ah madaxa qaybta Fiqiga ee Kulliyadda shareecada iyo qaanuunka.

Prof. C/Mudalib C/risaaq Xamdaan oo ah Pofisor wax ka dhiga kuliyadda Shareecada iyo Qanuunka ee Azhar. 


Saddexda Profesor ee dood ka qayb qaatay

Profisoorada ayaa aad ugu bogaadiyay qoraaga buuga dadaalka dheer ee uu bixiyay, iyo sida cilmiyaysan ee uu usoo diyaariyay Risaalada ( Buug uu ku qaatay Master-ka)

Dooda buuga ayaa socotay mudo ku dhow 3 saacadood, ugu horeyn waxaa la dhagaystay Ardayga isagoo fikrad guud ka bixiyey buugga uu qoray uuna uga hadlayey qaybo kamid ah heshiis-yada ganacisga, gaar-ahaan heshiis-yada wax kala iibsiga, sidoo kale wuxuu faah-faahinayaa dhamaan wixii dhaqanka dhaqaale ku saabsan. Waana cilmi baaris aan laga maarmin.

Intaas kadib ayey codsadeen gudigu inay shir gaar ah qaataan si ay go’aan uga gaaraan qiimaynta Buugga. Muudo gaaban kadib ayaa la’isugu soo laabtay goobtii munaaqashadu ka dhacday si loo dhagaysto go’aanka guddiga,.

Guddigii waxay ku dhawaaqeen go’aan-kooda ayagoo sheegay in C/Nuur Faarax Cali uu istahilo Shahaadada Masterka isagoo ku qadanaya Darajada Mumtaaz,  oo ah darajada ugu saraysa ee lagu bixiyo shahaadada Masterka.


Dadweynaha xaflada kasoo qayb galay:::

Waxaa goobtii oo dhan hareeyay sacab, farax iyo damaashaad kadib markii lagu dhawaaqay natiijadii, taasoo ka farxisay Ardaygii darajada qaatay iyo marti sharaftii ka soo qayb-gashay oo dhan.

C/Nuur Faarax Cali wuxuu shahaadadii Jaamacadda ku soo qaatay dalka Suuriya, isagoo kasoo qalin-jabiyey kuliyada Sharecada ee Dimshaq, hadana wuxuu Qaahira ka dhiganayey laba Jamacadood oo labadaba uu ka qadanayey Shahaadada Master-ka, hada wuxuu qaatay midii koowaad, dhawaanna waxa uu gudbin-doonaa Buugii kale ee uu ku qaadan-lahaa Master-kiisa labaad.

Hadaanu nahay Bahda Somalitalk waxaan u hanbalyeyneynaa C/Nuur Faarax Cali anagoo rajayna in aqoontiisaas ay qayb ka noqon doonto kobcinta maskaxda bulshada Soomaaliyeed.

Haddii aad jeceshahay inaad tahinayad u dirto, waxaad ugu hagaajin-kartaa cinwaan-kiisan oo ah  cabdi2067@hotmail.com ama caabid22@yahoo.com



Dadweynaha ka soo qayb galay xaflada qalin jebinta

Somalitalk Qaahira.

Faafin: Aug 25, 2005


 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD