- Xuseen
Caydiid “Waxaan saddex sanno idin kaga maqnaa sidii aan
uga takhalusi lahaa Cabdi Qaasim Salaad Xasan”
- Khamri aad
u fara badan oo laga keenay Dalka Itoobiya oo saakay
lagu gubay Fagaaraha Tarabuunka
- Xildhibaan
Max’ed Xuseen “Ciidamada Itoobiya Xasuuq ayay ka
geysteen deegtaanka Feer-Feer”…
- Isbahaysiga
Xoriyadda ra’yiga oo saakay lagu dhawaaqay
Xuseen
Caydiid “Waxaan saddex sanno idin kaga maqnaa sidii aan
uga takhalusi lahaa Cabdi Qaasim Salaad Xasan”
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Xuseen
Maxamed Ceydiid oo ah Ra’iisu Wasaare ku xigeen ka ah
Dowladda Federaalka , ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa
shalay Hotel-ka Saxafi kulan gaar ah la yeeshay
Siyaasiyiin, waxgarad, Culima’udiin, Nabadoono,
dhalinyaro iyo Haween ka tirsan Beesha Sacad ee uu ka
dhashay, wuxuuna kulankaasi ahaa mid uu Beesha si gaar
ah uga warbixinayay muddadii sadexda sano aheyd oo uu
Qurbo jooga ahaa, wuxuuna sheegay in mudadaas uu u
maqnaa sidii uu uga takhalusilahaa ama uu jagada uga
tuuri lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim
Salaad Xasan.
Xuseen Caydiid
| Sawirka: Reuters |
“Kooxda
Carta ee C/qaasim hor kacayay waxay igu soo qaadeen
saddex weerar, waxayna iga dileen 37-ruux oo isugu jiray
ilaaladeyda iyo taageerayaasheyda, arrintaasna waxaan
hor dhigay UN-ka ama Qaramada Midoobay, waana iga iga
aqbaleen Iin ay wax igala qabanayaan ” ayuu yiri Xuseen
Ceydiid oo intaas sii raaciyay “Waxaan Muqdisho uga
maqnaa markii aan u adkeysan waayay dilalkii iyo
weeraradii lagu hayay taageerayaasheyda”.
Xuseen oo
ay ka muuqatay qiiro uu ku soo jiidanayo Beeshiisa ayaa
waxa uu sheegay in aakhiritaankii uu ku guuleystay in uu
rido Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, waxaana markiiba
u dhacay sacab iyo mashxarad, hase ahaatee waxaa isla
goobtii fadhiga arrintaas kaga carooday qaar ka mid ah
xubnihii kulankaas ka qeyb galay oo iyagu dibada uga
baxay fadhigii.
Xuseen
Ceydiid mar uu Beesha kala hadlayay arrimaha Isbaaradda
waxa uu yiri “Illaa dhallinyarada isbaarrooyinkaa jooga
shaqo loo yeelo Isbaarrooyin lama qaadi karo, mana aha
in waqtigan la yiraahdo Isbaarro ayaa la qaadayaa, waayo
maa la qaado kuwa teedsan Afgooye illaa Kismaayo”.
Xuseen mar uu ka hadlayay dagaallada u dhexeeya Beelaha
Sacad iyo Suleymaan waxa uu sheegay in uu aad uga xun
yahay dagaalladasi, balse lacago ay soo direen jaaliyada
beesha ee dibadaha ay musuqmaasuqeen ama lunsadeen qaar
ka ah siyaasiyiinta beesha, balse ma carrabaabin
raggaasi, balse wuxuu ku gaabsaday “Maanta ayay nala
fadhiyaan ragaas” isagoo sheegay in lacagahaas ay
ahaayeen kuwo ay beeshu is ku difaacaysey.
Waxa kale
uu ka Hadley arrimaha maxkamadaha islaamiga maadaama ay
dhawaan beesha sameysatey Maxakamad Islaami ah oo lagu
magacaabo Al furqaan wuxuu yiri “waxay doonayaan in ay
caalamka nagu soo jeediyaan” .
Arrimaha
Siyaasadda mar uu ka hadlayay waxa uu Xuseen sheegay in
uusan jirin wax la yiraahdo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka
1-aad, 2-aad iyo 3-aad, hase yeeshee uu isagu yahay
ninka ku xiga Prof. Cali Maxamed Geeddi sida uu sheegay,
waxaana uu caddeeyey in uu u qaabilsan yahay dhinaca
Siyaasadda, waxaana warkaan ka soo xiganay xubno ka
tirsan beesha Sacad oo kulankaas ka qeyb galay oo diiday
in magacooda la xuso.
Madaxweyne
C/qaasim Salaad Xasan intii uu talada hayay waxa uu ahaa
nin si aada ah uga soo horjeeday in dowladdiisu ay wax
dagaal ah la kulanto, isagoo baajiyey dagaallo dad fara
badan ay ku dhiman lahaayeen oo ka dhici lahaa Muqdisho
iyo gobollada kale ee dalka.
Khamri aad
u fara badan oo laga keenay Dalka Itoobiya oo saakay
lagu gubay Fagaaraha Tarabuunka
Saakay
Subaxnimadii waxaa fagaaraha Tarbuunka isugu soo baxay
dadweyne aad u fara badan oo doonayay in ay daawadaan
qaabka loo gubayo ama loo bur-burinayo xashiish iyo
Khamri fara badan oo laga keenay dalka Itoobiya, kaddib
markii dhowaan howlgal ay sameeyeen Maxkamadaha
Islaamiga ah ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo
dhigaan Khamrigaasi, xashiishkaasi iyo dadkii ka
ganacsanayay.
Markii la
gubay Khamriga iyo Xashiishka ayaa dadweynihii
daawanayay ay qaadday farxad iyo reyn-reyn, iyagoo ku
dhawaaqayay ereyo ay ka mid ahaayeen “ALLAAHU akbar..”,
“Itoobiya waxay dooneysaa in ay dhinac walba naga
baabi’iso…iwm”.
Xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa
Guddoomiyaha Midowga Maxaaakiimta Dr. Sh. Shariif oo
sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in
Maxkamadaha Islaamiga gacan ku siiyaan sidii loo soo
qaban lahaa kooxaha caadeystay in ay ka ganacsadaan ama
cabaana maandooriyeyaasha, sidoo kale waxa uu soo
jeediyey in ay dowladdu gacan ku siiso dhinaca
nabadgelyada.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Ibraahim Cumar Sabriye
Shaaweey oo sheegay in Maxkamadaha Islaamigu ay qabteen
waxyaabo fara badan, loogana baahan yahay in Bulshadu ay
gacan siiyaan.
“Itoobiya waxay dooneysaa in markii ay dhinac walba
nagala dagaallantay ay haatan dooneyso in caqligana ay
nagala dagaallanto” ayuu yiri Shaaweey, sidoo kale
dadkii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sh. Nuur
Baaruud oo sheegay in waxyaabaha daroogooyinku ay yihiin
kuwa bulshada baabi’iya, kana dhiga kuwo aan jirin.
Khamrigii saakay halkaasi lagu gubay ayaa waxaa ka
muuqatay calaamadaha dalka Itoobiya iyo in lagu sameeyey
Magaallada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Xildhibaan
Max’ed Xuseen “Ciidamada Itoobiya Xasuuq ayay ka
geysteen deegtaanka Feer-Feer”…
11 Ruux ayey ku dileen
Ciidamada Itoobiya,350 Aqal Soomaalina way gubeen, tiro
Geel, Lo’,Ari iyo Dameerona way ku layeen, waxay keloo
buburiyeen Baraag lagu magcaabo Maxamuud Gacal oo ku
tiilay meel 30 km u jirta Magaalada Baladweyne dhinaca
Woqooyi Galbeed ee deegaanka Qodaxleey oo u dhow Xuduuda
Soomaali iyo Itoobiya sida uu ii sheegay Xildhibaan
Maxamed Xuseen Raage oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan
kadib markii ay khadka taleefoonka kuwada xiriireen
Xildhibaanka iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Aadan
Garaaso.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage oo hadalka sii wata ayaa
sheegay in aan la garanaynin sababta dhabta ah ee ka
dambeysa oo ay ugu kaceen falkaas foosha xun Ciidamada
Itoobiya, balse waxay ka mid tahay buu yiri ”Daan daansi
dhulbalaarsi ah oo ay doonayso in ay ka fuliso Dowlada
Itoobiya gudaha Soomaaliya ayey ka mid tahay oo ay ka
waday mudooyinkii 15 Sano ee Dowlad la’aanta ay ka
jirtay Soomaaliya”.
Xildhibaanku wuxuu kaloo sheegay in Dowlada Itoobiya ay
ka mid tahay Dowladaha IGAD ee soo dhisay Dowladii FKMG
ee Soomaaliya,taasoo weli si rasmi ah u shaqeynin in
Itoobiya ay fara gelin ku soo sameyso Soomaaliya iyadoon
jirin Dowlad ku soo duushay ama uusan weli dhex marin
muran xaga xuduudda ah ayaa waxaa nasiib daro ah in ay
gudaha Soomaaliya ku layso Dadd rayid ah oo xoolo
dhaqato ah.
Xildhibaan Raage waxaa uu ku nuux nuuxsaday ha ogaato
Itoobiya in Shacabka Soomaaliyeed uu is Difaacidoono
goor ay ahaataba,waxaan Qaramada midoobay, Beesha
Caalamka,Ururada Caalamiga ah,kuwa Dowliga ah iyo kuwa
aan Dowliga ahayn iyo Ururada u Dooda Xuquuqda Aadanaha
u sheegaynaa in ay wax ka qabtaan faragelinta ay ku
hayso Dowlada Itoobiya gudaha Soomaaliya.
Isbahaysiga
Xoriyadda ra’yiga oo saakay lagu dhawaaqay
Waxaa saakey la doortay
11 xubnood oo noqon doona guddga fulinta ee isbahaysiga
xoriyadda ra’yiga waxaana doorashadaan ay ka dhacday
Hotel Saxafi oo ay ka qaybgaleen dhamaan qaybaha kala
duwan ee bulshada iyo bahada saxaafadda, waxaana shir
gudoominayay kulankasi C/daahir Diiriye iyadoo maalintii
shalay ahayd la isku raacay dastuurka iyo axdiga uu
yeelanaayo isbahaysigaasi.
Ugu dambeyntii waxaa la
doortay 11 xubnood oo lix ay ka imaaneysay bulshada
rayidka ah shantana ay ka imaaneysay saxaafadda, shanta
saxaafad-una waxay kala yihiin Xasan Maxamuud Axmed (Xasan
Fanax) oo matalayay wargeysyada, Axmed C/salaan oo ka
socday Idaacadaha, C/maalik Yuusuf Maxamuud oo ka socday
Web-Site-yada iyo labo gabdhood oo iyana ka socday bahda
ururada suxufiyiinta ee haweenka kuwaas oo kala ah Raxmo
Isaaq iyo Zamsam C/llaahi.
Ururada bulshada
rayidka ah waxay kala yihiin Max’ed Nuur Gacal iyo C/nuur
Xaaji Max’ed oo ka socday bahda waxbarashada, Nuurto
Shiikh Max’ed oo ka socotay Hay’adda COCWO, Sahro Cumar
Maalin oo ka socotay hay’adda INXA, Max’ed Muxiyadiin
Shaatax oo ka socday hay’adda SOYDAN iyo Aamino Xaaji
Cilmi oo ka socday SSWC
====
Warbixin Loogu magacdarey Xoriyada Caalamka Carbeed oo
laga soo saarey Wadanka Jordan Maalinimadii Shaley ayaa
daaha looga qaadey in ay jirto dhibaatooyin ba’an oo
xaga Nolasha iyo Ra’iyiga.
Warbixintan oo ay diyaarisay Hay’ad lagu magacaabo
Horumarinta Carabta oo fadhigeedu yahay Dalka Jordan
ayaa waxaa lagu sheegay in 15 Wadan oo dhamaatood ah
Dalal Carbeed ay ka jirto xaalado nolasha iyo fikirka,
waxaana si gaar ah loogu soo qaatey Dalka Soomaaliya oo
la sheegay in wixii ka dambeeyey sanadkii 1991-kii ay
Dadka Soomaaliyeed 12% ay ku nool yihiin xaalad qalafsan
oo aad u hooseysa.
Hay’addu warbixinteeda ay diyaarisay meelaha ay kaga
hadashey Soomaaliya waxaa farta lagu fiiqey in
Soomaaliya Haweenka intooda badan inaysan waxna qorin
waxna aqrin Karin, waxayna Warbixintu intaasi raacisay
in Haweenka Soomaaliyeed ay la kulmaan Ficilo ay ka mid
yihiin Dil, Kufsi iyo Dhac, gaar ahaan kuwa ku jira
Xeryaha Qaxootiga ee Wadamada Dariska la ah Soomaaliya.
Sidoo kale Warbixinta waxay sheegaysaa in Caruurta Da’da
yare e Soomaaliyeed ay la tiicayaan Xanuuno badan oo ay
ka mid tahay TB-da iyo waliba xaalado nafaqo dari ah,
tiiyoo ay u sii dheertahay Waxbarasho la’aan iyo mugdi
soo wajahi kara nolashooda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Faafin:
Aug 25, 2005
Khayraadka
Puntland oo Loo Iibsanayo Si Qarsoodi ah
Wararka ka imanaya gobolada hadda
loo yaqaan Puntland ayaa tibaaxay in uu jiro heshiis dhigaya in gebi
ahaanba khayraadka Puntland ay...
Guji....
Aug 25
Dr. Ghanim
Alnajjar oo Kusii Jeeda Soomaaliya
Ergayga madaxa bannaan ee Qaramada
midoobey u qaabilsan arimaah xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa..
Guji..
Aug 25
Safarka Madaxweynaha
DFKMG iyo Warbaahinta Carabta:::
- Madaxweynaha
Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed waxa uu booqasho ku
joogaa dalka Sacuudiga, isaga oo martiqaad ka helay
Boqorka Sacuudiga Boqor C/Laahi Bin C/Casiis.
Shalay ayuu Boqorku
qasrigiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya iyo
wafdigii uu hogaminayey. Sida ay faafisay wakaalada
wararka Sacuudiga waxay labada Hogaamiye ka wada hadleen
xaaladaha dunida iyo tan gobolka, sidoo kale waxay isku
soo qaadeen xiriirka labada dal, iyo sidii loo sii
kobcin-lahaa, korna loogu sii qaadi-lahaa.
isha:
http://www.alriyadh.com/
Dhinaca Boqortoodaya
Sacuudiga waxaa fadhiga kala qayb-galay Waliyul-Cahdiga
Sacuudiga Amiir Suldaan Bin C/Casiis, lataliyaha Boqorka
Amiir C/Casiis Bin Cabdalla, iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa fadhigaas ku wehliyey R/Wasaare
kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Saalim Caliyo
Ibrow. Wasiir Arimahada Dibadda C/Laahi Sh. Ismaaciil.
Safiirka Soomaaliyaa ee Sacuudiga iyo martif shafar
kale.
Dhamaan warbaahinta
Sacuudigu ma’aysan sheegin in arimaha Soomaaliya sihoose
la’iskula soo qaaday, kaliya waxay tilmaameen in
xaaladaha guud ee caalamka la’iska waraystay.
Somalitalk | Aug 24,
2005
C/laahi
Yuusuf oo la kulmay Boqorka Sacudiga
»Ra'iisul
wasaaraha DFKMG oo u dhoofay Talyaaniga...
»Xuseen
Caydiid: Haloo tanaasulo xubnaha jooga Jawhar
»Qanyare:
Waa caddaalad darro hadalka kasoo yeeray xusen
Warka oo dhan ka akheri halkan...
Maxkamadaha
Islaamiga ah oo la wareegay isgoyska Lambar Afar
»Soo
laabashadii Barre Hiiraale Kismaayo oo sababay iska...
»Wajigii
kowaad ee tadobadka xorriyada Hadalka oo la soo...
»Waxgarad
iyo aqoon-yahano ka tirsan Beesha Tunni oo..
»Guddi
qabanqaabo oo loo magacaabay shirweynaha SNU..
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Aug 23
Jaaliyadda Sweden oo deeq soo
gaarsiiyey Deeqa Maxamed Muuse
Jaaliyadda
soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Isweden ayaa dhawaan deeq lacageed
soo gaarsiisay gabar soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho
laguna magacaabo Deeqo Max’ed
Guji Aug 22
Ma u socotaa Cumarada Sannadkan:::
August, September iyo October ... GUJI HALKAN....
Sucuudiga oo Ballaarinaya Masjidka Nebi
Muxamed (scw)
Boqor Cabdullaahi Bin CabdulCasiis ayaa
lacag dhan 1.25 billion oo dollar u qoondeeyey in lagu ballaariyo
dhismaha...
Guji..
Saraakiil
Soomaaliyeed oo siminaar uu uga Furmay Kampala
»Kismaayo:
Barre Hiiraale oo kasoo laabtay Ceelwaaaq...
»Shariif
Xasan: Haloo yeero Hogaamiyayaasha Muqdisho
»Bosaso:
Cadde Muuse oo kasoo laabtay Jarmalka
»Qardho:
Warbixin Shirkii nabadda ee kasocdey Qardho...
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Madaxweynaha
DFKMG oo ku Dhawaaqay in uusan Xoog wax ku maquunin Doonin
Madexweynaha
Dawlada FKG-ah C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa wacad ku maray in xal mooyee
aan xoog hubka looga dhigi doonin Maleeshooyinka hubeysan ee jooga
gudaha Wadanka Soomaaliya...
Guji... Aug 21
Xafladii
Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Dhigay Dhallinyarada
Minneapolis: Xaflad lagu soo
gabagabaynayey Mashruucii Xagaaga ee loogu talagay in dhallinyarada
aqoontooda diineed kor loogu qaado ayaa xalay lagu qabtay...
Guji...
Aug 21