Saraakiil
booliis Soomaaliyeed oo weli uu tababar uu uga socdo
dalka Ugandha.
Canab Mumtaz| Somalitalk|kampala.| Aug 24, 2005
cmmumtaz@somalitalk.com
Dalka ugandha waxaa wali ka socda siminaar uu furay
todobaadkan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
Mudane Cali Maxamad Madoobe waxaana ka qayb galaya
saraakiisha ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo aqoon
kororsi ah dhinaca booliiska ay siinayaan saraakiisha
Ciidamada Booliiska dalka ugandha.
Tababarkan oo socon doona ilaa bisha dambe bilowgeeda
ayaa waxaa si rasmi ah u furay taliyaha Ciidanka
Booliiska Soomaaliyeed,oo sheegay in ujeedada
siminaarkan ay tahay aqoon kororsi ay ka dalbadeen
dowladda ugandha in ay siiso saraasha Soomaaliyeed oo ka
wada yimid dhamaan gobolada dalka Soomaaliya oo dhan si
ay iyagana gacan xoogan uga gaystaan sidii dhalinyarada
Hubaysan u siin lahaayeen tababaro.
Inta uu socdo tababarkan waxaa dhinaca dhaqaalaha ka
caawinaya Hay'adda UNDP iyo Hay;addo kale oo caalami ah
sida uu sheegay taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
Cali Maxamad,saraakiisha Soomaaliyeed ayaa dhinacooda
soo dhaweeyay siminaarkan iyagoo sheegay in uu yahay mid
wax badan ay ka kororsan doonaan inta uu socdo.
Saraakiisha Soomaaliyeed waxa ay ku labisnaayeen dharka
lagu yaqaano ciidamada Booliiska Soomaaliya,waxaana ka
dhex muuqda Taliyaha Ciidanka Booliiska Mr.Ali Madoobe
waxaana ayna saraakiishan waqtigooda u hurayaan dalkooda
in ay ku soo dabaalaan amni iyagoo ka caawin doona
Dowladda Soomaaliyeed dhinaca Nabad sugidda.
Mumtaz | Kampla | Aug 24, 2005
Safarka Madaxweynaha
DFKMG iyo Warbaahinta Carabta:::
- Madaxweynaha
Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed waxa uu booqasho ku
joogaa dalka Sacuudiga, isaga oo martiqaad ka helay
Boqorka Sacuudiga Boqor C/Laahi Bin C/Casiis.
Shalay ayuu Boqorku
qasrigiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya iyo
wafdigii uu hogaminayey. Sida ay faafisay wakaalada
wararka Sacuudiga waxay labada Hogaamiye ka wada hadleen
xaaladaha dunida iyo tan gobolka, sidoo kale waxay isku
soo qaadeen xiriirka labada dal, iyo sidii loo sii
kobcin-lahaa, korna loogu sii qaadi-lahaa.
isha:
http://www.alriyadh.com/
Dhinaca Boqortoodaya
Sacuudiga waxaa fadhiga kala qayb-galay Waliyul-Cahdiga
Sacuudiga Amiir Suldaan Bin C/Casiis, lataliyaha Boqorka
Amiir C/Casiis Bin Cabdalla, iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa fadhigaas ku wehliyey R/Wasaare
kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Saalim Caliyo
Ibrow. Wasiir Arimahada Dibadda C/Laahi Sh. Ismaaciil.
Safiirka Soomaaliyaa ee Sacuudiga iyo martif shafar
kale.
Dhamaan warbaahinta
Sacuudigu ma’aysan sheegin in arimaha Soomaaliya sihoose
la’iskula soo qaaday, kaliya waxay tilmaameen in
xaaladaha guud ee caalamka la’iska waraystay.
Somalitalk | Aug 24,
2005
C/laahi
Yuusuf oo la kulmay Boqorka Sacudiga
»Ra'iisul
wasaaraha DFKMG oo u dhoofay Talyaaniga...
»Xuseen
Caydiid: Haloo tanaasulo xubnaha jooga Jawhar
»Qanyare:
Waa caddaalad darro hadalka kasoo yeeray xusen
Warka oo dhan ka akheri halkan...
Maxkamadaha
Islaamiga ah oo la wareegay isgoyska Lambar Afar
»Soo
laabashadii Barre Hiiraale Kismaayo oo sababay iska...
»Wajigii
kowaad ee tadobadka xorriyada Hadalka oo la soo...
»Waxgarad
iyo aqoon-yahano ka tirsan Beesha Tunni oo..
»Guddi
qabanqaabo oo loo magacaabay shirweynaha SNU..
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Aug 23
Jaaliyadda Sweden oo deeq soo
gaarsiiyey Deeqa Maxamed Muuse
Jaaliyadda
soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Isweden ayaa dhawaan deeq lacageed
soo gaarsiisay gabar soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho
laguna magacaabo Deeqo Max’ed
Guji Aug 22
Ma u socotaa Cumarada Sannadkan:::
August, September iyo October ... GUJI HALKAN....
Sucuudiga oo Ballaarinaya Masjidka Nebi
Muxamed (scw)
Boqor Cabdullaahi Bin CabdulCasiis ayaa
lacag dhan 1.25 billion oo dollar u qoondeeyey in lagu ballaariyo
dhismaha...
Guji..
Saraakiil
Soomaaliyeed oo siminaar uu uga Furmay Kampala
»Kismaayo:
Barre Hiiraale oo kasoo laabtay Ceelwaaaq...
»Shariif
Xasan: Haloo yeero Hogaamiyayaasha Muqdisho
»Bosaso:
Cadde Muuse oo kasoo laabtay Jarmalka
»Qardho:
Warbixin Shirkii nabadda ee kasocdey Qardho...
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Madaxweynaha
DFKMG oo ku Dhawaaqay in uusan Xoog wax ku maquunin Doonin
Madexweynaha
Dawlada FKG-ah C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa wacad ku maray in xal mooyee
aan xoog hubka looga dhigi doonin Maleeshooyinka hubeysan ee jooga
gudaha Wadanka Soomaaliya...
Guji... Aug 21
Xafladii
Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Dhigay Dhallinyarada
Minneapolis: Xaflad lagu soo
gabagabaynayey Mashruucii Xagaaga ee loogu talagay in dhallinyarada
aqoontooda diineed kor loogu qaado ayaa xalay lagu qabtay...
Guji...
Aug 21