SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Beesha Cayr oo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf gudoon siisey Gaari aan Xabaddu karin

  • Beelaha Xawaadle iyo reer Aw Xasan oo ku dagaalamaya deegaano ka tirsan ..

  • Cabdulaahi " Sacuudiga waxaan ka dooneyna heshiis la mid kii lubnaan ee...

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Beesha Cayr oo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf gudoon siisey Gaari aan Xabaddu karin

Intii uusan Madadxweyne Cabdulaahi Yuusuf ka bixin Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe waxaa uu kulan balaran la qaatey waxagarrad , siyaasiyiin, aqoonyahano ,nabadoono iyo haween ka tirsan beesha Cayr ee Habargedir waxaana kulankaas la iskula soo qaadey siddi beesha Cayr ay gacan u siinlahayd Dowlada Federaalka iyo sidii dolwlada uga qayb qaadan lahayd sidii loo heshiisin lahaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaano ka tirsan Gobolaadda Mudug iyo Galguduud

Madaxweyne Cabdulaahi oo halkaa ka Hadley ayaa sheegey in beesha Cayr ay weligeed ahayd beel nabadeed wuxuu ka codsadey in ay gacan ka geystaan sidii loo dhameeyn lahaa khilaafka u dhaxeeya xukuumada sidoo kale wuxuu soo dhaweeyey sida beesha ugu howlan tahay dhexdhexaadinta beelaha ku dagaalamaya Gobolada Mudug iyo Galguduud

waxagaradkii kulankaas ka qaybgaley ayaa madaxweynaha Gudoon siiyey Gaari nooca aan xabadu Karin oo ay beesha ugu tala gashey amaanka madaxweynaha sida aan ka soo xigaanay mid ka mid ah xubnihii ka qayb galey kulankaas oo lagu magacaabo Wadaad Yare gaarigan ayaa lagu qiimeeyey ilaa 70 kun oo Doolar waxayna beesha markii hore gaarigan ugu talagashey inay siiso madaxweynihii hore ee Dowladii Carta Mudane Cabdi Qaasim Salad Xasan hase yeeshee keenista gaarigaas waxaa uu ku soo beegmey markii uu Cabdi Qaasim baneeyey jagadada.

Ujeedada ay beesha cayr u gudoonsiisey gaarigaas ayaa la sheegay in ay tahay sidii beesha ay gacan weyn ugu yeelan lahayd dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf

waxa ku sii qulqulaya Magaalada Jowhar waxagard iyo siyaasiyiin ka tirsan beelaha somaaliyeed kuwaasoo doonaya sidii ay dowlada uga heli lahen danooyin farabadan

Beelo Soomaaliyeed oo ku dagaalamaya deegaano ka tirsan Feer-feer iyo ..

Wararka naga soo gaaraya Gobolkas Hiiraan waxay sheegayaan in uu weli dagaali u dhaxeeyo Beelaha Reer Aw Xasan iyo Xawaadle waxay ku dagaalamayaan Deegaanada Feer Feer iyo Abaaley oo ku yaala xaduudada u u dhaxeysa gobolka hiiraan iyo dalka Itoobiya waxaa dagaaladaas la sheegay in ay ku dhintaaen 11 qof oo labada dhinac ah

dagaaladaan ayaa waxay daba joogaan dagaal hore uga dhacay deegaanadaas oo u dhaxeeyey labadaas beelood

dagaalkan ayaa la sheegey in uu ka bilowdey markii laba nin lagu diley tuulada Abaaley taasoo ay si aad ah uga caroodeen beeshii kale ee waxay laga diley waxaana dagaalkan labada beelood isku adeegsadeen noocyada hubka ee isugu jira midka waaweyn iyo midka yar yar

waxgarad ka tirsan beesha Xawaadle ayaa Dowlada Itoobiya ku eedeeyey in ay gacan siisey mid ka mid ah beelihii halkaa ku dagaalamey waxay kaloo sheegeen in Itoobiya ay bixisey saanad iyo hub, hase yeeshee sarkaal u Hadley ciidamada Itoobiya ayaa beeniyey in ay ku lug lahaayeen dagaaladaas

beelahan ayaa kal hore waxaa la dhex dhigey heshiis waxaana heshiiskan ka soo shaqeeyey Dowladda Itoobiya waxayna dagaaladan saameeyn ku yeesheen deegaanada ku dhow halka ay dagaaladu ka dheceen

Cabdulaahi " Sacuudiga waxaan ka dooneyna heshiis la mid kii lubnaan ee .

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaalia Cabdulaahi Yuusuf ayaa Magaalada Riyaad kulan kula yeeshey Boqorka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis waxaa kulankaas la iskula soo qaadey sidii Dowlada Sacudiga uga qaybqaadan lahayd dib u dhiska dalka iyo sidii ay Boqortooyada gacan uga geysan lahayd isu soo dhawaanshaha Dowladda Federaalka oo uu u dhaxeeyo khilaaf xoooan kaasoo sababay in xukuumadu kala degto Magaalooinka Muqdisho iyo Jowhar

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa ka codsadey Boqortooyada Sacuudiga in ka shaqeyso sidii ay dib u heshisiin u dhex dhigi lahayd shacabka soomaaliyeed wuxuu Madaxweynaha tusaale u soo qaatey heshiiskii ay boqortoyada dhex dhigtey Dalka Lubnaan isaga oo sheegay in ay taa mid la mid ah ka doonayaan Dowlada Sacuudiga

Dowlada Sacuudiga yaa horey u sheegtaty in ay dooneyso in ay dhexdhexaadin dhex dhigto Dowladda Federaalka si loo soo afjaro khilaafka u dhaxeeya hase yeeshee su ‘aasha is weydiinta mudun waa madaxweyne Cabdulaahu Yuusuf Ma aqbali doonaa heshiiskaas madaama Dowladaha Yaman iyo Kenya ay hore ugu guulaysan waayeen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Safarka Madaxweynaha DFKMG iyo Warbaahinta Carabta:::

  • Madaxweynaha Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed waxa uu booqasho ku joogaa dalka Sacuudiga, isaga oo martiqaad ka helay Boqorka Sacuudiga Boqor C/Laahi Bin C/Casiis.

Shalay ayuu Boqorku qasrigiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaminayey. Sida ay faafisay wakaalada wararka Sacuudiga waxay labada Hogaamiye ka wada hadleen xaaladaha dunida iyo tan gobolka, sidoo kale waxay isku soo qaadeen xiriirka labada dal, iyo sidii loo sii kobcin-lahaa, korna loogu sii qaadi-lahaa.


isha: http://www.alriyadh.com/

Dhinaca Boqortoodaya Sacuudiga waxaa fadhiga kala qayb-galay Waliyul-Cahdiga Sacuudiga Amiir Suldaan Bin C/Casiis, lataliyaha Boqorka Amiir C/Casiis Bin Cabdalla, iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa fadhigaas ku wehliyey R/Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Saalim Caliyo Ibrow. Wasiir Arimahada Dibadda C/Laahi Sh. Ismaaciil. Safiirka Soomaaliyaa ee Sacuudiga iyo martif shafar kale.

Dhamaan warbaahinta Sacuudigu ma’aysan sheegin in arimaha Soomaaliya sihoose la’iskula soo qaaday, kaliya waxay tilmaameen in xaaladaha guud ee caalamka la’iska waraystay.

 Somalitalk | Aug 24, 2005
 

C/laahi Yuusuf oo la kulmay Boqorka Sacudiga
»Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo u dhoofay Talyaaniga...
»Xuseen Caydiid: Haloo tanaasulo xubnaha jooga Jawhar
»Qanyare: Waa caddaalad darro hadalka kasoo yeeray xusen
Warka oo dhan ka akheri halkan...

Maxkamadaha Islaamiga ah oo la wareegay isgoyska Lambar Afar
»Soo laabashadii Barre Hiiraale Kismaayo oo sababay iska...
»Wajigii kowaad ee tadobadka xorriyada Hadalka oo la soo...
»Waxgarad iyo aqoon-yahano ka tirsan Beesha Tunni oo..
»Guddi qabanqaabo oo loo magacaabay shirweynaha SNU..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Aug 23


Jaaliyadda Sweden oo deeq soo gaarsiiyey Deeqa Maxamed Muuse
Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan  wadanka Isweden ayaa dhawaan deeq lacageed soo gaarsiisay gabar soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho laguna magacaabo Deeqo Max’ed Guji Aug 22

Ma u socotaa Cumarada Sannadkan::: August, September iyo October ... GUJI HALKAN....

Sucuudiga oo Ballaarinaya Masjidka Nebi Muxamed (scw)
Boqor Cabdullaahi Bin CabdulCasiis ayaa lacag dhan 1.25 billion oo dollar u qoondeeyey in lagu ballaariyo dhismaha... Guji..

Saraakiil Soomaaliyeed oo siminaar uu uga Furmay Kampala
»Kismaayo: Barre Hiiraale oo kasoo laabtay Ceelwaaaq...
»Shariif Xasan: Haloo yeero Hogaamiyayaasha Muqdisho
»Bosaso: Cadde Muuse oo kasoo laabtay Jarmalka
»Qardho: Warbixin Shirkii nabadda ee kasocdey Qardho...
Wararka oo dhan ka akhri halkan....

Madaxweynaha DFKMG oo ku Dhawaaqay in uusan Xoog wax ku maquunin Doonin
Madexweynaha Dawlada FKG-ah C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa wacad ku maray in xal mooyee aan xoog hubka looga dhigi doonin Maleeshooyinka hubeysan ee jooga gudaha Wadanka Soomaaliya... Guji... Aug 21

Xafladii Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Dhigay Dhallinyarada
Minneapolis: Xaflad lagu soo gabagabaynayey Mashruucii Xagaaga ee loogu talagay in dhallinyarada aqoontooda diineed kor loogu qaado ayaa xalay lagu qabtay... Guji... Aug 21


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD