-
Saraakiil Soomaaliyeed oo siminaar uu uga furmay
Kampala.
-
Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta, xildhibaan
barre hiiraale, oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada
kismaayo..
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo codsay in Hogaamiyasha
Muqdisho Wada-Xaajoodka lagu so daro..
-
Madaxweynaha Puntland oo Maanta soo caga dhigtay
Garoonka Boosaaso..
-
Shirka Nabdaynta Qardho....
Saraakiil
Soomaaliyeed oo siminaar uu uga furmay Kampala.
Canab Mumtaz| Somalitalk|kampala.| Aug 22, 2005
cmmumtaz@somalitalk.com
Saraakiil Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobolada dalka
Soomaaliya ayaa maanta siminaar waxa uu uga furmay hotelka
Joka's ee bartamaha magaalada kampala,siminaarkan oo socon
doona 20 maalmood oo xiriir ah waxaa soo agaasintay Hay'adda
Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee
UNDP iyo Hay'addo kale oo caalami ah sida uu iigu waramay
Taliyaha ciidanka Booliiska Dowladda Soomaaliyeed Cali
Maxamad Madoobe waxaana gacan xoogan ka gaysan doona bixinta
tabarka Saraakiil Ugandes ah.
Cali Madoobe oo siminaarkan furay ayaa ka hadlay ujeedada
ugu wayn ee siminaarkani waxa uuna sheegay in ay tahay
qibrad kororsi ay dowladda Ugandha ka dalbadeen in ay siiso
qaar ka mida ah saraakiisha ciidanka xooga dalka
Soomaaliyeed iyo kuwa booliiskaba ee la shaqaynaya dowladda
FKMG ah ee Soomaaliya kana caawinaya dhinaca tababarida
dhalinyarada hubaysan si ay uga qayb qaataan iyagana Amaan
Gudaha Soomaaliya.
Saraakiishan waxaa loo diri doonaa marka ay dhamaystaan
tababarka ayuu yiri Cali Madoobe Gobolada dalka oo
dhan,halkaas oo lagu arruurin doono dhalinyaro loo
diyaarinayo askarnimo iyo in daafacaan dalkoodaa dowladdana
ay wax la qabtaan waxaa kale oo intaas ku daray in ay u
mahadcelinayaan dowlada uganadha iyo saraakiisha
Soomaaliyeed oo laftooda huraya waqti si dhalinyarada ugu
sii gudbiyaan waxii waaya aragnimo ah ee ay hayaan.
Waxaa kale oo siminaarkan furitaankiisa ka hadashay Wasiirad
ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Drs Fahma Axmad Nur oo
sheegtay baahidda ay xiligan aqoon kororsiga u qabaan
saraakiisha Soomaaliyeed maadamaa ayay tiri wax walba is
badaleen oo xili cusub la marayo waa in aan helnaa wadiiqo
cusub oo ah tan dunida ku shaqayso si da'yarta hubka ay
iskood iskaga dhigaan,waxaa kale oo ay mahad elin balaaran u
jeedisay madaxweynaha dowlada Ugandha Mr musseveni.
Xubnihii kale oo ka hadlay furitaankii siminaarka oo uu ka
mid ahaa Madaxa UNDP ee mashruucan tababarka Saraakiisha
Soomaaliyeed ayaa sheegay in aad u farxad galinayso in ay
arkaan Soomaaliya oo dadkeedu ay iskood nabad ugu soo
dabaalaan faragalin la'aan,waxa uuna intaas ku daray in
shacabkana la siiyo mudnaan iyagoo ugu baaqaya dowladda FKMG
ah ee Soomaaliya ay Kasbato dadkeeda si aan xoog ku jirin
tabarbarkana ay rajaynayaan in uu guul soo kordhin doono oo
saraakiishana ay wax badan ka badalaan tababarka
dhalinyarada hubaysan.
Saraakiishan oo ku labisnaa dharka lagu yaqaano saraakiisha
milatariga ayaa oo qaarkood ay figarado ka dhiibanayeen sida
ay siminaarkani u arkaan mar aan kala hadlay dhinacaas ayaa
sheegay in ay ku qanacsan yihiin sida uu u socdo,waxyaabaha
ay ka bartaana ay u celin doonan dalkooda si ay ugu
gudbiyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed oo noqon doona xooga
dalka ee badali doona iyaga,waxa ayna qaarkood ii
sheegeen in si qaldan shacabka soomaaliyeed looga
dhaadhaciyay in saraakiishan marka ay ku laabtaan dalka ay
hoog isticmaali doonaan taasna waa arrin la yaab leh ayuu
yiri mid ka mid ahaa oo ii diiday in magaciisa in aan
sheegno.
Laakiin siminaarkan saraakiisha Soomaliyeed ayaan ahayn wali
mid lagu wada qanacsan yahay sida ay ii shegeen
qaarkood,waxaa jira xubno ka mid ah dowladda iyo
baarlamaanka iyo saraakiil kale oo dalka ku maqan una arka
siminaarkan mid wax lagu carqaladaynayo isla markaana aan
loo marin waddadii saxda ahayd maadaama hal dhinac uu ka
dhex muuqo aqoon kororsigan wali.
Mumtaz |
Kampala
###
Wasiirka
dib u dhiska iyo dib u dajinta, xildhibaan barre hiiraale,
oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada kismaayo
Cabdi
qadar nuur maxamed (filipiin) |
Aug 22,3005| Kismaayo
Wasiirka
dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada FKG ah ee somaliyeed
xildhibaan barre aadan shire ayaa maanta dib ugu soo laabtay
magaalada kismayo kadib markii uu safar lagu macneeyay
nabadeen uu ku soo kala bixiyay deeganada ceelwaaq ee
gobolka Gedo.
Xildhibaan barre oo ka anbabaxay magaalada kismaayo 27
bishii july ayaa waxaa uu safar ku tagay deegaanka ceelwaaq
oo ay ka aloosnayd xiisad ka u dhaxaysay labo beelood oo
halkaa wada dagga ayadoo haatan ay dagantahay xiisadii
colaadeed ee halkaa ka jirtay kadib markii ay wada hadal
kafool kafool ah oo ay qayb ka qaaten xubno ka tirsan
dowlada iyo odayaal dhaqameed ay halkaa isku horfariisteen
islamarkaana loo qabtay in deegaankaa mar labaad shir la
isagu hor fariisto.
Xildhibaan barre hiiraale ayaa maanta si weyn loogu soo
dhaweeyay magalada kismayao ayadoo soo dhaweyntiisa ay ka
qayb qateen xubno ka tirsan dowlada FKG ah ee soomaliyeed
iyo waliba xubno sar sare oo ka tirsan maamulka isbahaysiga
dooxada jubba oo uu ka mid ahaa taliyha ciidnka isbahaysiga
dooxada juba mr maxamed rooble jimcaale goobaale, afhayeenka
isbahsiga bille cabdule cabdi, gudomiyaha degmada daahir
maxamed cilmi (daahir carabey) iyo waliba masuuliyiin kale.
Soo dhawn
heer sare ah kadib ayaa waxaa loo soo galbiyey xildhibaan
bare gudaha magaalada kismayao ayadoo uu ka cudur daartay in
uu maanta la hadlo saxaafada balse uu sheegay in uu la hadli
doono saxaafada waxaana uu imaatinka bare hiiraale ku soo
beegmay xili magaalada kismaayo ay ka jirto hadal haynta
maraakiib dhowor ah oo lagu haysto xeebaha gobolka jubbada
hoose oo ay ku afduubteen maleeshiyo hubaysan oo aan cidna
ka amar qaadan ayadoo ay dhicisoobeen dadaalo dhowr ah oo ay
galeen mamaulka iyo waliba odayaasha dhaqanka ee ku haybta
ah maleeshiyada haysata maraakiibtaas.
Cabdi
qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Cabdiqadar84@hotmail.com
Gudoomiyaha Baarlamaanka
oo codsay in Hogaamiyasha Muqdisho Wada-Xaajoodka lagu
so daro...Xuseen
Yaasiin Gode-Gode
August 22, 2005 2:43:22 PM
Gudoomiyaha
Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan ayaa codsay in hadii
la rabo in la helo wada-xaajood dhab ah markaas loo
baahan-yahay in shirka lagu soo biiriyo qaar ka mid ah
Hogaamiyaasha hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Wakiilada Beesha
caalamka ee ku sugan magaalada Neyroobi ayaa iyagu isku
taxa lujiyay in ay u kala dab-qaadaan Madaxda sar-sare
ee Dawlada FKMG si loo soo af-jaro khilaafaadka yar ee
ku dhex jira Madaxda gar-wadeenka u-ah Dawlada.
Kulan maanta ay soo
qaban-qaabiyeen Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan
arimaha Soomaaliya Mudane Froncois Lonelly iyo Dawlada
Kenya oo uu metelayay, Wasiirka Iskaashiga Gobolka
Mudane John Arap Koeh ayaa ka socdo Hotelka uu Neyroobi
ka degan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane
Shariif,warar hordhac ah oo ka soo baxaya kulanka ayaa
tibaaxaya in Mudane Shariif uu kula taliyay in hadii la
rabo wada-xaajood,dhab ah markaas loo baahan yahay in
shirka lagu soo biiriyo Hogaamiyaasha awooda ciidan ku
leh Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale
Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf iyo Reysalwasaare
Geedi ayaa lagu guuleystay in ay dib u dhigaan
safarkooda, si loo dhameeyo farqiga ku dhex jira iyaga
iyo Afhayeenka Baarlamaanka.
Dhinaca kale Xildhibaan
Cawad Amed Casharo oo u waramayey Jariirada Standard ee
ka soo baxda Wadanka Kenya, ayaa laga soo xigtay in uu
dhinaciisa wado xeer-ja-jab lagu dhameynayo khilaafaadka
yar ee u dhexeeyo Dawlada, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa
sheegaya in Xildhibaan Cawad uu soo bandhigi doono
Qorshe u cuntami doono labada geesood.
Madaxweynaha
DG Puntland oo Maanta soo caga dhigtay Garoonka
Boosaaso
Waxaa duhurnimadii maanta (Aug 22) soo caga dhigtay
Garoonka Bender-Qaasim oo ku yaal duleedka Magaalada
Xeebta ku taal ee Boosaaso Madaxweyniha Puntland
Mudane Maxamuud Muuse Xirsi iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Wafdiga ayaa
garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne iyo Madax ka
tirsan maamul Goboleedka Puntland ,oo uu hoormuud u
yahay Madaxweyne-kuxigeenka Puntland iyo Xildhibaano
ka tirsan Maamulka Goboleedka Puntland.
Sidoo kale soo
dhaweynta waxaa ka qayb-qaatay Madax ka tirsan
Dawlada Federaalka Soomaaliyeed oo maalmahan
booqasho ku joogay Puntland.
Wafdiga ayaa salaan
sharaf ka qaatay Ciidamada Baambeyda, ka dibna waxaa
loo soo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Dalka Jarmalka
wuxuu la kulmay Jaaliyadaha Soomaaliyeed gaar-ahaan
kuwooda ka soo jeeda Puntland, wuxuuna ku
dhiirigeliyey inay maalgashi ku sameeyaan dhulkooda,
sidoo kale Madaxweynaha ayaa baaritaan dheer oo
dhinaca caafimaadka ah ku soo maray Wadanka Jarmalka.
Xuseen Yaasiin
Gode-Gode
email:
godegode_6@hotmail.com
Shirka Nabdaynta Qardho 20/08/2005
Waxaa in muddo ah oo kasoo bilaabata 1986dii ilaa maanta jiray dhiigag iyo ismaan dhaaf u dhexeeyay laba beelood oo wada daga degaanka Qardho, labadaas beelood oo kala ah C/raxmaan Harti (Kaski-Qabe) & Cismaan Max’ud, waxayse gun iyo caar bixisay markii la dilay C/qani Faarax Gaacshe oo Cismaan Max’ud ahaa looguna aar guday Mursal Max’ud Nuur Galow oo Kaski-Qabe ahaa dilalkaas oo sababay in lakala ufoodo lana kala guuro.
Markii arrini saas u dhabaqday ayaa waxaa is xilqaamay Culimaa’uddiin ku qabtay magaalada Qardho kulan cilmeey diini ah, waxayna culimadu go’aansadeen inay u kala dab qaadaan labada beelood, si loo gaaro nabad waarta loogana hortago inaan dhibta jirta mid kale lagu biirin, waxaa iyaduna xusid mudan in Dawlad Goboleedka Puntland ay bari taareen waan waanta Culimadu ay u keceen.
Culimadu waxay u kicitimeen tuulada Shaxda oo 40km u jirta magaalada Qardho oo ay daganyihiin beesha C/raxmaan Harti (Kaski-Qabe) taariikhdu markay ahayd 05/08/2005tii si ay uga codsadaan beeshaas in wada hadalsiiyaan beesha kale ee ay dhibaatadu dhextiil, ilaahay mahaddi waay aqbashay beesha Kaski-Qabe in lawada hadlo laba habeen kaddib waxay culimadu kusoo noqdeen magaalada Qardho waxayna u cid dirsadeen Duqayda Cismaan Max’ud, taariikhdu markay ahayd 08/08/2005tii ayaa waxaa is arkay Culimadii iyo beesha Cismaan Max’ud Culimaduna waxay beesha ka codsadeen in ay walaalohood madal isgu keenaan kana wada hadlaan wixii dhexmaray, ilaah mahddii beeshu qalbi furan ayay ku soo dhawaysay waanwaanta Culimadu horseedka ka tahay.
Mar haddii labadii beeloodba ogolaadeen waanwaanta nabadeed ee Culimadu ku baaqday waxay Culimadu madashii gunteen Taariikhdu markay ahayd 10/08/2005tii, waxaase maalintaa Shirkii u baaqday odayaal hawl u aaday magaalada Dhahar oo Kaski-Qabe ah, Culimadu markay arrintaas ogaadeen waxay buraashadaha u biyaysteen magaalada Dhahar si ay odayaasha ugu soo duwaan madasha wada hadalka ee Qardho Culimdu waa ku soo guulaysteen inay odayaasha soo kexeeyaan, isla markaa waxay Culimadu mar labaad u kicitimeen tuulada Shaxda si ay shirka ugu soo biiriyaan Horfiiq aan laga maarmi Karin oo ku baaqday halkaas iyadana Culimadu waa ku guulaysteen.
Taariikhdu markay ahayd 11/08/2005ta ayaa waxaa guntamay shirkii loo ballamay, wacdi iyo tusaalayn kaddib waxaa hadalkii qaatay beesha Kaski-Qabe waxayna codsadeen in maalinta taariikhdu tahay 12/08/2005ta ay soo gudbiyaan qoraal dacwadeed tifaf tiran shirkana maanta la xiro Culimada iyo beesha Cismaan Max’udna waa la qaateen go’aankaas maalintaas shirkii waa la xiray.
Waxaa dib lay sugu soo noqday sidii lagu ballamay maalintii labaad oo taariikhdu ahayd 12/08/2005tii, furitaan kaddib waxaa tiraabtii qaatay beesha C/raxmaan Harti (kaski-Qabe) waxayna goobtii ka akhriyeen qoraal dacwadeedkoodii oo ka koobnaa laba bog isla markaana waxay laba sawir kala siiyeen Culimadii guddiga ahayd iyo beesha Cismaan Max’ud oo dacwadu toos u khusaysay, intaa kaddib waxaa qaatay hadalkii beesha Cismaan Max’ud waxayna codsadeen in ilaa galabta ay qoraal jawaab ah ku soo gudbiyaan waana laga qabalay, isla galabtaas waxay beesha Cismaan max’ud soo gudbiyeen qoraal ka kooban sadex bog una qaybsan dacwad celin iyo dacwad , isla goobtiina waa laga akhriyay qoraalkii waxayna laba sawir kala siiyeen Culimada iyo beesha Kaski-Qabe.
Maaalintii sadexaad oo taariikhdu ku abbaarayd 13/08/2005ta ayaa Culimadu waxay labada beelood ka codsadeen inay soo gudbiyaan laba qoraal oo ay ugu gar dhiibanayaan culimada guddiga ah, ilaahay mahaddii labada beeloodba waa soo gudbiyeen qoraaladii laga codsaday.
Maalintii afraad oo taariikhdu ahayd 14/08/2005tii ayaa Culimadu bilaabeen dhagaysiga dacwadaha ayadoo loo qaadaa dhigayo mid mid loona cuskanayo Shareecada Islaamka, dacwadahaas oo ka koobnaa 14 qof dhiigood oo laysu sheeganayay waxaa dhagaysigoodu socday ilaa 17/08/2005ta ayadoo loo xalliyay si lagu wada qancay waxaana maalintaas la akhriyay go’aannadii ka soo baxay dacwadihii la dhagaystay.
Taariikhdu markay ahayd 19/08/2005tii ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Qardho xaflad aad u ballaaran oo lagu gunaanadayo shirkii nabadda ee mudada loo fahdiyay waxana kazoo qayba galay labada beelood ee loo garnaqayay, dad wayne aad u fara badan iyo waliba Maamulka dawlad goboleedka Puntland, waxaa halkaas ka dhacay wacdi, gabayo, kaftan & xifaalo waxaana aad dadka uga muuqday farxad aad u ballaaran, waxaana laga akhriyay xafladda gunaanadka 13 go’aan oo culimadu ay gaareen, waxaana hal kaas looga ballamay in ay dhamaatay colaaddii mudada aloosnayd.
Waxaa halkaa aad loogu bogaadiyay Culimadii isu xilqaantay hawshaas adag kana mira dhaliyay Allaah ka sokow, Maamulkuna waxay sheegeen inay ayidsanyihiin go’aannada culimada ciddii jabisana laga qaadayo tallaabo adag, intaa kaddib waxaa lawada cunay casho loogu tala galay gunaanadka shirka.
Maalintii taariikhdu ahayd waxaa lala kala wareegay Magtii ugu horaysay maalinta khamiista ah ee foodda inaku soo haysana waxaa lala kala wareegi doonaa sadex Magood haddii ilaah idmo.
Culimadii ka qayb qaadatay waan waanta waxay ahaayeen culimo aad looga yaqaan dalka Soomaaliya gudihiis iyo dibaddiisaba waxayna kala ahaayeen.
- Sh.C/qaadir Nuur Faarax
- Sh.Daahir Aw-cabdi
- Dr.C/qaadir Max’ed C/llaahi
- Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan
- Sh.Axmed-daahir Xassan
- Sh.Bashiir Jaamac Kite
Iyo Fu’aad Max’ud X.Nuur oo xoghayn u ahaa Culimadii waanwaanta wadday.
dacwah@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 22, 2005
Ururka Muslimiinta Britain oo si
Kulul u Cambaareeyey BBC-da
Barnaamij
caawa oo Axad ah ka bixi doona BBC-TV oo lagu magcaabo Panorama ayaa
waxaa si kulul uga hor yimid ururka ay leeyihiin Muslimiinta dalka
Britain ayagoo ku eedeeyey in..
Guji...
Xafladii
Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Dhigay Dhallinyarada
Minneapolis: Xaflad lagu soo
gabagabaynayey Mashruucii Xagaaga ee loogu talagay in dhallinyarada
aqoontooda diineed kor loogu qaado ayaa xalay lagu qabtay...
Guji...
Shirka Caux
oo laga hadlay arrimaha Afrika Gaar ahaan Dalka Soomaaliya
Wasiiru dowlaha
kalluumeysiga & kheyraadka badda ee DFKMG, Xildhiban Cali maxamed Faqi
oo ka hadlay kulanka ayaa
Guji
Maxaad kala
socotaa Dastuurka la isku heysto Wadanka Ciraaq?
Waxaa dhibka taagan yahay
sidii loo saxiixi lahaa Dastuurka Ciraaq, hadaba maxaa la isku hayaa?
...Guji...
Aug 19
Gabar
Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay.
Guji....
Xisbiyada mucaaradka
Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo
xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ...
Guji... Aug 12
Soomaalida
Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August
waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo..
Guji... Aug 12
|