Madaxweynaha DFKMG oo ku
Dhawaaqay in uusan ku tala jirin in uu Awood wax ku
maquuniyo....
Nairobi | August 21, 2005
- C/laahi Yuusuf
Waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo shirkada
Saliida ceeriin (Oil) baara....
Abdullahi Yusuf
Ahmed oo halka uu ka degan yahay Nairobi
waraysi ku siinaya hay'adda Reuters |
August 21, 2005. Sawirka Reuters |
Madexweynaha Dawlada
FKG-ah ee Soomaaliya oo galabta u waramayey Wakaalada
Wararka ee Reuters ayaa wacad ku maray,in xal mooyee aan
xoog hubka looga dhigi doonin Maleeshooyinka hubeysan ee
jooga gudaha Wadanka Soomaaliya, iyada oo Madaxwenuhu
carabka ku dhuftay inay haboontahay in Hogaamiyaasha
hubeysan iyo Ganacsataduba ay garwaaqsadaan in dantoodu
tahay inay hubka ka dhigaan maleeshooyinka iyaga ka
amarqaata.
Madaxwenaha oo la
weydiiyay goorta uu ka hawlgeli doono magaalada Muqdisho
ayaa xaqiijiyay in mustaqbalka dhaw uu rajeynayo in uu
ku shaqeyn doono caasimada hadii ay nabad galyadeedu
hagaagto.
"WAXAAN KU NABADAYN
DOONAA GUUD AHAAN DALKA DIB-UHESHIISIIN IYO IN AAN IS
QANCINO, IN QABAA'ILADA DAGAALAMAY 15KII SANO LA SOO
DHAAFAY AAN HESHIISIINO"ayuu yiri Madaxwenaha oo ku
sugan magaalada Neyroobi, balse safar ugu socda wadanka
Sacuudiga oo ay suurta gal tahay inuu kala soo hadlo
mas'uuliyiinta wadankaasi deeq sidii loo siin lahaa
Dawlada uu Hogaanka u hayo.
Madaxweynaha oo ka
jawaabaya su'aal ah inuu xoog adeegsanayo,ayaa ku
jawaabay "XOOG KUMA NABADEYN DOONO WADANKA, MANA DHICI
DOONTO IN AAN ISTICMAALO" ayuu hadalkiisii sii raaciyay.
C/laahu Yuusuf oo ah
70jir horay ooga tirsinaa Ciidamadii Qalabka siday ee
Soomaaliya laguna soo doortay shirkii nabada ee Wadanka
Kenya,ayaa ka dhawaajiyay in uu Ciidamo amaanka suga ka
dhisayo guud ahaan Soomaaliya.
Madaxweyne
Abdullahi Yusuf Ahmed (bidix) oo la
sheekaysanaya lataliyihiisa Yussuf Nur Hassan
ayagoo jooga meesha ay kadegan yihiin Nairobi,
August 21, 2005. Sawirka: REUTERS |
"FARIINTA AAN U DIRAYO
SHACABKA SOOMAALIDA WAA MID CAD": Waxaan doonayaa in
Soomaalida iska ilawdo wixii dhacay waxaana oogu
baaqayaa inay iska cafiyaan wixii dhacay 15kii sano ee
dagaalada sokeeye".
Sidoo kale Madaxweyne
C/laahi wuxuu codsi gaar ah u soo jeediyay bulsho weynta
Soomaaliyeed, asagoo yiri: Soomaalida waa inay si buuxda
u taageertaa dadaalada ay Dawladu wado,si Soomaaliya loo
nabadeeyo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Madaxweynaha DFKMG C/laahi
Yuusuf ayaa mudooyinkan isku taxalujiyay in uu boorka ka
jafo Ciidamadii Xooga Soomaaliyeed ,iyadoo loo arkayey
talaabadaasina weerar ku soo socda magaalada Muqdisho oo
ay ku sugan yihiin Wasiiro ka tirsan Dawladiisa oo
mucaarad ah.
Madaxwenaha oo xiriir
wanaagsan la leh Wadanka Itoobiya ayaa sheegay in xal uu
wax ku raadin doono, ee aan xoog waxba lagu raadin karin,
wuxuuna xusay in uu ka dhaadhicin doono raga isaga ka
soo horjeedo iyo ganansatada awooda ciidan ku leh ee
jooga Muqdisho inay la shaqeeyaan xukuumada uu
garwadeenka u yahay.
"CID WALBA AYEY DANI
OOGU JIRTAA IN HUBKA LA DHIGO EE CIDNA IDIN MA KHASBEYSO,
WAXAAN KU QANCIN DOONAA KOOXAHA HUBEYSAN EE MUQDISHO KU
SUGAN INAY HUBKA ISKA DHIGAAN IYAGOO EEGAYA DANAHA DALKA
OO IDIL" ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynaha ayaa ka
gaabdasay inta wareysiga uu bixinayay in uu carabaabo
tirada ciidamada amaanka ee uu sheegayo in loo sameynayo
Soomaaliya,laakiin wuxuu sheegay inaan waqtigaan la heli
karin Ciidamo qaran oo awood leh,waayo buu yiri Dawlada
waqtigan wax dhaqaalo ah ma heysato.
Abdullahi Yusuf Ahmed oo
kor u qaaday wiilka laba-jirka ah ee uu
awoowaha u yahay oo magaciisa la yiraahdo
Adbikarim
kaddib markii uu waraysi siiyey hay'ada Reauters
| Nairobi,
August 21, 2005. Sawirka: REUTERS |
"DAWLAD AAN LA HAYN
CIIDAMO AMAANKA SUGA MEELNA KAMA SHAQEYN KARTO,DUNIDANA
MA JIRTO MEEL AY KA SHAQEYN KARTO DAWLAD AAN CIIDAMO
AMAAN HEYSAN,LAAKIIN WAQTI XAADIRKAN MA DHISI KARNO
CIIDAN AWOOD LEH OO QALABKIISA WATO" ayuu yiri
Madaxwenuhu.
"Hadii ay nabad
doonayaan oo ay dani oogu jirto ganacsi sharci ah ,waa
inay hubka dhigaan,calaa kuli xaal weriye,ragan
mucaaradka ah waa sida inaga oo kale ,waa ay garanayaan
xaqiiqdii dantooda waxa ay ku jirto" ayuu yiri C/laahi
Yuusuf.
Wadamada Deeq
bixiyayaasha ayuu Madaxweynuhu ku cambaareeyay inay ka
gaabiyeen inay deeq ku filan in aysan siinin Dawladiisa.
Madaxweynaha oo la
weydiiyay su'aashii oogu dambeysay oo ku saabsanayd sida
uu u arko hab dhaqanka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku
jawaabay: "ANIGU MA AAMINSANI IN SHARIIFKA CADAWGISA
AHAY" laakiin waxaan kala qabnaa waa fekredo kala duwan
,Shariifka si ayuu wax u arkaa, anigana si kale,iyada oo
ay sidaasi jirto hadana aniga iyo Shariifka wax cadaawad
ah nagama dhexeyso,ayuu ku soo gabagabeeyay su,aalihii
faraha badnaa oo ay weydiisay Wakaalada Wararka ee
Reuters.
SALIIDA CEERIIN
(OIL)::
Dhanka kale hay'adda
Reuters waxa ay sheegtay in uu C/Laahi Yuusuf sheegay in
uu soo dhoweynayo shirkadaha Saliida baara, asagoo
arintaas ka hadlayana waxa uu yiri: "Shirkada kasta oo
xiisayneysa khayradka daabiciga ee Soomaaliya way
imaan karaan si ay dawlada Soomaaliya ula hadlaan,
wadankii doonaan haka yimaadeene."
"Waxaan fiirsaneynaa
wixii dani noogu jirto, ha-tartameen shirkadahaasi
waxaana guulaysan doona tan ugu wanaagsan" ayuu yiri C/Laahi
Yuusuf oo kusii jeeda dalka Sucuudiga Arabia si uu uga
helo kaalmo, waa sida warku u dhigaye.
Waxaa la sheegay in
dalka shiinuhu uu wada hadal saliida lagu baarayo uu
kula jiro C/Laahi Yuusuf, laakiin taas Madaxweynaah
DFKMG waa beeniyey.
Booqashada DFKG ee
Nairobi:::
Waxaa maalmahan Nairobi
isaga daba yimid afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan,
Ra'iisul wasaaraha Cali Maxamed Geedi iyo Madaxweynaha
DFKMG C/Laahi Yuusuf Axmed.
Cali Maxamed Geedi waxa
uu safar ugu sii jeedaa dalka Talyaaniga, halka C/Laahi
Yuusuf uu kusii jeedo dalka Sucuudiga. Warar kale ayaa
sheegay ain Shariif Xasan uu kusii jeedo dalka
Maraykanka.
Jariidada Standard ee
Nairobi waxay werisey: in markii la weydiiyey Shariif
Xasan sababta uu Nairobi u yimid waxa uu sheegay in uu u
yimid arin khaas ah (Private Business).
Waxa kale oo ay
jariidadu wersiy in Cawad Cashara uu isku deyayo in uu
qaban qaabiyo kulan dhex mara saddexda nin ee ugu
sareeya DFKMG ee hadda kuwada sugan halka magaalo oo ay
martida ku yihiin ee Nairobi, oo ah magaaladii lagu
dhisay Dawlada FKMG, kaddib markii dalkaas Kenya uu shir
ka socdey muddo hal-sano-iyo-bar ah oo ay sida Kenya
sheegtay ku baxday lacag dhan 1.2 billion oo shilinka
Kenya. Taas oo weliba la sheegay in lacagtii 400 oo
wufuud Soomaaliyeed ah ay ku deganayeen hoteelada
Eldoret iyo Nairobi aan weli la bixin.
Xigasho:Reuters