- 50 Saraakiil
Soomaaliyeed ah oo Maanta soo gaaray Kampala...
- Dagaal
culus oo maanta ka dhacay Duleedka Xerada Hiilweyne
nawaaxiga Balcad
Saraakiil
Soomaaliyeed oo Maanta soo gaaray Kampala.
Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com
| SomaliTalk | Kampala | Aug 20, 2005
In ka badan konton saraakiil iyo jeneraalo iskugu jira ayaa
maanta soo gaaray magaalada Kampala ee dalka Ugandha kana
kala yimid gobolada dalka Soomaaliya iyagoo Ugandha ku
qaadan doona siminaar la xiriira kor u qaadista xirfadda
ciidamadda milatariga Soomaaliyeed iyo kuwa booliiskaba.
Saraakiishan oo ka soo duulay magaalada Kismaayo waxaa
safarkooda isku soo duwey Qaramada Midoobay waxaana casuumad
rasmi ah u fidisay dowlada Ugandha oo horay u sheegtay in ay
siin doonto tababar qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka
Soomaaliyeed si ay iyagana ugu sii faa'iideeyaan
maliishiyaadka hadda loo diyaarinayo in ay ka qayb qaataan
Amaanka dalka Soomaaliya ee la shaqaynaya dowlada Soomaaliya.
Saraakiishan waxaa tabarkooda ka qayb qaadan doona qaar ka
mida ah saraakiisha ciidanka milatari ee Dowlada Ugandha
waxaana kharashkooda bixinaya Qaramada Midoobay waxaana uu
siminaarkani u bilaaban doonaa maalmaha soo socda hadii Alle
idmo.
Horay ayay dowladda Ugandha u joojisay ciidamadii ay ugu
talagashay Somaliya in ay u dirto dhowr sababood oo ay ka
mid yihiin khilaafka Dowladda Somaliya ka dhex jira ee ku
aadan dhinaca Dastuurka iyo cunaqabatayntii hubka ee ay sii
adkaysay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay.
Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com
| SomaliTalk | Kampala | Aug 20, 2005
Dagaal
culus oo maanta ka dhacay Duleedka Xerada Hiilweyne
nawaaxiga Balcad

File Photo: Middle East |
Muqdisho:- Saaka
ayuu dagaal culus ka qarxay duleedka magaalada Balcad ee
nawaaxiga Xerada Hiilweyne oo ay hada ku jiraan
maleeshiyooyin Xamar laga aruuriyey.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu soo qaadeen maleeshiyo uu
hogaaminayo ninka lagu magacaabo Macalin Xaashi oo asagu
sheegta Guddoomiyaha Xamar iyo xamar-daye, duulaankaasi
oo lala beegsaday maleeshiyooyinka ka amar qaata
guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Ibraahim Shaaweey
iyo Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax.
Dagaalkan oo socday muddo nus saac ku dhaw ayaa markii
danbe qaboobay kadib markii maleeshiyadii Maxamed
Qanyare ay ka baxeen deegaankaasi ayagoo hada isku
arurusaday goobta loo yaqaan Gubta oo kamid ah Xaafada
Dayniile ee Muqdisho.
Dagaalkan ayaan la aqoon waxa keenay, balse waxaa la
filayaa inuu salka ku haya hadalo kulul oo ay beryahan
is dhaafsanayeen Ibraahim Shaaweey oo gacan taageero
milatari ka hela Maxamed Qanyare oo ah Wasiirka Amniga
Qaranka ee dowlada Federaalka iyo hogaamiyaha Macalin
Xaashi oo asagu aaminsan inuu yahay Guddoomiyaha Xamar
iyo Xamar-daye.
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedaynayaa inuu
dagaalkii maanta uu bilaabay, balse ma jiraan wax
khasaaro ah oo ay labada dhinac sheegteen.
Hase yeeshee Wararka madax banaan ee naga soo gaaraya
magaalada Balcad ayaa sheegaya in dagaalkaasi oo ahaa
mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uuna
keenay khasaaro u badan dhaawac soo kala gaaray labada
garab ee halkaa isku hardiday.
jaamac Maxamed Ismaaciil
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 20, 2005
Masjidka
Rooma oo Loogu Hanjabay in la Weerari Doono
»Denmark: Radio laga Joojiyey In uu
Hawada Soogalo...
»Suciidiga oo Xajeyda Weydiin Doona
Tallaalka Qallalka...
Wararka oo
dhan ka akhri halkan....
Shirka Caux
oo laga hadlay arrimaha Afrika Gaar ahaan Dalka Soomaaliya
Wasiiru dowlaha
kalluumeysiga & kheyraadka badda ee DFKMG, Xildhiban Cali maxamed Faqi
oo ka hadlay kulanka ayaa
Guji
Maxaad kala
socotaa Dastuurka la isku heysto Wadanka Ciraaq?
Waxaa dhibka taagan yahay
sidii loo saxiixi lahaa Dastuurka Ciraaq, hadaba maxaa la isku hayaa?
...Guji...
Aug 19
Gabar
Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay.
Guji....
Xisbiyada mucaaradka
Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo
xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ...
Guji... Aug 12
Soomaalida
Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August
waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo..
Guji... Aug 12
|