SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • ITALY: Masjidka Rooma oo Loogu Hanjabay in la Weerari Doono...
  • DENMARK: Radio laga Joojiyey In uu Hawada Soogalo Muddo Saddex Bilood ah kaddib Markii Laga Sheegay Erayo Nacayb Ku Ah Muslimiinta...
  • SAUDI ARABIA: Sucuudiga oo Xujeyda Sannadkan Weydiin Doona Cadayn Tallaalka Cudurka Qallalka (Polio)

Masjidka Rooma oo Loogu Hanjabay in la Weerari Doono...

Tarjumadii SomaliTalk.com (Aug 19, 2005): Sida ay werisey jariidad kasoo baxda dalka Talyaniga oo loo yaqaan AGI, xoghaya ururka Midowga Muslimiinta Talyaniga oo magaciisa la yiraahdo Massimo Zucchi ayaa waxa uu ka digey hanjabaad lasoo gaarsiiyey masjidka in mustaqbalka laga yaabo in lasoo weeraro.

Massimo Zucchi waxa uu sheegay in ururka Muslimiinta Talyaanigu ay heleen email nacayb ah oo ay ku qoran tahay in la duqayn doono Masjidka Rooma "Muddo lix bilood gudohood ah".

Emailka waxaa kaloo ku qornaa "erayo lagu caayayo Nebi Muxamed, Diinta Islaamka iyo Allah".

Mr. Massimo waxa uu sheegay in laga yaabo in weerarkaas masjidka lala beegsado xilli Salaada Jimcaha ay Muslimiintu ku tukanayaan Masjidka. Waxana uu ugu baqay hay'adaha ammaanku in ay qaataan tallaabo kasta oo arintaas looga hor tegayo.

Qoraalkii AGI oo Af-Talyaani ah Ka Akhri Halkan....

DENMARK: Radio laga Joojiyey In uu Hawada Soogalo Muddo Saddex Bilood ah kaddib Markii Laga Sheegay Erayo Nacayb Ku Ah Muslimiinta...

Tarjumadii SomaliTalk.com

Guddiga Raadiyaha iyo Telefishanka ee (Danish Radio & TV) ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxay joojiyeen in uu hawada ka hadlo Radiyo lagu magcaabo "Radio Holger" kaddib markii laga sii daayey hadalo nacayb ah oo mamnuuc ka ah in ay Raadiyayaasha Denmark baahiyaan.

Ninka Raadiyahas iska leh oo lagu magcaabo Kaj Vilhelmsen ayaa la sheegay in uu July 13-keedii yiri: waa in Muslimiinta la laayo, isla mar ahaantaana khasab looga saaro Galbeedka Yurub.

Raadiyahan oo aan aad u weyneyn waxa uu hawada soo geli jirey saddex maalmood, waxaana laga dhegeysan karaa ama laga maqli karaa oo keliya magaalada caasimada ah ee Copenhagen.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ka soo xigatey in Kaj Vilhelmsen uu yiri "Haddii Radiyaha nalaka xiro waxaan heleynaa nidaam kale oo aan ku faafino dhambaalka ku saabsan dadka Danish-ka Denmark."

Dalka Denmark waxaa ku dhaqan 150,000 oo Muslimiin ah, kuwaas oo tiro ahaan ah boqolkiiba saddex (3%) mujtamaca reer Denmark.

Isha: AP

 Sucuudiga oo Xujeyda Sannadkan Weydiin Doona Cadayn Tallaalka Cudurka Qallalka (Polio)

Sida laga soo xigtey hay'adda caafimaadka adduunka ee loo yaqaan WHO, waxaa dawlada Sucuudigu ay xujeyda sannadkan 1426 oo ku beegan Janaayo 2006 ay weydiin doontaa cadayn muujineysa tallalka cudurka loo yaqaan qallaka ama Polio.

Arrintan waxay ka timid cabsi laga qabo in cudurkaasi uu ku faafo dalka Sucuudiga ama xujeyda imaya xajku ay cudurkaas dib ugu qaadaan dalalkii ay ka yimaadeen sidaasna uu cudurku ku faafo dalal badan.

Arintani waxa ay saamayn ku yeelan doontaa dadka soo xajiyaya ee da'doodu ka yartahay 15 jir, kuwaas oo ka imanaya 19 dal oo laga soo sheegay cudurka Qallalka. Boqolkiiba 96% kamid ah 1,053 qof ee cudurkaasi ku aafeeyey daafaha dunida waxay ku dhaqan yihiin dalalka ka tirsan ururka Islaamka.

Waxaa la soo weriyey in WHO ay u riyaaqday warka ka soo yeeray dalka Sucuudiga.

Si aad wax badan uga ogaatid Cudurka Qallaka GUJI HALKAN...

Isha: Reuters

MA'OGTAHAY:
Haddii aad Maraykanka Joogtid in aad ogaan kartid in xaafada aad deggan tahay ay ka ag dhow yihiin dadka geysta falal dembiyedka Kufsiga ee loo Yaqaan sexoffenders, waxaad ka ogaan kartaa haddii ZIP-CODE-ka xaafadaada aad ku qortid websitekan: http://www.mapsexoffenders.com/

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 20, 2005

Shirka Caux oo laga hadlay arrimaha Afrika Gaar ahaan Dalka Soomaaliya
Wasiiru dowlaha kalluumeysiga & kheyraadka badda ee DFKMG, Xildhiban Cali maxamed Faqi oo ka hadlay kulanka ayaa Guji

Maxaad kala socotaa Dastuurka la isku heysto Wadanka Ciraaq?
Waxaa dhibka taagan yahay sidii loo saxiixi lahaa Dastuurka Ciraaq, hadaba maxaa la isku hayaa? ...Guji... Aug 19


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ... Guji... Aug 12

Soomaalida Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo.. Guji... Aug 12


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD