SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWITZERLAND

Wufuudda Soomaalida ee ka qeybgaleysa shirka Caux oo soo bandhigtay Maanso, Gabayo...

Habeenkii xalay ahaa oo dhamaan wufuudda ka qeybgaleysa shirka ka soconaya magaalada CAUX ee dalka Switzerland ayaa soo dhandhigay xaflad aad u sareysa oo ku saabsan dhaqanka iyo Hidaha dowladihii ka qeybgalaya shirkaasi.

Shirkan oo ay ka qeybgalayeen in ka badan 196 dowladood oo ka kala yimid dhamaan daafaha dunida ayaa soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka ummadaha ay ka soo jeedaan, iyadoo intii ay xafladdaasi socotay la soo bandhigay, maanso, Gabayo, Buraanburo, taas oo ay aad u soo dhaweeyeen dhamaan dadkii ka qeybgalay.

Xaflad sida heerka sare loo soo agaasimay oo bilaabatay 8.30 iyadoo xafladdaasi ay dhamaatay 1.00 habeennimo

Wufuudda Soomaalida shirkaasi uga qeybgalay ayaa halkaasi ku soo bandhigay maanso isugu jira, Wadani, Gabayo iyo Buraanburo, iyadoo ay u riyaaqeen ka qeybgalayaashii goobta joogey, sidii wacneyd ee Soomaalida oo wada jirta halkaasi ugu soo bandhigeen iyagoo isku u jeedo ah, isla markaana wixii ay ka kororsadeen halkaasi diyaarka ugu yihiin in ay u gudbiyaan dadkooda Soomaaliyeed.


Dhinaca kale shirkani wuxuu soo gabgabooyayaa maalinnimada berrito ah, oo ay bishan ku began tahay 20/08/2005, iyadoo wufuudda Soomaalida ee halkaasi ku suganna ay dib ugu soo laaban doonaan goobihii ay ka kala yimaadeen markii hore.


Caux Information Center, Switzerland

Shirka Caux oo laga hadlay arrimaha Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya

SomaliTalk.com (Aug 18, 2005): Sirka ka soconaya magaalada Caux ee dalka Switzerland oo biloowday 12kii bishan August dhamaanna doona 20ka bishan August ayaa maanta si ballaaran waxaa looga hadlay arrimaha dalalka Afrika, gaar ahaan arrinta Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Fedraalka KMG ah ee Soomaali Mudane Xildhiban Cali maxamed Faqi ayaa ugu  horeyntii ku bilaabay qudbaddii uu halkaasi ka jeediyay sidan:

Mudane Xildhiban Cali maxamed Faqi

Xubnaha Beesha Caalamka oo dhegeysanaya Wasiirka Mr. Fiqi

"Waxaan marka hore u mahadcelianayaa qabanqaabiyayaasha kullankan ballaaran ee ay ka qeybgalayaan dhamaan dowladaha adduunka, loogana hadalayao sidii aduunyada oo dhami si nabadgalyo ah loogu noolaan lahaa, goobaha ay khilaafaadyadu ka jiraanna xal loogu heli lahaa.

Marka aan ka hadlo arrinta Soomaaliya, waxaad marqaati ka tihiin in dalka Soomaaliya uu 15kii sanadood ee ugu dameeyay ka jireen dhibaatooyin, gaar ahaan xagga sharciga iyo kala dambeyta, iyadoo sabatu ay tahay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo burburtay.

Waxaa la qabtay shir dib u heshiisiin qaran ah, kaas oo kama dambeystii lagu gaarey dhisme dowlad Soomaaliyeed, laguna soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay madaxda Soomaalyeed, waxaan hubaa in khilaafyaa hadda jira lagu dhameyn doono wada hadal iyo is faham dhex mara dadka Soomaaliyeed.

Hadaba si loo gaaro dib u heshiin buuxda oo dhex marta dadka Soomaaliyeed, waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa in ay nala garab istaagaan taageero siyaasdeed iyo mid dhaqaale xilligan adag. Waxaa dhab ah haddii aan helno taageeradiina in aan soo celin doono nabadgalyadii iyo daganaanshiyiihii, xallin doonnana wixii ka haray dib u heshiisiinta, taasi oo horseed doonta dowladda Federaalka KMG ah sidii loo mideyn lahaa dalka Soomaaliya.

Waxaan saaxiibadeen Initiative of Chance ka rajeyneynaa in ay naga saacidi doonaan sidii aan uga soo kabsan laheyn waxyeellada ay sababeen dagaallada sokeeye ee ka dhacay dalka soomaaliya, iayadoo aan ka ambaqaadeyno ka faa'iideysiga Seminar/kan halkudhiggiisu ahaa barasha sidii nabad loo abuuri lahaa.

Ugu dambeytii waxaan jeclaan lahaa dadka dhageystayaasha ama goobjoogga ka ah halkan, in ay ogaadeen in aan farriintan nabadda ee CAUX aan gaarsiin doono dadka Soomaaliyeed, anniga oo ka faa'iideysanaya wixii waxtarka ay nabadda u leedahay nolosha aadamiga.
Mahadsanidiin

Mudani Fiqi oo madasha ka hadlaya

Xubnaha dowladaha ka socda dalalka Afrika

Education International President Christopher Drake iyo Xubnaha Soomaalida Shirka

Shirkan waxaa ka hadlay xubno aanan magacyadooda halkan ku soo koobi karin, waxaana ka mid ahaa

1. Cornelio Sommaruga President of the International Association
2. Xubno ka socday dalalka Masar, South Africa, Uganda, Democratic Republic of Congo


Information Center | Aug 18, 2005


Wafti Soomaaliyeed oo Ka Qaybgalaya Shir kasocda Switzerland

SomaliTalk.com Caux Switzerland | Aug 16, 2005

Shir ballaaran oo kasocda magaalada Caux ee dalka Switzerland ayaa waxaa wufuuda ka qayb gelaya ka mid ah wafti metelaya DFKMG. Waftigaas oo dhabaal u diraya shacabka Soomaaliyeed ayaa hadalkoodii ku bilaabay sidan:

Waxaan annaga oo ka mid ah wafdiga magaca dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ugu qeybgalaya shirka ka soconaya magaalada CAUX ee dalka Switzerland u direynaa dadka Soomaaliyeed salaan diiran, marka xiga annaga oo ka wakiil ah dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxaan ku rajo weynnahay in casharada iyo tusaalayaasha ku dayashada mudan ee aan ku qaadaneyno mudada uu shirka socdo ku rajo weyn nahay in aan wax weyn ka qaban doonno sidii dib u heshiisiin buuxda loo gaari lahaa, dadka Soomaaliyeedna ay uga bixi lahaayeen qaska iyo jahawareerka ay wehelka uga yeeleen horjoogayaashooda.



Nabad lama gaarayo dadkeenuna nolol ma hananayaan inta dadka Soomaaliyeed ay taageerayaan wixii mas'uulka ka ahaa wixii ka dhacay dalka Soomaaliya ay cafis weydiisanayaan dadka Soomaaliyeed, isla markaana dadka Soomaaliyeed ka harayaan wixii sababta u ahaa qaranka burburka baahay ee ku dhacay qarannimadii jamhuuriyadda Soomaaliya.

C/casiis Cali Ibrahim  *Xildhiban* oo kamid ah waftiga ayaa yiri: Waxaan hubnaa in wax badan ay ku soo kordhin doonaan marka ay haboonaato in aan dib ugu noqonno dalkii Soomaaliya, wixii aan ka baranayna aan gaarsiinno dadkeena Soomaaliyeed, waxaa lama huraan  ah in maanta dadka Soomaaliyeed iyaga oo ka faa'iidesanaya casharadii uu waqtigu baray  in ayan dib dambe u dhicin in ay daba sii hayaan cudurkii kala dheelmiyay ama dilay.

Shirkan aynu kaga qeybgaleyno magaalada Caux ee dalka Switzerland wuxuu biloowday 11kii bishan Augost wuxuuna dhamaanayaa 20ka bishan 2005, dadka Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shirka ayaan sanadkan noqday kuwa ugu tirada badan marka loo fiiriyo wufuudda ka socota dunida oo gaareysa ilaa  196 dowladood. tirada wufuudda ka qeybgaleysa shirka waxay gaarayaan ilaa 350 ruux , waxayna isugu jiraan aqoonyahanno ka kala socda Jaamacadaha adduunka, hey'addo caalami ah iyo ururada bulshada ee ku howlan howlaha nabadda iyo dib u hesiisiinta goobaha ay iska hor imaadyada ka jiraan.



Dhinaca kale wufuudda Soomaalida ee shirkaasi ka qeybgaleysa ayaa muujiyay in ay dhab ka tahay sidii ay wax uga qaban lahaaayeen dhibaatada ka jirta dalkooda, waxayna diyaar u yihiin sidii kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen wax ka qabashada dhibaatada dalka hareeysay.

Hadaba xubnaha Soomaalida uga qeybgalaya shirkaasi ayaa soo bandhigay barnaamij ku saabsan Hiddaha iyo dhaqanka nabadeed ee Soomaaliya, kaas oo lagu muujiyay qaab casri ah oo isugu jira maqal iyo muuqaal oo ku saabsan murtida iyo maahmaahyada wanaagsan Soomaalida.


SomaliTalk Caux Switzerland 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2005


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ... Guji... Aug 12

Soomaalida Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo.. Guji... Aug 12


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD