Maxaad kala socotaa
Dastuurka la isku heysto Wadanka Ciraaq?
Sida aan lawada socono
waxaa dhibka taagan yahay sidii loo saxiixi lahaa
Dastuurka Ciraaq, taasoo hadaan lagu guuleysan
keeni-karta in Wadanka Ciraaq uu u kala qeybsamo kooxo
kala diin ah ,hadaba maxaa la isku hayaa?
Qodobka Koowaad ayaa
isagu ah Diinta.
1-Diiniyan halka loo
noqonayo ,Shiicada ayaa ku adkeysanaysa in loo aqoonsado
Culimada Najaf inay noqdaan kuwa u dambeeya ee go'aan
ka-gaara arinkasta,sida Wadanka Iiraan ,ayna noqdaan
kuwo loo noqdo khilaaf-kastana xaliya,hadaba qodobkan
waxaa diidan oo ka horyimid in la saxiixo Suniga.
Qodobka Labaad ayaa
isagu ah Dhaarta.
2-Dhaarta ayaa Shiicadu
soo jeedisay inay noqoto "WAXAAN KU DHAARTAY
ILAAHAY,ALCALIYI,ALCADIIM",halka ay Sunigu ku
adkeysanayaan inay noqoto sidii RABI na faray oo
ah,"WAXAAN KU DHAARTAY ILAAHAY AL-CADIIM" hadaba
Qodobkan waxa diiday in la saxiixo Suniga.
Qodobka Sadexaad oo isagu
ah Shiidaalka.
3-Saliida ayaa ah
kheyraadka oogu muhiimsan ee Wadanka Ciraaq, hadaba
waxaa Saliida laga soo saaraa Koonfurta iyo Waqooyiga oo
ay kala degaan Shiicada iyo Kurdiga,hadaba waxaa meesha
ku qadaya Carabta Sunuga oo iyagu degan Gobolada Dhexe
iyo qeybo ka mid Caasimada Baqdaad,qodobkaan waxaa ka
horyimid in la saxiixo Suniga.
Qodobka Afaraad
Qeybsashada Xukuumada.
4-Reysalwasaaraha in ay
markasta xaq uu leeyihiin Shiicada, Madexweynahana ay
leeyihiin Mar-kasta Kurdida ,halka Suniga ay noqonayaan
Gudoomiyaha Baarlamaanka ,taasoo markasta ay ku dulman
yihiin Suniga maadaama ay is baheysanayaan Shiicada iyo
Kurdiga ,hadaba qodobkaan in la saxiixo waxaa hortaagan
Suniga.
Qodobka Shanaad waa Federaalka
5-Federaalka waxa ay dan
oogu jirtaa Shiicada iyo Kurdida ,kuwaasoo rabo in la
siiyo awood dheeraad oo weliba la siiyo Maamul
Goboleedyada ,awoodna u leeyihiin inay Wadamo kale
heshiis la geli karaan, qodobkan ayaa waxaa dan oogu
jirtaa Shiicada iyo Kurdida, maxaa yeelay Kurdida waxay
ku dhawaaqi karaan gooni-isutaag ,Shicadana waxay la
midoobi karaan Dawlada IIRAAN, hadaba qodobkaan waxaa
diiday in la saxiixo Suniga Ciraaq.
Hadaba waxaa lagu
dhawaandib loo dhigay go'aankii saxiixa dastuurka iyadoo
ujeedada ka dambeysana lagu sheegay in lahelo xeer ja-jab
,si loo dhameeyo khilafka dastuurka.
Xeel-dheerayaasha
Bariga Dhexe ayaa iyagu aaminsan ,in ay adag tahay sidii
loo qancin lahaa Suniga, Nin ka tirsan Baarlamaanka
Suniga oo khudbad ka jeediyay gudaha Baarlamaanka ayaa
waxay hadal kulul is dhaafsadeen Gudoomiyaha Shiicada oo
magaciisa la yiraahdo Alxakiim wuxuna ku yiri:
"CIRAAQ WAXAAD U
HORSEEDEYSAAN KOOXEYSI, DABKA KOOXEYSIGANA WAXAA KU
GUBANAYA IDINKA AYAA OOGU HOREYN DOONO"
Hadaba su'aasha
isweydiinta ubaahan ayaa waxa ay tahay qodobada aan kor
ku soo sheegay ma u cuntami doonaan inay saxiixaan
Suniga Carabta Ciraaq? jawaabta akhristayaasha ayey
utaal.
Xuseen Yaasiin
Gode-Gode
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 18, 2005
Soomaalida
Minnesota oo Cambaaraysay Qaraxyadii Ka Dhacay London, UK
Kulan ay kasoo qayb galeen Qunsulka
Britain u fadhiya Chicago, Safiirkii Maraykanka u fadhiyi jirey
Soomaaliya, Senator Coleman iyo Soomaali farabadan oo lagu qabtay
Jaamacada Hamline ayaa...
Guji..
Maalintii Xasuusta
ee Suldaan Hurre oo ku beegan Aug 17
Guji
Masjid Saddex Dabaq ah
oo Laga Dhisayo Laascaanood
Dhismihii hore ee masjid Al-Huda ayaa la dumiyey
si looga dhiso masjid baaxad weyn oo ka kooban...
Guji... Aug 16
UNHCR oo Qaar ka
tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey
Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso...
Guji... Aug 16
Gabar
Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay.
Guji....
Xisbiyada mucaaradka
Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo
xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ...
Guji... Aug 12
Soomaalida
Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August
waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo..
Guji... Aug 12
|