Warbixinta Kooban ee FSAU August 2005 & Hadal Saxaafadeed
Waxa halkan ku lifaaqan Warbixinta Kooban ee Hubinta
Cuntada iyo Nafaqada ee
FSAU ee August 2005. Warbixintan waxanu ku soo bandhigaynaa natiijooyinka
ugu muhiimsan ee Qiimayntii Sannadkan ee Xiliga Guga Kadib ee FSAU iyo FEWS
NET. Falanqaynta tafatirani waxay ku qiyaastay 919,000 oo qof inay u
baahanyihiin gargaar degdeg ah inta u dhaxaysa iminka illaa bisha January
ee soo socota. 542,000 oo dadkaasi ka mid ahi falanqaynta qiimayntan ayay
ku jireen 377,000 oo qofkna waxa weeye dadka gudaha dalka hore ugu
barakacsanaa.
Seeraha iyo xaaladda xooluhaha ee dhammaan gobollada waqooyiga iyo kuwa
dhexe si weyn ayay hore ugu mareen kadib roobabkii Guga ee aadka u fiicnaa.
Koonfurta, dhulka beeraha ee muhiimka ah waxa ka jira in roobabku ay dib u
dhaceen, daadad badan iyo nabad la'aanta sii socta oo keenaya soosaarkii
dalagga Guga ee ugu xumaa muddo toban sannadood ah (44% celceliska dagaalka
kadib).
Gurmadyadii Bina-aadamnimada ee hore uga jiray gobollo waqooyiga ah iyo
gobollo dhexe waxa lagu tilmaamay inay ku jiraan Xiisad Hab-nololeedka ah,
marka laga reebo dadka xaalufay oo ku kooban magaalooyinka yaryar oo iyagu
weli ku jira Gurmad Bina-aadamnimo. Hase yeeshee, Gedo iyo Jubba
xaaladdooda ah Gurmad Bina-aadamnimo oo halis ahi way sii socota kadib
daadad, soosaar dalagga ah oo liita iyo nabad la'aan.
Warbixintan kooban kadib, FSAU waxay ku soo saari doontaa Taxane Farsamada
ah laba toddobaad gudahood kaasoo bixin doonaa falanqayn buuxda oo
faafaahsan.
Mahad badan waxa iska leh in ka badan 20 hay'adood oo si weyn uga qaybqaatay
falaqaynta ama bixiyey taageero xagga saadka iyo fududaynta howsha ah!
Mar kale aan idinku casuumo inaad booqataan websaytkayaga cusub:
www.fsausomali.org.
Sidaas iyo Nabad gelyo
Nicholas Haan, Ph.D.
Chief Technical Advisor, Food and Agriculture Organization of the United
Nations (La-taliyaha Sare ee Farsamada u Qaabilsan FAO)
Food Security Analysis Unit, Somalia (Qaybta Falanqaynta Hubinta Cuntada ee
Soomaaliya)
Kalson Towers, 3rd Floor
Parklands, Nairobi, Kenya
Tilifoonka +254-(0)20-3745734
Faakiska +254-(0)20-3740598
Qoraalkan kala xiriir:
Zainab:
zainab.jama@fsau.or.ke
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 18, 2005
Soomaalida
Minnesota oo Cambaaraysay Qaraxyadii Ka Dhacay London, UK
Kulan ay kasoo qayb galeen Qunsulka
Britain u fadhiya Chicago, Safiirkii Maraykanka u fadhiyi jirey
Soomaaliya, Senator Coleman iyo Soomaali farabadan oo lagu qabtay
Jaamacada Hamline ayaa...
Guji..
Gudoomiyaha
Baarlamaanka oo u ambabaxay Magaalada Nairobi
Wafti uu hoggaaminayo Shariif Xasan ayaa..
Guji...
Aug 17
Maalintii Xasuusta
ee Suldaan Hurre oo ku beegan Aug 17
Guji
Masjid Saddex Dabaq ah
oo Laga Dhisayo Laascaanood
Dhismihii hore ee masjid Al-Huda ayaa la dumiyey
si looga dhiso masjid baaxad weyn oo ka kooban...
Guji... Aug 16
|