Soomaalida Minnesota oo Cambaaraysay Qaraxyadii
July 7, 2005 Ka Dhacay London, UKWaxaa kulanka
ka soo qayb galay: Qunsulka Britain u fadhiya Chicago, Safiirkii Maraykanka u
fadhiyi jirey Soomaaliya, Senator Coleman, Qareenka gobolka, iyo Soomaali
farabadan oo leh culimo, aqoonyahanno, rag iyo dumar iyo marti kale..
Xusuuqda Sawiradan waxaa leh
SomaliTalk.com
Madaxdii khudbayneysey oo la soo dhoweynayo
Furitaankii shirka
Ambasaddor T. Frank Crigler oo
madasha ka halaya
Xaawo Ayeyo oo Buraanbur tirineysa
Daahir Xasan oo metelaya DFKMG
Qunsulka Britain Andrew Seaton madasha ka hadlaya
Sheikh Cabdisalaan oo ka hadlaya madasha...
Maxamuud Wardheere oo madasha ka hadlaya
Senator Norm Coleman oo k ahadlay madasha
Zakariye Aaden weiyha SomaliShow TV
oo oo casarkii soo tukadey kun asoo laabanay madasha si uu
duubitaanka usii wado. |
SomaliTalk.com (Aug 17, 2005): Kulan ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa galabnimadii Talaadada (Aug 16,
2005) lagu qabtay Jaamacada Hamline University oo ku taal magaalada St. Paul oo
kamid ah magaalooyinka Mataanaha (Minneapolis/St. Paul).
Ugu horayn markey saacadu ahayd 4:30PM
galabnimo ayaa waxaa
shirka furay xiriiriyihii shirka, Maxamed Abuubakar Xaaji Xuseen oo ah
Madaxweynaha ururka midowga Soomaalida "Council of Somali Unity", waxana uu sheegay sababta shirka la
isugu yimid in ay tahay in ay Soomaalidu muujiyaan dareenkooda iyo tageeradooda ay la garab
tagan yihiin Maraykanka iyo Britain la dagaalanka ay kula jiraan argagixsada.
Hor dhaca kadib, Maxamed Abuubakar Xaaji Xuseen
waxa uu magarafoonka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Jaamacada uu kulanku ka
dhacayey oo magaceeda la yiraahdo Linda Hanson iyo Hormuudka kulliyada Sharciga
ee Jaamacada oo magaciisa la yiraahdo Jon Gordon, si ay madasha uga soo
jeediyaan erayada furitaanka kulanka la isugu yimid. Waxayna u mahaad celiyeen
dhammaan int ak asoo qayb gashay kulanka.
T. Frank Crigler |
C/Qaadir Yaxye |
Kaddib waxaa magarafoonka lagu soo dhaweeyey Ambassador
Trusten Frank Crigler oo ahaan jirey safiirkii Maraykanka u fadhiyi Jirey
Soomaaliya intii u dhexeysey April 24, 1987 ilaa April 1, 1990. Waxana uu ugu
horayntii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota uga mahad celiyey isu
imaatinka ay shirkan isugu yimaadeen. Waxana uu xusay sida uu uga xun yahay
dililka ka dhaca Soomaaliya dhowaanahan, oo uu si gaar ah u xusay C/Qaadir Yaxye Cali oo
July 11, 2005 lagu diley Muqdisho, waxana uu sheegay in uu Virginia kaga qayb
galay tacsi loo dhigay. Waxana uu intaas ku daray asaga oo yiri: C/Qaadir Yaxye waxa uu kamid ahaan
jirey Staff-kaygii
xilligii aan safiirka ka ahaa Soomaaliya." Waxana uu sheegay in C/Qaadir uu
Soomaaliya u tegey ka qayb qaadashada nabadaynta.
Ambassador T. Frank Crigler oo hadalkiisa sii
wata waxa uu yiri: Waa arin bini'aadaminada ka baxsan in nafta laga qaado qof
nabad raadis ah, taas ayaana ah argagixsada dhabta ah." Waxana uu
hadalka ku daray:
waxaan u rajaynayaa in Soomaaliy ay noqoto dawlad.
Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee
Soomaaliya (DFKMG) waxaa kulanka uga soo qayb galay Daahir Xasan oo ah Qareenka
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Daahir oo erayo kooban soo
jeediyey waxa uu xusay sida ay Dawlada FKMG u cambaaraynayso argagxisada ayna
dunida u garab taagan tahay.
Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) |
Dadka kale ee Soomaaliyeed ee madasha ka hadlay
waxaa ka mid ahaa Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) oo halkaas ka
sheegay in Soomaalidu aysan rabin in ay ka qayb gasho argagxisada. Waxana uu
yiri: dadka wax qarxinaya waxay ahaayeen dad qaxootinimo lagu keenay oo guryo la
siiyey, iskuul la geeyey, oo ay ahayd in ay abaal gudaan. Waxana uu intaas ku
daray asagoo yiri " Waxaan cambaaraynayaa Argaxisada" si uu u muujiyo
cambaarayntaas waxa uu tiriyey gabay uu ugu magac daray "I Don't Brief My Eyes" oo uu sheegay in uu u tiriyey qaraxyadii September 11, 2001 ka dhacay New York.
Waxana uu sheegay in aan dhacdadaas taariikhdu ilaawayn.
Waxaa kale oo buraanbur madasha ka soo jeedisey
Xaawo (Ayeeyo), burburkaas oo dulucdiisu ahayd in ay Soomaalidu daacad yihiin. Waxan ay tiri: Soomaalidu dhaqan uma laha in ay khiyaameeyaan dadka
soo dhoweeya.
Waxa kale oo madasha ka hadlay Sheikh
CabdiSalaan Shariif oo ku hadlay magaca Culimada waxa uu tibaaxay waxa ay diinta
Islaamku kaqabto argagxisada. Waxana uu yiri: Waxaa Muslimka laga rabaa in
haddii uu awood u leeyahay uu gacanta ka qabto ama ku suuliyo, haddii uu gacanta ku qaban waayo
hadal ahaan ku suuliyo, haddii uu hadalka ku qaban waayona uu niyada ka necbaado.
Waxana uu Sheikh Cabdsalaan hadalka kusoo koobay in Diinta islaamku ay tahay diin
nabadeed
Andrew Seaton |
Martidii kale ee shirka ka hadashay waxaa kamid
ahaa
Qunsulka dawlada Britain u fadhiya magaalada Chicago oo magaciisa la yiraahdo
Andrew Seaton, waxana ugu horayntii sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku
dhaqan dalka Britain ay tiradoodu tahay 100,000 oo qof.
Qunsulka waxa uu Soomaalida Minnesota uga mahad
celiyey shirka ay ku soo casumeen, asagoo sheegay gaar ahaan in uu uga mahad
celinayo taageeradooda ay dawlada Britain la garab taagan yihiin la dagaalanka
argagxisada. Waxana uu ka war bixiyey qaraxyadii London asagoo sheegay dadka
dhibaatadu ka soo gaartey in ay isugu jireen 19 dal oo kala duwan, ahaayeena
dad haysta diimo kala duwan sida Muslim, Christian, Jews, Sikh. Waxana uu
sheegay in argagixsadu aysan kala soocin Muslimka iyo dadka aan Muslmika ahayn.
Waxa kale oo uu ka war bixiyey sharciyada laga soo saaray Britain si looga hor
tago argagixisada, asagoo sheegay in lala tashaday hoggaamiyayaasha Muslimiinta
ah ee Britain. Asagoo yiri ma ahan in ay magaca Muslimka dhaawacaan koox yari.
Qunsulka Britain, Andrew Seaton, waxa uu
sheegay in Muslimiinta Britain ay yihiin dad ka qayb qaata horumarka dalka. Waxan uu sheegay in ay Britain ka jiraan 110 School Muslim,
iyo 1200 oo Masaajid iyo in Aqalka Britain ee loo yaqaan "House
of Lords" ay xubno ka yihiin 5 Muslimiin ah, halka Aqalka "House of Common" ay
xubno ka yihiin 4 Muslimiin ah.
Waxa kale oo uu Qunsulku xusay siyaasada
Britain ee ku aadan Israel iyo Palestine. Waxana uu sheegay dadaalka uu Ra'iisul
wasaaraha Britain, Tony Blair, ugu jiro horumarinta Qaarada Afrika. Waxa kale oo
uu xusay xiriirka Britain iyo dalalka Muslimka.
Maxamuud Wardheere |
Kaddib Maxamuud Nuur Wardheere oo Soomaalida
reer Minnesota u mahad celiyey ayaa intii uusan magarafoonka ku soo dhoweyn waxa
uu faallo gaabanka bixiyey Senator Norm Coleman oo xubin ka ah Guddiga aqalka
Senate Maraykanka u qabilsan arimaha Dibada. Markii uu madasha soo istaagey waxa
uu Senator-ku afSoomaali ku yiri "Soo dhowaada" asagoo u jeeda waftiga kale ee
aan afsoomaaliga ku hadlin.
Senator Norm Coleman |
Senator Coleman waxa uu yiri: Ma qiyaasi
kareysaan sida aa ugu niyad samahay Soomaalida Minnesota. Asagoo hadalka ku
xoojiyey "Kuwani waa wajigii Minnesota" asagoo ku jeeda dadka Soomaaliyeed ee
soo camiray qolka weyn ee shirarka ee Jaamacadda.
Senator Coleman inta uu jaleecay Ambassador T.
Frank Crigler ayuu ku yiri "Soomaaliya in aad Ambassador u noqotid ayaan kuugu
codeynayaa". Hadalkaas markii uu yiri Soomaalidii madasha fadhidey inta ay
istaageen ayey u sacbiyeen.
Senator Norm Coleman waxa uu hadalkii kusoo
xiray "Haddii aan Soomaaliya hadda sidaas uga tagno waxay noqon doontaa meel
argagxisado ku kobocdo."
Maxamuud Wardheere waxa uu xafiiska Senator
Coleman u qaabisan yahay arrimaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka
Minnesota. Coleman waa senator ka tirsan xisbiga Republican-ka ee hadda haya
talada dalka Maraykanka.
Madaxda kale ee madasha lagu casumey waxaa
kamid ahaa xafiiska qareenka gobolka.
Qoraalka rasmiga ah ee Soomaalida Minnesota si
loo akhriyo waxaa magarafoonka lagu soo dhoweeyey Xaawo Kamaaludiin oo
akhriday dhambaalkii ay jaaliyada Soomaaliyeed u dirayeen Dawladaha Britain iyo
Maraykanka, dhambaalkaas oo ku qornaa luqada Afka Ingriisiga oo ay
SomaliTalk.com soo tarjumtey waa kan:
"Soomaalidu Waxay Kasoo
Hor Jeedaan Argagixisada
Magaca Allah Ayaan Ku Bilaabanayaa ee
Naxariista guud iyo mid Gaar ahba Naxariista.
Xubnaha Xarumaha Islaamiga ah ee Soomaalida iyo
Ururada Jaaliyadda oo garab taagan jaalkooda Ameerikaanka iyo dhammaan dadka
damiirka leh meel kasta oo ay adduunka kaga sugan yihiin waxay si aan kala har
lahayn u cambaaraynayaan ficilada argagixisada, oo ay ka mid yihiin qaraxyadii
lala beegsaday London July 7, 2005, kuwaas oo tobankii sano ee ugu dambeeyey
meelo badan oo adduunka ah si khaldan loogu fuliyey magaca Islaamka.
Soomaalidu waxay dareemayaan xanuunka ay
dareemayaan dalalka lagu dhibaateeyey ficilada argagixisada, ayagoo u dareemaya
si aan cid kale u dareemayn maadama ay yihiin (Soomaalidu) dhibayaal loo geystey
argagxiso. Shan iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey waxaa Soomaalida soogaarey
arin aan inaba la qiyaasi karin oo burbur ah iyo carqalad ay ka dambeyeen dad ay
isku midab yihiin, diin wadaag yihiin, iskun jinsi yihiin, taas oo muujineysa in
argagixsadu aysan wax sabab ama ujeedo ah dooneyn ee ay falkooda naxariis darada
ku fuliyaan. Argagixisada Soomaaliyeed waxay sababtay dagaalahli ah oo ay ku
dhinteen 800,000 oo Soomaali ah, iyo weliba inay adduunka ku kala firdheen
hal-million, iyo laba million oo ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.
Argagxisada nooca dilka shirqoolida ah ama qaab
qarsoon loo maleegayo ayadoo la fulinayo argagax aan loo miidaan deyin ayaa
noqday wax ku soo batay Soomaaliya tobankii bilood ee ugu dambeeyey, ilaa
October 2004 Nairobi, Kenya lagu asaasay dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah.
Dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya wadamada Afrikaanka ah ee deriska ah iyo beesha
caalamka ayaa waxay dhiseen dawlad ku dhalatay nidaam dib u heshiisiin ah oo isu
keentay dhammaan kooxaha Soomaaliyeed. Kordhida dilalka shirqoolka ah iyo falalka
argagxisada waxay xiriir la leeyihiin in ay suurtogal tahay in ay dhici karto in
dawladu ay ku guulaysato inay nabadeyso dalka (Soomaaliya). Sagaashan iyo shan
(95) qof oo caan ah oo Soomaali ah ayaa si axmaqnimo ah oo shirqool ah lagu
diley ilaa markii la asaasay dawlada (FKMG ee Soomaaliya.)
Soomaalida Minnesota waxay si xooggan ugu
adkaysanayaan in aysan jiri karin wax sabab ama cudurdaar ah oo qiil looga
dhigan karo in la gooyo nafaha dad aan dembi lahayn ama in wax la burburiyo ama
la sababo dhaawac. Quraanka Kariimka ah waxa uu na barayaa in qofkii dila hal
qof oo bini aadam ah oo aan waxba galabsan in uu la mid yahay qof diley aadamiga
oo dhan. Anagoo ah dadka Muslimiin ah waxaan si cad u cambarayneynaa falalka
qabiixa ah, anagoo u cambaarayneyna sida ugu xoogga badan, waxaana
weydiisaneynaa in wax kasta oo suurtagal ah la sameeyo si sharciga loo hor keeno
kawii ka dambeeyey falalkaas argagxisada ah loona mariyo ciqaab.
Islaamku waa diin nabad ah. Kuwa laaya dad aan
waxba galabsan ma ahan Muslimiin. Argagxisada magaca Islaamka u adeegsanaya
siyaasad waxa ay diinta u soo jiideen magac xumo. Islaamku wuxuu u tixgeliyaa
argagaxisada sidey doontoba ha ahaatee mid aan la aqbali karin. Sida ku cad
cadaymaha culimada Islaamka ka soo saareen daafaha dunida kadib falalkii
argagixisadii 9/11, 3/11, 7/7 iyo taariikho kale: "Shakhsi kasta ama koox kasta
oo sheegata falalka argagixsada sharciyaystana waxay ku dhaceen khalad weyn."
Anaga oo meteleyna Soomaalida Ameerika,
xaqiiqadii Soomaalida adduunka oo dhan, waxaan ballan qaadeynaa in aan la
dagaalano Argagxisada noocey doontoba ha ahaatee meel kasta ha joogtee. Waxaan
garab taaganahay dadka New York, Madrid, Jerusalem, Sharma-al-Sheikh, London,
Baghdad, Nairobi, Darussalam, Bali iyo meelo kale oo dadkooda ay dhibaato ka soo
gaartey argagxisada. Waxaan u sheegeynaa idinka, adduunka, jaaliyadaha adduunka
oo dhan, hay'adaha sharci dhawrida ee Minnesota, Maraykanka iyo dhammaan dalalka
la dagaalamaya argagixisada in aad garabkiina naga heleysaan oo aan idin
taageereyno, oo wada shaqayneyno si loo joojiyo argagxisada."
Xaawo Cali Kamaaludiin oo ka hadleysa
madasha
Xaawo Kamaaludiin markii ay dhambaalkaas
dhamaysay waxa ay tiri: Waxaa jirta warqad mar dhow la ii dhiibey, qoraalkaas oo
ay goobta ka akhriday (inkasta oo aanaan helin nuqulkiisii) hadana nuxurkiisu
waxa uu ahaa: qoraal Agoosto 16, 2005 ka soo baxay DFKMG , qoraalkaas oo
matalaya Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, C/Laahi Yuusuf Axmed, waxaana qoraalkaas
lagu cambaareeyey argagxisada, taas oo ay DFKMG sheegtay in ay caalamka ku
taageereyso la dagaalanka argagxisada.
Xiriiriyaha ShirkaMaxamed Abuubakar,
Wardheere iyo Senator Coleman iyo sawir qaade... |
Xaawo Kamaaludiin intaas kuma joogsan'e, inta ay
jalleecday Senator Coleman ayey waxa ay tiri: intaas waxay ahayd qoraaladii la ii
dheebey, laakiin hadda waxaan akhrinayaa qoraal ii gaar ah, waxa ay durbadiiba
Seretoorka xusuusisay mar sii horeysey oo koox dumar Soomaaliyeed ay fariisteen
xafiiskiisa ilaa uu la kulmo, dumarkaas oo taageero u raadinayey DFKMG, kaddib
waxay tiri: Su'aal ayaan ku weydiinayaa, (qof Soomaali ah ayaa dhegta kala faqay
oo yiri Xaawooy Sentorka su'aasha ha weydiin, waxay markiiba magarafoonka cod
dheer kaga tiri 'wuxuu i leeyahay ha weydiin laakiin waan ku weydiinayaa) su'aashaas oo ah: "Maxaa maamulka hadda
ee Maraykanku uu u caawin waayey Dawlada Soomaaliya." Hadalkaas oo dadkii
madasha fadhiyey ay u istageen ayagoo ku tilmaamay kelmedo aad u xoog badan,
xambarsana dhambaal muhiim ah.
Senator Coleman ayaa magarafoonka inta
uu kusoo laabtay waxa uu yiri: "Waxaan idiinla hadlaayaa si daacad ah, kuwani
waa qoyskaygii reer Minnesota asagoo ku jeeda Soomaalida, codkaygu waa codkiina." Waxana uu intaas ku
daray: "Sida uu Sheikhu sheegay waxaa jira wax gacmaha wax looga qaban karo,
anigu gacanta wax kagama qaban karo arintaas laakiin codkayga ayaan wax kaga qaban karaa."
Ugu dambayntii si shirka looxiro waxaa lagu soo
dhoweeyey Madaxweynaha Jaamacada oo mahadnaq ka dib shirka sidaas ku xirtay.
Marka dib loo jaleeco qaabkii uu shirku u
dhacay waxaad arkeysey markii la garey salaadii casar oo xilligaan xagaaga ku
beegan (5:20pm) in dadku ay tartiib-tartiib ugu baxayaan si ay u soo tukadaan
maadaama aan shirkii loo joojin Salaada, taas oo ka duwanayd waraaqaha ajandaha
shirka eela qaybiyey oo ay ku qornay in ay jiri doonto biririf inta u dhexeysa 5:10-5:30pm, dadkii dejiyey ajandahana waxaa cad in ay maanka ku hayeen salaada, laakiin
markii dambe la isweydiiyey sababta ay ajandaha u raaci waayeen. Xagga kale
bilowga shirku wuxuu ku bilowday waqtigii loogu talo galay taas oo ka duwan
habkii shirarka Soomaalida looga bartay ee ahaa in ay watiga lagu ballamo in shir la
bilaabo ay ka daahaan.
Xagga kale Faysal oo kamid ahaa kasoo qayb
galayaashii shirka ayaa tibaaxay in uu aad ugu bogey hadalkii ay Xaawo
Kamaaludiin u jeedisey Senetoorka.
Xagga warbaahinta waxaa shirka ka soo qayb
galay warbaahin maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo u badnaa Telefishano. TV-yada
Soomaalida Minnesota ee ka soo qayb galay waxaa kamid ahaa SomaliSHow TV oo laga daawada Minneapolis. Zakariye Aaden oo ah weriye katirsan SomaliShow TV ayaa
sheegay in uu TV-gaasi leeyahay daawadayaasha ugu badan Soomaalida.
Minnesota waxaa ku dhaqan Soomaalida ugu badan
ee deggan Maraykanka, waana bulsho shaqaysta, ku leh ganacsiyo, meelo wax
barasho , iskuulo ay Soomaalidu fureen iwm.
Ugu dambeyn waxaan ka cudurdaaranaynaa haddii ay
jiraan qof am ahadal aan ka tagnay intii aan salaada casar ku maqnayn.
Sidaas ayuu ku dhamaaday shirkii ay soo qaban
qaabiyeen "Council of Somali Unity" oo uu madaxda ka yahay Maxamed
Abuubakar Xaaji Xuseen, waxaana idiin soo tebiyey bahda SomaliTalk.com oo shirka
joogey.
Daabacadii SomaliTalk.com.