
Aqoon-wadaagga PEN
2005 – 5
Dhiirrigalinta
Halabuurka iyo Ku-qorista Afka Hooyo
Walaal,
Naadiga PEN ee
Qorayaasha iyo Halabuurka af Soomaaliga ku hadla
(Somali-speaking Centre of International PEN)
waxaa farxad u ah inuu kugu martiqaado
aqoon-wadaag muhiim ah oo ay ka qayb qaadan
doonaan aqoonyahanno iyo halabuur dhallinyaro
iyo ruug-cadaaba leh oo soo bandhigi doona murti,
suugaan iyo doodo ku saabsan dhaqanka iyo
suugaanta Soomaaliyeed iyo dhallinyarada ku
koraysa qurbaha. Doodda oo noqon doonta mid ay
ka qayb qaadan karaan dhammaan ka-qaybgalayaashu
waxaa tixgalin gaar ahaaneed la siin doonaa
qoraalka af-Soomaaliga iyo sidii loo abuuri
lahaa dhaqan akhris (a culture of reading).
Taariikhda iyo
waqtiga: Axadda 21ka August 05, 5ta
Galabnimo
(5pm).
Goobta:
St. Pancras Church Hall
Lancing Street
(off
Eversholt St.) NW1
Nearest tube
station: Euston
(The hall is just
opposite Euston Station)
Ka soo qaybgal
wacan!
_______
Waxaa soo tebiyey:
Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
____________________________________________________________________________
PATRONS: NURUDDIN
FARAH, MOHAMED IBRAHIM WARSAME “HADRAAWI” AND
ISMAIL HUSSEIN TANI
PRESIDENT: MAXAMED D AFRAX; VICE-PRESIDENT:
SACIID JAAMAC, TREASURER: SAID DAUD