UNHCR oo
Qaar ka tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab
Maanta dib u celisay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo
Boosaaso.
Abdikarim Aden Hussein
UNHCR Dhadhaab, Gaarisa.
abdikarimhussein@hotmail.com
Aug 16, 2005
Soomaalida
dib ugu laabanaya dalkoodii oo diyaaradii qaadi lahayd ka raacaya
Dhadhaab. Aug 16, 2005 | Sawirka: Reuters |
Qaar ka tirsan
Qaxootiga Soomaalida ee xerooyinka IFO, Xagar
Dheer iyo Dhagaxley ayaa maanta dib ugu laabtey
magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.
Magaalada
Gaalkacyo ayaa waxaa aadey 47-qof, halka 16-qof
berito aadi doona magaalada Boosaso.
Qofkiiba ayaa
waxaa la siiyey min 170-US-Dollar oo kasha ah
,130-waa raashin ,30-na waa jeeb gashi.
Qaxootiyadii
hore ayaa waxa hay`adda WFP siin jirtay raashin
ay cunaan 3-bilood ,baco ,bustayaal iyo weelasha
maacuunta .
Qaxootigan ayaa
UNHCR waxay ka dalbadeen in loo celiyo
Soomaaliya, waana qaxootigii ugu horeeyey oo
waddanka dib ugu laabta tan iyo markii Dawlada
federaalka KMG ee Soomaaliya dib ugu guurtay
waddanka Soomaaliya.
Qaxootiyada dib
ugu laabtay Soomaaliya ayaa badanaa waxay aadaan
Gobolada Puntuland halka qaar kale dib ugu
laabtaan,sida Jubba hoose ,Jubada Dhexe ,Shabeelada
Hoose ,Banaadir iyo Shabeelada Dhexe.
Gobolada
Qaxootiga hada ay tagayaan ayaan lagu kalsoonaan
Karin amaankooda wallow ay ka mid yihiin
Magaalooyinka Maamul Goboleedka Puntuland.
Madaxweynaha
Dawlada KMG ee Soomaaliya Muddane Cabdullahi
Yuusuf Axmed ayaa ka soo jeeda Beelaha dega
Gobolada Puntuland oo isaga kol hore ka ahaa
Madaxweyne Goboleed.
Qaxootiga jooga
dalka Kenya ayaa dhan 224,440 qof (138,129
dhadhaab +86,311 Kaakuma), qaxootiga ayaa ka
kala yimid ,Somalia ,Ethiopia, Sudan, Eritarea,
Congo, Rwanda, Burundi ,Tanzania, Centarl Africa
Republic.
Si kastaba ha
ahaatee Qaxootiga Soomaalida ayaa ugu badan
qaxootiyada ku jira xerooyinka dhadhaab oo
tiradoodu tahay 138,129 qaxooti ,guud ahaan
halka Soomaalida tahay 134,896-qof oo qaxooti
Soomaalida ,waana xerada ugu weyn xerooyinka
qaxootiga ee ku yaala Bariga iyi Bartamaha
Afrika.
Qaxootiga
dib ugu Noqonaya Soomaliya ayaa la oganeyn waxa
ay Soomaaliya kala kulmi doonaa wallow hay`da
UNHCR maamulka Gaalkacyo ka codsatey in ay dib
ugu celiso wadankooda hooyo qaxootigaasi.
Xerada ama
Kaamka Qaramada Midoobey ee degaanka dhadhaan
ayaa dhul weyn ku fadhiya waxaana degan dhamaan
hay`adaha Gargaarka ee hoos taga Qaramada
Midoobey ee ka hawl gala Kenya.sida UNHCR,Care ,GTZ,
WFP,NCCK iyo qaar kale.
Maalin
walba waxaa Degaanka Dhadhaab yimaaada kana baxa
6-Bas maalin walba, 3- ka mid waxay tagaan kana
soo noqdaan Qaxootiga IFO, Dhagaxley iyo Xagar
Dheer, 3-kale waxay tagaan xuduudka Soomaaliya
iyo Kenya ee Dhijidi Buulo iyo Lifooya Kenya.
Qaxootigii
baxay mar aan la kulmay ayaa waxaan weydiiyey
su'aal aheyd haddii dhib ay kala kulmaan meelaha
ay u socdaan in ay dib uga soo noqonayaan
Soomaalya ayaa waxay ii sheegeen in ay ku
faraxsan yihiin laabashadooda Soomaaliya ,dib
ayan ugu soo noqon doonin Xerooyinka Qaxootiga
.
10:05 barqadii
ayaa Diyaarada cagaha waxay soo dhigatey
Garoonka Macmalka ee Degaanka Dhadhaab,
qaxootigii halkaasi joogay ayaa waxaa loo
qaybiyey Caagadaha Biyaha ee 10-litir
qaadka,weelasha cuntada busto iyo Bacaha
guryahay Kor laga saaro.
Mr.Toshimo
Odoshimo oo ah Madaxa hay`ada UNHCR ee Degaanka
dhadhaab ayaa ii sheegay in qaxooti badan
Soomaaliya dib ugu laabanayaan bilaha iyo
maalmaha soo socda.,waxaa kaloo uu sheegay in
qaxootiga Soomaalida ee ka baxa xerooyinka laga
war heyn doono, qofkii ku soo laabtana dib loogu
soo dhaweyn doona haddii uu dhib kala kulmo
degaanka uu dib ugu laabtey.
Mr.Niaz Ahmed
Field Officer ee UNHCR ayaa saxaafada u sheegay
tan iyo markii ay yimaadaan xerooyinka Qaxootiga
laga soo bilaabo Dagaalkii Soomaliya 1991 ay dib
ugu celiyeen Soomaaliya Qaxooti Gaaraya 157000
oo qaxooti Soomaali ah 10-kii sanno la soo
dhaafey,75000 oo qaxooti ah waa ay ka caawini
doonaa dhanka gaadiidka UNHCR.
Dhamaad.
Abdikarim Aden
Hussein
UNHCR Dhadhaab, Gaarisa.
abdikarimhussein@hotmail.com