Barnaamijkii Radio Xoriyo
16 August. 2005
-
Dagaallo
ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.
-
Guddoomiye ku xigeenka JWXO oo dhambaal
hanbalyo ah u diray dadwaynaha ree Ogadenya.
-
Xaflado
lagu maamuusay sannadguurada JWXO oo meelo
kala duwan ka dhacay.
-
Qunsul
Itoobiyaan ah oo Maraykanka magangelyo ka
codsaday.
-
Iyo
Barnaamij ka hadlaya taariikh halganeedka
Soomaalida Ogaadeenya.
======================
Ciidammada
gumaysiga Itoobiya ayaa sidii caadada ahayd lagu
naafeeyay dagaallo dhawr ah oo toddobaadyadii
ugu denbeeyay dhex maray iyaga iyo ciidammada
xoreynta Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u
dheceen sidatan:
11/07/05 dagaal ka
dhacay Qayla-Dhoorrey, oo ka tirsan gobolka
Shabeelle,ayaa waxaa ciidammada gumaysiga
Itoobiya lagaga dilay 6 askari, waxaa kaloo
lagaga dhaawacay 10 kale. Ciidammada cadowgu
markii loo gaystay khasaarahaa iskugu jira dilka
iyo dhaawaca ayaa waxay ku gadoodeen dadwaynihii
nawaaxigaas degganaa, waxayna halkaas ku dileen
2 wiil oo ahaa arday dugsi quraan .
23/07/05
Fool-jeex, oo ka tirsan gobolka Qorraxey,ayaa
ciidammada cadowga itoobiya lagaga gubay hal
baabuur, oo isaga iyo wixii saarnaaba ay halkaas
ku bas-beeleen.
24/07/05 dagaal
ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga
Itoobiya ku dhex maray Wayla-lagu-xidh ayaa
ciidammada cadowga itoobiya lagaga dilay 7
askari,halka 5 kalana dhaawacyo loo gaystay.
Duleedka magaalada
Fiiq ayaa 30/07/05 waxaa ciidamada cadowga
itoobiya lagaga gubay hal baabuur, oo wixii
saarnaa oo dhan ay ku dhinteen. Waxaa kaloo
tacshiirad la huwiyay baabuur kale, oo isagana 4
askari lagu dilay, 4 kalana lagu dhaawacay.
Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya ayaa waxay gacanta ku haysaa
maamulka degmooyin badan oo dalka Ogaadeenya ka
mid ah, waxayna degmooyinka qaarkood dadwaynaha
u qaybisay raashiin gargaar ahaa oo iska yaallay
xarumaha ciidamada gumaysiga itoobiya, kaasoo
markiisii hore loogu talagalay dadka abaaraha ku
tabaaloobay.
Dhinaca kale
ciidammada gumaysiga ayaa isku dhabar-jabinaya
inay doorasho ku sheegta u meel-mariyaan sida ay
doonayaan, waxayna billaabeen inay waraaqaha
doorashada xeryohooda geeyaan oo halkaas ku soo
buux-buuxiyaan.
Guddoomiye
ku xigeenka JWXO oo dhambaal hanbalyo ah u diray
dadwaynaha ree Ogadenya.
Guddoomiye ku
xigeenka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya
C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa dhambaal hanbalyo
ah u diray ciidammada xoreynta Ogaadeenya,
xubnaha JWXO iyo dhammaaba dadwaynaha Soomaalida
Ogaadeenya, isagoo ugu hanbalyeeyay
sannadguurada 21aad ee ka soo wareegtay asaaskii
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
Guddoomiye ku
xigeenku wuxuu dhambaalkiisa ku yidhi; Waxaan
idiinku Hambalyaynayaa munaasabadda
Sannadguurada 21aad ee ka soo wareegtay
aasaaskii Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeniya
“J.W.X.O”. Mudadaas ma aha waqti yar ama gaaban,
fogaanta aan soo jarayna ma aha mid gaaban
kolkii la jaleeeco meeshii aan hayaanka ka soo
qaadnay iyo jiirihii dhaadheeraa ee aan soo
marnay. Marka la milicsado guulaha siyaasadeed,
ciidan, urureed iyo tan bulsheed ee shacbiga
Ogaadenya uu gaadhay , waxaa dareenka iyo laabta
hoose looga jixin inaan sugnay:
1. Jiritaankeenii
ummadeed oo sugay haybta (Identity-ga) dadkeena,
dalkeena & tariikhdeena.
2. Joogtaynta
halganka iyo ku dhaganaanshaha ujeedada
halganka.
3. Ku
dhaganaanshaha mabaadi’da waddaninimo iyo
hirgalinta hal-ku-dhigii halganka ee ahaa
“Midnimo-Mintid-Iskutashi-Guul” ayaa
noqday fikirka waddaniga ee aan meela laga soo
xigan ee saldhig u noqday kacdoonka dadweynaha
Ogaadenya guulo lagu kalsoon yahayna laga gaadhay,
midhaheedana maanta aan wada dareemayno.
4. Halgan shacbi
ah ayaa mabaadi’da JWXO saldhig u ahaa, kaasoo
maanta u hirgalay oo towradani tahay mid
shacbigani iska leeyahay, matoorka wadana uu ka
yimid shacbigan, shidaalka uu ku socdana uu
yahay dhiigga N/Huraha iyo dadaalka xubnaha oo
ka yimid shacbigan.
5. Kobtii aan ka
soo ruqaansanay waynu xusuusanahay, meeja aan
marayana waa la arakaa, mabda,a aan ujeednana
eegga soo ma muuqato, annagoo rajeyn ama sida
badana la qabo inaan soo jaray jidka hayaanka
gobanimada intiisii badnayd, lana odhan karo
guushu wey inoo muuqaata wax inaga leexin karana
ma jiro.
Waxaa Alle
markale aan ka rajeyn inaan bishan bisheeda kale
ku gaaadhno, guulo joogto ah iyo Xornimo aan ku
damaashaadno ciidda qaaliga ah ee Ogaadeniy a.
Xaflado lagu
maamuusay sannadguurada JWXO oo meelo kala duwan
ka dhacay.
Shalay oo
taariikhdu ahayd 15 Agoosto 2005, ayaa waxay ku
beegnayd sannadguuradii 21aad ee ka soo
wareegtay asaaskii Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya. Munaasabaddaas ayaa waxaa lagu
maamuusay xaflado lagu qabtay meelo kala duwan
oo dunida ka mid ah.
Meelaha sida wayn
munaasabaddan looga maamuusay waxaa ka mid ah
magaalada Muqdiso ee dalka Soomaaliya, halkaasoo
xaflad wayn oo sannadguurada JWXO lagu
maamuusayo lagu qabtay huteel wayn oo ku yaalla
magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan ayaa
lagu soo bandhigay khudbado ka xogwarramaya
taariikhda JWXO iyo soo yaalka taariikheed ee
halganka Soomaalida Ogaadeenya. Waxaa kaloo lagu
soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka hadlaysa
halganka Ogaadeenya.
Xafladdaas waxaa
ka soo qayb galay marti-sharaf aad u fara badan,
oo ay ugu horreeyaan xubnaha JWXO ee nawaxigaas
ku sugan, iyo qaar ka mid ah siyaasiyiin
soomaaliyeed, waxaa sidoo kale si wayn uga soo
qayb gashay saxaafadda soomaaliyeed.
Xaflado noocan oo
kale ah oo iyagana lagu maamuusayo sannadguurada
Jabhadda ayaa ka dhacay meelo kale oo dalka
Soomaaliya ka mid ah. Meelahaas ayaa waxaa ka
mid ah magaalada Mareerey oo lagu qabtay xaflad
ay dadwayne aad u badan ka soo qayb galeen.
Xafladahan oo kale
ayaa lagu kala qabtay dalal ku yaala Bariga
Afrika, sida dalka Kenya oo lagu qabtay xaflad
aad u balaadhan.xafladdaas ayaa waxaa lagu soo
bandhigay riwaayad cusub oo uu allifay abwaanka
caanka ah ee Hellaale, taasoo lagu magacaabo
Adkeyntii Halgankeena iyo Is-raacii Ummadeena,
oo ka warramaysa taariikhda halgankeena, laga
soo billaabo 1964 ilaa iyo hadda oo JWXO
hooggaanka u hayso.
Dalal badan oo
Maraykanka, Yurub iyo Carabta ah ayaa maalmaha
soo socda lagu qaban doonaa xaflado lagu
maamuusayo sannadguurada 21aad ee ka soo
wareegtay asaaskii Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya.
Qunsul Itoobiyaan ah
oo Maraykanka magangelyo ka codsaday.
Madixii qaybta
Qunsuliyada ee safaarada Itoobiya u joogta dalka
Beljam ayaa toddobaadkii hore magangalyo
siyaasadeed ka codsaday dalka Mareykanka, ka dib
markii uu soo baxsaday oo si qarsoodi ah uga soo
dhuuntay shaqadii uu xukuumadda Itoobiya u hayay.
Qunsulkan oo lagu magacaabo Workiye Birye wuxuu
si dhuumasho ah u rartay reerkiisii, ka dibna
wuxuu iska dhiibay dalka Maraykanka.
Qunsulkan ayaa
wararku sheegayaan inuu wixii hadda ka denbeeya
la shaqayn doono mid kamid ah xisbiyada
mucaaradka ku ah xukuumadda Zenawi.
Masuuliyiin badan
oo ka mid ah xukuumadda keligii taliye Meles
Zenawi ayaa dalalka dibadaha ah iska dhiiba
markii hawl loo diro. Waxaa kaloo aad u goosta
saraakiisha sarsare ee ciidammada Itoobiya, gaar
ahaan duuliyayaasha ciidammada oo naftooda ula
baxsada dalal Itoobiya ka baxsan.
Radio Xoriyo
16 August. 2005
C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda
19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada
Bari
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan....