Wafti
Soomaaliyeed oo Ka Qaybgalaya
Shir kasocda Switzerland
SomaliTalk.com
Caux Switzerland | Aug 16, 2005
Shir ballaaran
oo kasocda magaalada Caux ee dalka Switzerland
ayaa waxaa wufuuda ka qayb gelaya ka mid ah
wafti metelaya DFKMG. Waftigaas oo dhabaal u
diraya shacabka Soomaaliyeed ayaa hadalkoodii ku
bilaabay sidan:
Waxaan annaga
oo ka mid ah wafdiga magaca dowladda Federaalka
KMG ah ee Soomaaliya ugu qeybgalaya shirka ka
soconaya magaalada CAUX ee dalka Switzerland u
direynaa dadka Soomaaliyeed salaan diiran, marka
xiga annaga oo ka wakiil ah dowladda Federaalka
KMG ah ee Soomaaliya, waxaan ku rajo weynnahay
in casharada iyo tusaalayaasha ku dayashada
mudan ee aan ku qaadaneyno mudada uu shirka
socdo ku rajo weyn nahay in aan wax weyn ka
qaban doonno sidii dib u heshiisiin buuxda loo
gaari lahaa, dadka Soomaaliyeedna ay uga bixi
lahaayeen qaska iyo jahawareerka ay wehelka uga
yeeleen horjoogayaashooda.

Nabad lama gaarayo dadkeenuna nolol ma
hananayaan inta dadka Soomaaliyeed ay
taageerayaan wixii mas'uulka ka ahaa wixii ka
dhacay dalka Soomaaliya ay cafis weydiisanayaan
dadka Soomaaliyeed, isla markaana dadka
Soomaaliyeed ka harayaan wixii sababta u ahaa
qaranka burburka baahay ee ku dhacay
qarannimadii jamhuuriyadda Soomaaliya.
C/casiis Cali Ibrahim *Xildhiban* oo kamid ah
waftiga ayaa yiri: Waxaan hubnaa in wax badan ay
ku soo kordhin doonaan marka ay haboonaato in
aan dib ugu noqonno dalkii Soomaaliya, wixii aan
ka baranayna aan gaarsiinno dadkeena
Soomaaliyeed, waxaa lama huraan ah in maanta
dadka Soomaaliyeed iyaga oo ka faa'iidesanaya
casharadii uu waqtigu baray in ayan dib dambe u
dhicin in ay daba sii hayaan cudurkii kala
dheelmiyay ama dilay.
Shirkan aynu kaga qeybgaleyno magaalada Caux ee
dalka Switzerland wuxuu biloowday 11kii bishan
Augost wuxuuna dhamaanayaa 20ka bishan 2005,
dadka Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shirka ayaan
sanadkan noqday kuwa ugu tirada badan marka loo
fiiriyo wufuudda ka socota dunida oo gaareysa
ilaa 196 dowladood. tirada wufuudda ka
qeybgaleysa shirka waxay gaarayaan ilaa 350 ruux
, waxayna isugu jiraan aqoonyahanno ka kala
socda Jaamacadaha adduunka, hey'addo caalami ah
iyo ururada bulshada ee ku howlan howlaha
nabadda iyo dib u hesiisiinta goobaha ay iska
hor imaadyada ka jiraan.

Dhinaca kale wufuudda Soomaalida ee shirkaasi ka
qeybgaleysa ayaa muujiyay in ay dhab ka tahay
sidii ay wax uga qaban lahaaayeen dhibaatada ka
jirta dalkooda, waxayna diyaar u yihiin sidii
kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen wax ka
qabashada dhibaatada dalka hareeysay.
Hadaba xubnaha Soomaalida uga qeybgalaya
shirkaasi ayaa soo bandhigay barnaamij ku
saabsan Hiddaha iyo dhaqanka nabadeed ee
Soomaaliya, kaas oo lagu muujiyay qaab casri ah
oo isugu jira maqal iyo muuqaal oo ku saabsan
murtida iyo maahmaahyada wanaagsan Soomaalida.
SomaliTalk Caux Switzerland