SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KOONFUR AFRIKA

 SHIR WAXBARASHADA MASAAFADA AFRIKA LAGAGAHADLEY OO LAGUQABTEY   JAAMACADA K/AFRICA (UNISA)


Afrika oo isutimid, waa wufuuda kaqeybgaleysa shirka UNISA kadhacey ee Waxbarashada Masaafada ee Afrika.

 Pretoria, Somalitalk: shir weyne ey qabanqaabisey Gudiga Waxbarashada Masaafada dheer ee Africa “African Council for Distance Education (ACDE)”, oo 9kii ilaa 12 Agosto  soconayey ayaa laguqabtey xarunta Jaamacada uguweyn waxbarashada masaafada aduunka ee UNISA, shirka waxaa kasooqeybgaley wufuud heer sare ah oo isugujirta, madaxweyne kuxigeeno, waziiro, Jaamiciyiin, siyaasiyiin, ururarada bulshada & bahweynta saxaafada oo kakalasocotey  wadamabadan oo Africa kuyaala, waxa kale oo kasooqeybgaley shirka wufuud kasocota Jaamacado kuyaal Europe iyo safiiro.   

Jamhuuriyadda Somaliland waxa shirkan uga qeybgaley Dr. Ahmed Hussein Esa oo kasocdey Machadka IPRT ee fadhigiisu yahey Hargeisa, islamarkaana Dr. Ahmed waa Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Kulimiye. 

Gudigan “ACDE”, waxa lagu-aasaasey Jaamacada Egerton ee Njoro, Kenya 22kii ilaa 24kii Janayo sanadkii 2004kii, laakiin kahor intii aan dhidibada loogu aasin gudigan waxbarashada masaafada dheer ee Africa Jaamacada Egerton, waxaa markii uguhoreysey abuurkii gudigan shirar dhowr ah laguqabtey Jamacda K/Africa (UNISA) sanadadii 2002gii iyo 2003gii.  Ujeedooyinka uguwaaweyn ee gudigan waxaa kamid ah 

  1. Kor uqaadista waxbarashada furan iyo ta masaafada dheer ee Africa (open & distance learning)
  2. Kor uqadista cilmi-baadhista & tababarka ee waxbarasha furan iyo ta masaafada dheer ee Africa.
  3. Sidii deeq laguhorumariyo siyaasadaha kor u qaadista tacliinta masaafada dheer ee Africa loosameynlahaa.
  4. Sidii loosameynlahaa ardaayo (FORUM) ey dadka ashkhaasta, ururada bulshada & dawladuba ey ugaqeybqaadanlaahyeen sidii loohorumarinlahaa waxbarashada masaafada dheer ee Africa

Gudigan ACDE gudoomiyihiisu waa Prof NB Pityana, Maamulaha Jaamacada UNISA, gudoomiye kuxigeenka gudigu waa Prof  Nuho Yaqub, vice chancellor u ah Jaamacada Abuja, Nigeria, xoghaya guud waa Prof Ezra Maritim, vice chancellor Jaamacada Egerton ee Kenya, Khasnaji waa Prof Motlae Musonda, vice chancellor ee Jaamacada Copper Belt ee Zambia.  

Gudigan oo dhiirigelinweyn kaheley xafiisyada Waaga Cusub ee Africa “African Renaissance” iyo xafiiska horumarinta Africa ee Nepad oo shirkoodii uguhoreeyey uu kan ahaa ayaa ukaboxidhey sidii ey wax ugabadalilahaayeen dhibaatooyinka  waxbarasheed, dhaqaaleed, bulsheed, siyaasadeed, caafimaad ee Qaarada Africa latiiceyso, halheyska gudigu oo ah WAANU QABANKARNAA “CAN DO”. 


Prof Ann Floyd oo kasocota Jaamacada Boqortooyada Ingiriiska & Suxufi Saeed


Bidix kabilow waa Dr. Ahmed Hussein Essa oo kasocda IPRT, & Prof kasocda Jaamacada Sudan

Shirka ACDE ee kadhacey xarunta shirarka ee UNISA, waxaa kufurey qudbad soodhaweyn ah Prof Pityana & Marwo Dimza , waxaa maalinkii arbacadii qudbado muhiim ah kakalajeediyey Waziirada Tacliinta ee K/Africa Marwo Naledi Pandor oo xubin barlamaan ka ah K/Africa, waxa kale oo qudbad dheer oo muhiim ah kajeedisey madasha Raysal wazaaraha K/Africa, Marwo Phumzile Mlambo-Ngcuka oo badashey Raysalwazaarihii hore ee Zuma oo lagu eedeeyey musumaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.  Waxa kale oo kahadley maalinkaa Profosooro ey kamidka yihiin Rachel Gumbo oo kasocdey jaamacada Zululand ee K/Africa, Dr.  Jessa Milan, madaxweyne kuxigeenka ururka caafimaadka aduunka ee LLC, Dr. Esther Kibuka xarunta African Renaissance, Dr Joshua B Rubongoya, xarunta arimaha bulshada ee K/Africa & Prof & waziiro kale oo Africa kakalasocdey. 

Maalinkii khamiista ee 11 agosto waxaa shirka lagufalanqeeyey tababarada maclimiinta iyo horumarinta ganacsiga, waxaana kamid ahaa oo hadalo qiimoleh kajeediyey goobtaasi Marwo Susan Yen Awasom ookasocotey Camaroon, Mudane Hamdi Saleh, safiirka mazar ufadhiya Mozambique, Dr. Simba Makoni oo ah dhiijiga cambaniga Kamunda oo fadhigiisuyahey Zimbabwe, waxa kale oo kahadley madasha prof phumla mtlala dhijiga kuluyada dhaqaalaha iyo maareynta ee UNISA, prof Oludele akindoade kuliyada dhaqaalaha ee unisa, iyo prof Ann Floyd oo kasocetey Jaamacada masaafada & waxbarashada furan ee boqortooyada ingiriiska, marwo floyd oo kahadashey iskuxidhnaanta & wadashaqeynta jaamacada Africa..

Maalinkii Jimcaha oo aheyd gabogabadii shirkan 3da maalmood kasocanayey UNISA waxaa kahadley Jaamiciyiin badan waxa kale oo hadalo wax ku ool ah kajeediyey goobtaasi gabogabada shirka Mudane Sir John Danial oo ah Madaxweynaha Ururka Barwaaqo sooranka ee waxbarashada “ the commonwealth of learning (COL)”, waxaa halkaasi hadalo gabogabeynta kajeediyey Prof Pityana. 

Intii uusoconayey shirku waxaa iyana xusid mudan falaqeyno iyo su’aalo tirobadan oo kadhacey madasha shirka, waxaa su’aalahisi kamid ahaa su’aal weriyaha Haatuf ee K/Africa uu weydiiyey Prof Ann Floyd ookasocotey Jamacada Boqortooyada Ingiriiska, waxaaney aheyd su’aashu sidan: “Marwo Ann, uguhoreyntii aadbaad ugumahadsantahey bandhigaagan, magaceygu waa Saeed, waxaanan ahey suxufi R.Somaliland ah, marwo waxaad kahadashey iskuxidhnaanta Jaamacadaha Africa & wadashaqeyntooda, “Collaboration” , markaa wadashaqeyntaasi simey kusuurtogelikartaa marka wadamada qaarkood lagusheegey in aaney jirin “Places that doesn’t exist”, sida Somaliland oo xasilooni iyo kaladanbeyni kajirto, leh ururo bulsheed oo rayid ah, leh dimuqraadiyad, sifooyinkan oo aan kajirin wadamo badan oo Africa kuyaal, su’aasheyda labaad, Africa waxaa kahaloosan khilaafaad, & maamul xumo ey sabab utahey tacliin daro, markaa arimahaas gudigan wax makabadalyaa?

Marwo Ann floyd waxey kujawabtey “ aadbaad umahadsantahey, aad umahubo in ACDE ey kujirto Somaliland sababta aqoonsi la’aanta,”, waxaa halkaa kasiiwadey jawaabta su’aasheyda Dr Fred Simiyu Barasa oo katirsan African Virtual University, wuxuuna sheegey in ey xidhiidh fiican kadhaxeeyo Jaamacadaha Camud & Hargeisa & Jaamacadooda African Virtual ‘Varsity, su’aasha 2aad ee aan waxaa kajawaabey Prof Yacqub oo kasocdey Jaamacda Lagos ee Nigeria, isaga oo tilmaamey in khilaafaadka Africa ey yihiin arimaha ey ACDE wax kaqabaneyso” 

Arint kale ee xusida mudan intii shirku socdey waa iyada oo kor looqaadayey kaqeybqaadashada haweenka dhinacyada horumarinta waxbarashada, adeegyada bulshada i.w.m, ee Africa, Iqbal Jhazbay oo kamid ah Jaamacada UNISA & islamar ahaantaana kasocdey xafiiska Somaliland ee K/Africa ayaa su’aashishii uguhoreysey waxey aheyd sedan : “uguhoreyntii aadbaad ugumahadsantihiin bahda shirka, wadamo badan oo Africa kuyaal sida Sudan & Somaliland iyo wadamo kaleba dumarka ayaa ah kuwo iyagu quutalyawmka uraadiya reeraha “bread winners”, K/Africa oo kale boqolkiiba shan iyo todobaatan (75%), dumarkaa raadiya quutal daruuriga reerka, xataa horumarkii kale iyo siyaasadii wadankana wey kaqeybqaadanayaan, wadanka Cameroon waa side kaalinta dumarku? 

Marwo Susan Yen Awasom oo kajawabeysa su’aasha Iqbal waxey sheegtey in sida oo kale wadanka Cameroon ey dumarku doorweyn kaciyaarayaan horumarinta qoyska iyo bulshada & xataa siyaasada wadankaasi, waanan kudhiirigelinayaa dhamaan haweenka Africa sidaas oo kale” 

Gabogabadii & gunaanadka shirka waxa kasoobaxey 21 qodob oo sida ey sheegeen kaqeybgalayaashu sifirfircooni ey kudheehantahey loodhaqangelindoono islamar ahaantaana lamasheegin meesha laguqabanayo shirka kan kuxiga. 

Tan in ey iskatahey balanqaad African iyo mid maxsuul dhab ah soosaara waa  lagadhursugayaa. 

SHAQO KABANAAN XAFIISKA ACDE:

Xafiiska ACDE, waxey raadinayaan “Chief Executive Officer”, hadii markaa akhristow aad leedahey cilmi oo aad heysatid shahaado jaamacadeed, sida maamulka, “Management”, ama Strategic Planning, ama financial Management, oo aad leedahey waayo aragnimo meelahaa eynu sheegney, fadlan laxadhiidh: Xafiiska ACDE, Prof.Ezra Martim, P.O.Box: 536, NJORO, Kenya, tel: +254-51-62454, Fax: +254-51-62527, email: euvc@wananchi.com , codsigaaga gudbi inta kahoreysa 15ka September 2005. 

Waxaa diyaariyey:
Suxufi Saeed Abdi Fuuraa,
Somalitalk , Pretoria
shmadar@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2005


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ... Guji... Aug 12

Soomaalida Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo.. Guji... Aug 12


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD