SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Maxamed Qanyare Afrax Waa Masiibo Na Loo Soo Diray

Maxamed Qanyare Afrax oo magaciisa runta ahi uu yahay Daahir Qanyare Afrax. Magaciisa markii ugu horreysay waxaa la maqlay markii loo qoray dable ka tirsan ciidanka policeka Soomaaliya isagoo ku sugan Ceelbuur. Habka uu ku shaqeeyo ciidanka policeka Soomaaliya wuxuu ahaan jiray habka ay maanta ku shaqeeyaan policeka Mareykanka oo dhigaya in marka deegaan tuugo ku badan tahay laga qorayo police laga qoro tuugada laftirkooda. Habkaas waxaa policeka Soomaaliya u dejiyey Professor Tom Farer oo ahaa ninkii tababarka siin jiray ciidanka police-ka Soomaaliya. Mr Farrer wuxuu maanta yahay Dean, Graduate School of International Studies, University of Denver.


Waraysigii Qanyare ee Sept 2002... Guji...
Tom Farer, Dean
Professor Tom Farer

Maxamed Abshir Muuse

Markuu waayey wax dallacaad ah ayaa xaaskiisii oo ahayd reer Waqooyi Bari waxay u tagtay Taliyihii ciidanka Policeka Soomaaliya Maxamed Abshir, waxayna ka codsatay in la dallacsiiyo seygeeda, hase yeeshee Maxamed Abshir oo ahaa nin uu qabiilku madax maray wuu ku gacan sayray codsigaa. Kadib waxaa dhashay kacaankii milatariga ahaa, waxaa Qanyare la geeyey qaybta lacag bixinta policeka. Markuu sanado kooban howshaa hayey ayuu u fakaday dhinaca Kenya isagoo la baxsaday mushaarkii ciidanka policeka oo gaarayey 30 kun oo shillin Soomaali ah. Waxaa yaab leh in Maxamed Qanyare uu aaminsan yahay inuu halganka bilaabay maalintii uu la fakaday mushaarka ciidanka policeka uuna isu haysto inuu yahay halgamaa soo halgamay.

Wixii xiligaa ka dambeeyey wuxuu ku noolaa Kenya, wuxuu halkaas howl ganacsi kala bilaabay walaalkii oo lahaa gaadiid ka shaqeeya East Africa, kadib Qanyare wuxuu ku biiray jabhadii SNM, kadibna wuxuu ku biiray USC oo uu ku jiray gudigeedii dhaqaalaha. Maxamed Siyaad markii dalka laga saaray Qanyare waxaa lagu abaal mariyey Wasiirka Arimaha Gudaha oo uu ka noqday dowladii Cali Mahdi, dadkii akhbaaraadka Soomaaliya la socday waxay xusuusan yihiin hadaladii uu kaga hadli jiray warbaahinta ee uu ku caayi jiray Caydiid, isagoo u hadli jiray qaabkii uu Ciraaq uga hadli jiray Maxamed Saciid Saxaf.


Caydiid

Cali Mahdi

Qanyare oo ka faa'iideysanaya xukunkii isku dilka ahaa ee Cali gar leh, Caydiidna gar leh wuxuu sii huriyey dagaalkii ka dhex qarxay Cali iyo Caydiid, kadib wuxuu u soo wareegay Caydiid, wuxuuna la dhisay SALBALAAR, markii la dhiseyna wuxuu ku qalqaaliyey inuu qabsado Baydhabo, waxaa la xusuusan yahay inuu idaacadaha iyo jaraa'idka ka caayi jiray Cali Mahdi, Caydiid oo dhaawac ah ayaa Aadan Nuux Dhuule wuxuu weydiiyey ma run baa in Caydiid dhaawac yahay, wuxuu ku jawaabay Qanyare hada ayaan ka imid, xabad kuma ool mase ogi inow qarsaayo, markuu sidaas leeyahay Caydiid saacad ka hor ayuu dhintay.

Kadib dagaalkii Baydhabo looga soo saaray Xuseen Caydiid wuxuu Qanyare ciidamo ku xareystay Xerada Dayniile, isagoo meeshiisa jooga ayay dhalatay dowladii Carte. Waxaan ku jiray aqoonyahano Hawiye ah oo sanadkii 2000 Maxamed Qanyare kula shirtay deegaanka Dayniile, waxaana ahayn rag isu xilsaaray in raga hubeysan ee Xamar jooga ay dowladii C/qaasim taageeraan, waxaan kula talinay Qanyare inuu aqbalo codsi uu waagaa soo jeediyey Imaamka Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ahaa inay aqbalaan wada hadal ay la furaan dowlada, Qanyare wuxuu noogu jawaabay MA AQOONSANI IMAAM HIRAAB IYO WAX LA YIRAAHDO HIRAAB.


C/Qaasim Salad

Cali Galayr

Xasan Abshir

Markii dambe Cali Khaliif Galeyr ayaa ku qanciyey inuu lacag qaato, kadibna taageero dowlada, sidii buuna ku taageeray, markii la riday Galeyr oo ahaa ninkii siiyey Qanyare lacagta uu ku dhisay garoonka Dayniile wuxuu Qanyare la soo shir istaagay dowlada cusub ee uu Ra'iisal Wasaaraha ka yahay Xasan Abshir ka qayb geli maayo oo sidii tii Galayr ayaan rabaa inay heshiis cusub ila gasho.

Qanyare wuxuu caadeystay af xumo iyo hadalo jaa'ifo ah oo uu u geysto hogaamiyeyaasha Hawiye, wuxuu go'aan ku gaaray in nin aan isaga ahayn aan wax laga weydiin arimaha Jifadiisa, wuxuu dagaal siyaasadeed ku qaaday Cusmaan Falko, Diinaari, Xasan Pilte, Xasan Muudey, Xaashi Dhabarey, iyo ganacsade Maxamed Maxamuud. Maxamed Qanyare wuxuu yiraahdaa dad baan metelaa, waa nin cid uu wakiil ka yahay aysan jirin oo dantiisa wakiil ka ah, waa nin ku saleysan waxa maanta taagan oo keliya oo aan shalay iyo beri aqoon, waa nin aan garanayn wuxuu ku hadlayo iyo waxa uu ka hadlayo labadaba.

Cabdisalaam Hereri ayaa runta u sheegay oo ku yiri warka aad ku hadlayso ma garanaysaa xajmiga uu leeyahay, kolkaasuu yiri nin wuxuu ku hadlayo yaqaana waan ahay, Qanyare wuxuu shir Hawiye yeeshay ka yiri HAWIYOW CAQLIGEYGA ANIGU WAA HUNGURIGEYGA, shirkaas Hawiyihii joogay waa ku kala dareereen, mid mid sii macsalaameeya waa la waayey.

Wiilashiisa mid wuxuu maamulaa gawaarida iyo tiknikada iyo garoonka, midna wuxuu maamulaa ciidanka iyo dhaqaalaha, waxay mashquul ku yihiin dhibaateynta umada danyarta ah ee Soomaaliyeed ee dhibku dusha ka saaran yahay, waxaa wiilashiisa Xamar looga yaqaanaa UDAY iyo QUSAY oo ah labadii wiil ee Saadaam Xuseen, hadaba ma mari doonaan ayaga oo maxkamad hor taagan.


C/Lahi Yusuf

Cali Geedi

Waxaa yaab lahayd doorashadii ka dhacday Kenya ka hor inuu u ololeynayey C/laahi Yuusuf oo uu lahaa ha la doorto isagaa noogu weyn si uu u helo Prime Minister, Soomaaliya oo Qanyare ka yahay Prime Minister waa Soomaaliya uu Ilaahay la doonay halaag, ummad Qanyare hormuud u yahay waa ummad go'day, wuxuu maalmahaan dambe caadeystay inuu aflagaado toos ah u geysto Professor Cali Maxamed Geedi oo ah hoggaamiye role model oo doonaya inuu naga badbaadiyo raga 15ka sano ummadda ka hor wareegi waayey ee diiday in loo taliyo iyo inay tashadaan ama booska u baneeyaan dadkii bedeli lahaa.

Arbacadii markii laga wareystay BBC wuxuu ku hadlaayey qof walba oo dhegeysatay ayaa la fajacay, wuxuu diiday xubinnimadiisii lagu daray guddiga uu magacaabay Prof Geedi, wuxuu ogyahay inuu ku qasban yahay inuu aqbalo arintaa sababtoo ah sharciga meelna ugama qorna wasiir diidaya shaqo uu u diray wasiirka koowaad, Qanyare sharciga uu ku andacoonayo ee uu leeyahay waan ku dheganahay xagee kaga qoran tahay inuu khilaafo Ra'iisal Wasaarihii isaga magacaabay ee uu hoos tagayey.


Sh. Xasan

Qanyare wuxuu sharafta ka qaaday Shariif Xasan oo isu haysta inuusan noqdeen Gudoomiyaha Baarlamaanka hadii Qanyare uusan olole u sameyn lahayn, Shariifku ilaa iyo hada wuxuu weli aaminsan yahay inuusan Baarlamaan hogaamiyeen Qanyare la'aantiis, waa nin aaminsan inuu metelo Qanyare ee uusan metelin dadweynaha, Soomaaliya dad dano leh horey ayay ugu soo daashay, maanta waa maalintii Hawiye gacan fiican siin lahaa Geedi, waa hubanti haduu maanta helo taageerada Hawiye inuu 2009 isagu noqon doono Madaxweynaha dalka.


Cisman Caato

Muse Yalaxow

Ra'iisal Wasaaraha waxaan u soo jeedin lahaa si loo go'doomiyo ninkaan oo meesha uu mudan yahay loo qotomiyo inuu sii dardar geliyo wada hadalka uu kula jiro Cusmaan Caato iyo Muuse Suudi, waa inuu xoogiisa isugu geeyaa siduu labadaa nin u kasban lahaa siduu u kasbaday Cumar Finish, Furux iyo Bootaan Ciise Caalin oo kale, Ra'iisal Wasaaraha maadaama uu ogyahay in Qanyare wuxuu doonayo ay tahay kursiga uu ku fadhiyo waa inuu dhaqdhaqaaq sameeyaa oo uu qaadaa tallaabooyinka sharcigu u ogol yahay sida xil ka qaadis ama xil k axayuubin.

Slideshow image

Jasiirada Carabta ayaa xili hore nin dadka xukumi jiray wuxuu laayey dadkoo dhan, markii dambe ayuu seefta wuxuu ku keenay nin, markaas ayuu yiri ma i taqaanaa ninkaan ahay, suu yiri haa si fiican baan kuu aqaanaa oo waxaa tahay camalkayagii oo laga dhigay ibni aadam, C/laahi Yuusuf wax walbuu yahay Qanyare ayaa codkiisa siiyey, waana camalkeenii hadaan Soomaali nahay oo laga dhigay ibni aadam, Qanyarena waa masiibo na loo soo diray.

Axmed N. Maxamed

ahmednur11@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2005


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD