
From : Politic Department
REF : Communiqué N05/2005/08/14
Boorame, 14/08/14
Sub:
Doorasho ku sheega Waqooyiga
War
saxaafadeed
Golaha Free Awdal Forum
oo shirkiisii caadiga ahaa ee bishan siddeedaad 12 keedii ka
dhacay Boorame waxaa ka soo baxay war saxaafadeedkan soo
socda :
- Ka dib markii laga
baaraandagay xaalada siyaasadeed ee Waqooyiga Soomaaliyeed;
- Ka dib markii la lafa guray
ujeedooyinka ka dambeeyaa doorasho ku sheega iyo qaabka amba
sawirka ka dhex muuqda;
- Ka dib markii la gundoosaday
talooyinkii waayeelka, waxgaradka iyo madaaxda siyaasadeed
ee ururka;
- Ka dib markii loo kuur galay
awaaqibka siyaasadeed ee ka soo food leh doorasho ku
sheega;
Wuxuu golaha Free Awdal
Forum(FAF) gaadhay tobanka qodob ee hoos ku qeexan :
1)
Wuxuu Free
Awdal Forum si qayaxan u cambaaraynayaa doorasho ku
sheega laga qabanqaabinaayo magaalooyinka waaweyn ee
Waqooyiga, talaabadaas oo ah mid looga danleeyahay in sawir
beena laga bixiyo xaalada siyaasadeed ee ka jirta Gobolada
waqooyi ;
2)
FAF,
wuxuu uga digayaa kooxda goonigoosatada ah ee Hargaysa inay
ka waantoobaan kusii adkaysiga siyaasada madhalayska ah ee
lagu jahawareerinaayo dadweynaha soomaliyeed;
3)
FAF
wuxuu ugu baaqayaa dadweynaha reer Awdal inay si toos ah u
qaadacaan doorasho ku sheega oo ah mid loogu talo galay in
lagu wiiqo mustaqbalka siyaasadeed ee Reer Awdal;
4)
FAF
wuxuu uga digayaa kooxda yar ee reer Awdal ee u adeegta
Hargaysa inay ka waantoobaan siyaasadaha raqiiska ah ee lagu
kala qaybinaayo dadweynaha reer Awdal oo caadu u leh isku
duubni iyo midnimo casal-raac ay u leeyihiin;
5)
FAF
wuxuu toos u cambaaraynayaa talaabooyinka nacasnimo ee
Rayaale ogolaaday isagoo danaynaya dantiisa gaarka ah;
6)
FAF
wuxuu uu mahadnaqayaa shicibweynaha reer Awdal ee ka
foojigan dibindaabyada lala maagan yahay ee aayahooga
dhawacaysa;
7)
FAF
wuxuu is barbartaagayaa geesiyadaReer Awdal ee gaashaanka ku
dhuftay inay olole qaadhaan ururisa u sameeyaan doorasho ku
sheega;
8)
FAF
wuxuu cambaaraynayaa falalka gudoomiye ku sheega Awdal kula
kacayo ganacsatada reer Awdal ee ka soo horjeeda siyaasada
xaraanta ah ee Hargaysa la yagleelo;
9)
FAF
wuxuu uga digayaa maamulka Hargaysa sii haynta dadka u
xidhxidhan siyaasada ee ku jira jeelalka Boorame iyo
Mandheera;
10)
FAF
wuxuu reer Awdal ku boorinayaa inay hore u sii wadaan
dadaalka ay ugu jiraan ku dhawaaqida gobol maamuleedkooga,
taas oo waafaqsan mabaadiida Free Awdal Forum iyo hadafka
dadweynaha reer Awdal oo isku duuban.
Wa Bilaahi Towfiiq; Guul iyo
midnimo
Idriss Haji Nuur
Aafhayeenka Fee Awdal Forum
fradal1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 15, 2005
Gabar
Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay.
Guji....
Xisbiyada mucaaradka
Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo
xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ...
Guji... Aug 12
Soomaalida
Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August
waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo..
Guji... Aug 12
|