Maalintii Xasuusta ee
Suldaan Hurre
SHHRF 0054/2005, 17 August 2005 )
(Nuqul Soomaali)
Agoosto
17keedu 2005 waa sannad guuradii 3aad ee dilkii Suldaan
Axmed Maxamed Hurre, oo dilkiisu astaan u noqday Somalidii
loo dilay sababo siyaasadeed ama waxay ay aamminsanyihiin.
Suldaanka qaaliga ah waxaa lagu dilay toogasho af-galis ah
tuulada Kala-bayr ee ku taal gobollada Puntland taariikhdu
markay ahay 17.8.2003. Waxaa Col. Cabdullahi Yuusuf
Maxkamadda Sare ee London u ka qirtay in ilaaladiisu dishay
suldaanka. Cabdullahi oo horay u dafiray inu wax ka ogaa
dilka Suldaanka iyo meesha lagu dilay midna.
Col.
Cabdullahi, oo hadda lagu magacaabo madaxweynaha dawlad aan
caga dhigan ee lagu soo unkay Nairoobi, wuxuu markaas
sheegnayey madaweyne lagu muransayahay ee Puntland.
Inkiraaddiisa ka sokow, waxaa la xaqiijiey in Cabdullahi uu
joogay meel qaylo ka gaarto goobta suldaanka lagu dilay uuna
hogaaminayey hawlgalka lagu dilay Suldaan Hurre.
Dilalka siyaasadeed ee noocaan ah hore ayey uga dheceen
aagga Puntland iyo meelo kale ee Somalia. Farah Mohamed Said
(Farah Dheere) oo ahaa ganacsade caan ah waxaa Garoowe ku
dilay isla ilaalada Col. Cabdulaahi.
Waxaa ayana xusid mudan
dilkii siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Caydiid ee Dire
Dawa 1985. Waxaa la aaminsan yahay in ilaalada Cabdullahi ka
takhalustay siyaasigaas oo markaas ay Cabdullahi ahaayeen
rag siyaasadda isaga soo horejeeda, iyagoo ka tirsan
maamulkii Jabhadda Badbaadada Qaranka Soomaaliyeed (ama
marka la soo koobo SSDF) ee Cabdullahi guddoomiyaha ka ahaa.
Iyadoo
diiwaanka Cabdullaahi yahay mid saas u madoow, ayaa nasiib
darro Somalidii isugu tagtay Kenya 2004kii u dooratay
madaxweyne ku meel gaar ah.
SHHRF waxay
hore u oddorostay in ay Somaliya ku soo fool leedahay colaad
cusub oo u dhiganta tii 1991kii ee ay hogaaminayeen
saraakiil hubaysan oo doonaysay in xoog iyo awood dagaal ku
xalliso xasarad siyaasadeed ee markaas ka aloosnayd
Soomaaliya. Waa nasiib darro ayadoo la xasuusto wixii dhacay
in laga fursan waayo ku celinteeda. Midda kale, in Col.
Cabdullahi diyaarinayo dagaal uu ku qaadayo ragga ay dhanka
siyaasadda isaga soo horjeedaan ee jooga konfurta Somaliya
waa mid aan cidna ka qorsoonayn.
SHHRF
waxay dhaleeco dusha uga tuuraysaa in xabbad iyo dad layn
loo isticmaalo si loo gaaro yoolal siyaasadeed. Waxaan
adduunka iyo Somalidaba xasuusinaynaa in hogaamiyaha lagu
soo magaabay Nairoobi uu hore uga takhalusi jiray ciddii ay
is-qabtaan, haddana uusan caano u kabban inuu mar kale
sameeyo camalladiisi hore.
Waxaan
ku boorrinaynaa Somalida, bulshada caalamka iyo hay’adaha
xaquuqul insaanka inay u fiirsandaan ficillada
kaligtalisnimada ah iyo tacaddiga Col Cabdullahi u
tafaxaydanyo.
Maya dil
siyaasadeed, maya dil aqoon yahan maya dil indheer-garad.
Maya dhiig Somaliyeed oo daata.
Sultan
Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
webmaster@suldanhurre.org
Qoraaladii Hore ee
Laga Qoray Dilkii Suldaan Hurre
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 13, 2005
Gabar
Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay.
Guji....
Xisbiyada mucaaradka
Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo
xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ...
Guji... Aug 12
Soomaalida
Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August
waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo..
Guji... Aug 12
|