SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Midowga Yurub oo Lacag Dhan $50 Malyan oo Doolar ugu Deeqay Dawlada DFKG-ah ee Soomaaliya

Dawlada Federaalka KMG-ah ee Soomaaliyeed fadhigeeduna yahay magaalada Jowhar ayaa gudoontay Deeqdii ugu balaarnayd ee hal mar Dawlada lasoo gaarsiiyo.

Deeqdan Midowga Yurub ugu deeqday Dawlada Federaalka ayaa lagu sheegay 50 Malyan oo Doolarka Mareykanka ,waxaana loogu tala galay in lagu fuliyo qorshayaasha dawlada horyaala.

Hadaba kulan looga hadlayo deeqdaas ayaa maanta lagu qabtay xarunta KMG-ah ee Dawlada magaalada Jowhar.

Deeqdan midowga Yurub ayaa ku soo beegantay labo maalin kadib markii Xildhibaan Borys oo ka tirsan baarlamaanka Canada uu ku canaantay in deeq bixiye-yaasha ka been sheegeen balanqaadkoodii ku aadanaa caawinta Dawlada iyo bulsho-weynta Soomaaliyeed, Xildhibaanka oo Jawhar kla kulmay madaxda DFKMG, kaddib markii kusoo laabtay Nairobina warsaxaafadeed ku qabtay.

 Xuseen Yaasiin Gode-Gode

 email: godegode_6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2005


 

Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Jurile oo u kicitimay Magaalada Muqdisho...

Aug 10, 2005

Wararka naga soo gaaray caasimada KMG-ah  ee Soomaaliya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFkG-ah Mudane C/risaaq Jurile ayaa saaka u ambabaxay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda garoonka diyaaradaha ee Cisaleey oo ku yaal duleedka magaalada Muqdisho , si uu halkaas uga soo gudoomo deeq ay dawlada Talyaaniga soo gaarsiin doonto Dawlada.

Deeqdan ayaan la ogeyn waxa  ay ka kooban tahay, Mudane Juriile ayaa la shaaciyay in marka uu soo gudoomo deeqdaas uu durbadiiba ku soo laaban doono magaalada Jowhar.

Hadaba waxaa meesha ka baxaya wararkii ay maanta saxaafadaha Muqdisho faafiyeen ee ahaa in deeqdaas uu soo gudoomi doono ,reysalwasaare Prof-Geedi.

 Xuseen Yaasiin Gode-Gode

 emal: godegode_6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2005

Wararkii Shalay Hoos Ka Akhri::::


  • Madexweyne C/laahi Yuusuf oo Beledweyne gaaray una gudbaya Xudur
  • Markabkii Mucaawinada Sidey oo Weli Maleessiyo Ku Haystaan Aagga Xarardheere
  • Wafdigii ugu badnaa ee ka socda qaramada midoobay oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo

Madexweyne C/laahi Yuusuf oo Beledweyne gaaray una gudbaya Xudur

Madexweynaha dawalada federaalka ah ee Soomaaliyeed Mudane C/laahi Yuusuf iyo wafdi balaaran uu hogaamaniyo ayaa u amba baxay magaalada Beledweyne.

Safarka madexweynaha ayaa ahaa, safar uu diyaarad khaas ah kaga ambabaxay magaalada Jowhar oo hadda ah xarunta caasimada KMG-ah.

Madxweynaha ayaa loo maleynayaa marka uu booqdo Beledweyne , in uu ugudbi doono deegaanka Mustaxiil ka dibna uu ooga baqooli doono Magaalada Xudur oo ay ku sugan yihiin qaar ka tirsan wasiirada dawlada FKMG.

Mar aan isku dayey in aan xiriir toos ah la sameeyo madaxda sare ee dawlada ayaan ii suurto gelin in ay noo xaqiijiyeen halka uu ku sugan yahay waqti xaadirka ah, dhinaca kale waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya ,in madexweynuhu caawa ku hoyan doono magaalada Xudur ee gobolka Bakool iyadoo baryahan suuqa la isla dhex mareyay in uu degi doono Xudur maadaama dhakhtarkiisa kula taliyay in uu ka guuro magaalada Jowhar oo caan ku ah Kaneeco dhib gaarsiin karta beerka, maadaama uu madaxweynaha ku jiro beer kale.

 Xuseen Yaasiin Gode-Gode

 email: godegode_6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2005


Markabkii Mucaawinada Sidey oo Weli ay Maleesiyo Ku Haystaan Aagga Xarardheere..

  • August 9, 2005


Markabka lagu afduubay Xarardheere | Sawirka: WFP

Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa tibaaxay in ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay August 9 aan la siideyn markabkii ay dableydu ku haysteen aggaa Xarardheere.

Markabkaas oo u kiraysnaa hay'adda WFP waxa ilaa hadda afduub ahaan loogu haystaa toban shaqaale ah iyo shixnadii uu markabku sidey oo ah mucaawino loo sidey dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey masiibadii badgariirka ee ku dhaqan aagga xeebaha Woqooyi Bari ee Soomaaliya.

Markabka waxaa la filayey in uu shalay u dhaqaaqo dhanka dekeda Ceel-Macaan, laakiin nin u hadlayey shirkada markabka leh oo ku sugan Kenya waxa uu yiri dadka markabka afduubtay waxay ka soo jawaabi la'yihiin raadiyihii lagula xiriiray.

Markii hore dadka afduubashaash aah waxay sheegteen in la siiyo nus-malyuun doolar, markii dambena waxay yiraahdeen waxaan qaadaneynaa 850 ton ee mucawinada ah oo uu markabku sido, mucaawinadaas oo ay dadkii ku tabaaloobey masiibadii Tsunami ay ugu dalalka Japan iyo Germany.

Dhamaadkii toddobaadkii hore ayey ahayd markii Hay’adda WFP ay sheegtay in ay heshiis l agashay odayaal Soomaaliyeed si loo siiyaayo markabkaas. Waxayna hay'adu sheegtay in saddex beri lagu siideyn doono markabka, mark aay hadalkaas sheegtayna uu ahaa Jimcadii, taas oo sida lagasoo werinayo shirkada leh markabka aan siideyntii weli qabsoomin.

Waxaa markabkan xeebta u dhow Xarardheere laga afduubay June 27.

July 13 ayey ahayd markii hay'adda WFP ay 48 saacadod u qabatay in markabka lagu sii daayo.. [Guji Halkan..]

Faafin: SomaliTalk.com  | August 9, 2005


 

Wafdigii ugu badnaa ee ka socda qaramada midoobay oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi balaaran oo heer caalami ah ayaa maanta soo gaaray magalada kismayo ayadoo wafidigaan uu hogaaminayay madaxa isku xirka aadamiga ee heyada OCHA ee qaramada midoobay oo lagu magacaabo filipis letesrino.

Wafidgan ka socda qaramada midoobay ayaa waxaa ay isugu jireen UNDP iyo OCHA oo ka mid ah heyadaha qaramada midoobay waxaana wafdigaan ay ka koobnaayeen 8 xubnood ayagoo ka soo dagay gagida dayuuradaha caalimiga ah ee magalada kismaayo abaare lixdii barqonimo ayagoo markaa ka soo kicitimay magalada jowhar oo ay ku hormareen sida uu saxaafada u sheegay ninka wafidagan horkacayay ee lagu magacaabo filipis letesrino.

Wafdigan ayaa saakay waxaa ku soo dhaweeyey garoonka dayuuradaha ee magaalada kismaayo dad aad u fara badan oo isgu jira madaxda isbaysiga dooxada jubba oo uu horkacayay kusimaha isbahaysiga dooxada jubba mudane maxamed rooble jimcaale goobaale ururada bulshada rayidka ah siyaasiyiin aqoonyahano iyo waxgarad kale ayadoo soo dhawentii wafidgan ka dib loo soo dhaadhiciyaya hotel marindian ee magaalada kismayo halkaasoo ay kulamo ay albaabada u xiranyahiin ay kula yeesheen maamulka isbahaysiga dooxada jubba ayadoo kulankaas kahor uu saxaafada la hadalay filipis letesrino islamarkaana uu saxaafada u sheegay in ay wafigan yahiin mid heer caalami ah oo indho indhayn doona xaalada amaan oo dhawaanahan la sheegay in aad loo sugay si bal ay ugu gogol xaraan imaanshaha heyadaha samafalka ah ee dhawana la filayo in ay yimadaan magaalada kismaayo.

Wafdigan maanta yimid magaalada kismayo ayaa waxaa la socday sargaal sare oo ka tirsan heyada UNDP oo lagu magacaabo rolof helmorog oo ahaa sargaalkii lagu afduubtay degamda jamaame ee gobolka jubbada hoose sanadii 2003 taasoo keentay in dhamaan heyadaha caalamiga ah ay ka ruqaansadaan magalada kismayo .

Wafdigan oo magalada kismaayo joogi doona 2 maalmood ah ayaa waxaa ay kormeer ku tagi doonaan isbitaalka magaalada kismayao dekada caalamiga ah xeryaha qaxotiga goobo kale oo muhiim ah aydoo imaanshaha wafidgan uu ku soo beegmay xili uu magaalada kismaayo ka maqanyahay gudoomiyaha isbahsyiga dooxada jubba xildhibaan barre hiiraale taasina ay tusaale u tahay sida loogu dhiiran karo amanka magaalada kismayo ayna xiligan u calmadeen heyadaha samafalka ah in ay yimadaan maaalada kismayo iyo waliba degmooyinka hoosyimaada. 

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2005

MAQAALADA MAANTA:::
»Geeri aan Lagu Cibro Qaadaneynin Cabsiba Ha Joogtee | Dayax
»JAHO XUMIDA XISBIGA UDUB JAANGOYNTA XISBIYADA | Diridhaba
»Jawaab : Somaliland ictiraaf ka fog??? | M.A.Ismacil
»Cudurka Qabiilka Oo Aan Daawada Lahayn Iyo Dadka dhaliya | Bashi
»Ku-meel-gaar:: Maqaaalkii C/Waaxid Khaliif
»Bani`aadamka: Qaabiil iyo Haabiil is-qoonsi-goodii | Bile 
»GABAY: Horta soo deg laba Deel midbaa diirku ka caddaane | Dhuuraq
»Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah | Saida
»Ciidanka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii Rwanda | Janale
»WasiiradaHubeeysan ee Muqdisho Awood Gaar ah la siiyo | X.Carab
»Maqaal Ku Saabsan Isboortiga (Ciyaaraha) | Muuse Abees
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD